gunaanadseeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanadseeg
(Gunaanadseeg-ga)
Wax gunaanada loo waayey; gunaanadkii seegay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadseeg
gunaanadseeg¹: m.l 1. Yaasimin la'aanta uu la kulmo qof dhintay. 2. la-mid: gunaanad-seegid.
gunaanadseeg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof dhintay, gunaanad waayid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunaanadseeg
v., [compound] die without having the Koran recited to one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaanadseeg
-ga: (magac, lab, keli) qof isagoon la yaaslimin dhimasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunaanadseeg
de: die without having the Koran recited to one
lx: gunaanadseeg
pd: (gunaanadseegay)
ps: v1=cmp
key: gunaanadseeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanadseegid
(Gunaanadseegid-da)
Wax gunaanada waayid; isagoo aan la yaasiimin dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadseegid
m.f.dh eeg gunaanadseeg². la-mid: gunaanadseeg¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanadan
La gunaanadey; la yaasiimiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la gunaanday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunaanadan
der. [adjective] having had the Koran recited for oneself (of dying person); concluded, summarized
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunaanadan
de: having had the Koran recited for oneself (of dying person); [fig.] concluded, summarized
lx: gunaanadan
pd: (gunaanadnaa)
ps: adj-der
key: gunaanadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanadid
(Gunaanadid-da)
1. Qof dhimanaya gunaanad u samayn; yaasiimin.
2. (arrin; kd.) dhammaystirid; ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadid
m.f.dh eeg gunaanad². la-mid: gunaanad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaanadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof sii dhimanaya quraan ku dul'akhrin.
gunaanadid -da: (magac, dhedig, keli) hadal ama hawl socotay, soo afjarid. Gunaanadidda shirka ha ka maqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadnaan
m.f.dh eeg gunaanadan. la-mid: gunaanadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaanadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la yaasiimay ama la gunaanadey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dhaawac wax hoos ka buka ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
munaaddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: muraaddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
munaaddee
(fal) u dhawaaq; cod dheer ku naadi.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Baanad eeb
Baanad ka washiraad duwan kuwa kale oo gacanqabsigu yahay caynduub u-yaalka wadaaliya qalka sare. Labada qal afkoodu waa gurmuuxan yahay; marka iskuruuggeedu isa saaran yahayna baanaddaan waxaa loogu isticmaalaa wax ku dubbaynta fudud. Iskuruugga labada qal wuxuu leeyahay xarar is-gudubta oo yaryar taasoo loogu tala galay inayna sii dayn ama ka fakan waxa lagu hanto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaladee
(fal) dun geli faynuus ama shawlad si wax loogu bislaysto ama wax loogu ifsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadee
(fal) cid u hanjab oo afka kala dirir. Dh: guhaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaakadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Cid xanaakad u jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanaakadee
v. tease, joke around ~ about, make provoking remarks
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanaakadee
de: joke around ~ about, tease, make provoking remarks
initial: x
lx: xanaakadee
pd: (xanaakadeeyey)
ps: v2b=tr
key: xanaakadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanadee
(fal) yaryaree si la isugu fillaysiiyo. Innoo bannaanadee biilka. Dh: tashiil, farsamee, beekhaami, beexaami. Li: bulqaas, baytimaali. bannaanayn -ta: (magac, dhedig, keli) meel xidhnayd ama dhir lahayd bannaan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumaansheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof balaayo iyo xumaan uun mar walba sheegta. Dh: balasheeg. xumosheeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cufnaan beeg
Hydrometer
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fogaan adeege
Alidade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntin-dareen
m.dh (-no ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Nud dareenwade isku cufan oo ka kooban unugyo jidh iyo xidhiidhiyo dareen wade oo had iyo jeer ku xidhan kiish ka samaysan nudo isku xidhayaal. Lafdhabarleyda badankeeda guntinta dareenwade waxa laga helaa dibadda habdhiska darenwadka dhexe. Waxa ka reebban guntin dareenwadaha salka ah ee maskaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufnaan u-eegan
m.l (fiisikis) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufnaan u-eegan
m.l (-nayaal, m.l/dh) (fiisikis) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cufnaan u-eegan
Density, Relative
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadnaansho
m.l/dh la-mid: gunaanadnaan.