gumxir
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUMXIR
Cyperus chordorrhizus 70, Panicum pinifolium 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUMXIR
(Gumhir) C Cyperus chordorrhizus Chiov. Cyperaceae.
C Panicum pinifolium Chiov. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumir
m.dh la-mid: cumur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gémir
gémir, v. - taahid; cataw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumar
(Gumar-ta)
Geed hah iyo ur lifaaqoon leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumar
m.l/dh Geedgaab qodax, mayrax, xabag iyo miro leh oo ka mid ah dhirta daawada leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumar
f. n., [collective] plant species, with stinging juice
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUMAR
Acacia edgeworthii 01, A. nubica 40, A. stuhlmannii 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUMAR
(Gumar) All.Som. Acacia nubica Benth. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumar
-ka: (magac, lab, keli) geed ur iyo hah kakan iyo qodax leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumar
de: plant sp., with stinging juice
lx: gumar
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: gumar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxir
m.l la-mid: garraar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gu'jir
-ka: (magac, lab, keli) noole ama wax kale oo sannad jira ahaan. Dh: sannadjir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
guérir
guérir, v. - bogsiin (meel bogtay); daaweyn la daaweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumaar
(Gumaar-ka)
1. Kobta bisqantu ku baxdo.
2. Oogada meesha gaatirowda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumaar
m. n. groin, pubic region
gumaar m. n. hard skin; callous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumaar
-ka: (n) the region of the pubis; pubes (piyuubizs); groin (gorooyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaar
-ka: (magac, lab, keli) lafta ka sarraysa xubinta taranka oo ay ka baxaan timaha bisqinta la yidhaahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumbur
m.l/dh (-ro, m.l) Buur yar; kur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumbur
f. n. low isolated hill, small hill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumbur
-ta: (magac, dhedig, keli) meel yar oo dhuka ka korraysa oo buurna ka hoosaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumbur
a: gunbur
de: low isolated hill, small hill
lx: gumbur
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: gumbur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuxid
(Guuxid-da)
1. Guux soo saarid.
2. Farxid; wax u bogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxid
m.f.dh eeg guux². la-mid: guux¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxid
m.f.dh eeg gumaax². la-mid: gumaax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUMXIDID
Crotalaria dumosa 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxiir
garxiir¹: m.l Nin weyn oo aan gar lahayn.
garxiir²: m.dh Bir yar oo garka lagu xiirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garxiir
garxiir¹: m.l Nin weyn oo aan gar lahayn.
garxiir²: m.dh Bir yar oo garka lagu xiirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garxiir
m. n., [compound] man who always shaves
garxiir [feminine] n., [compound] razor; any equipment for shaving one's beard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garxiir
-ta: (n) razor (reeyzer) ~ sakiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garxiir
-ka: (magac, lab, keli) nin weyn oo aan gadh lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garxiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Guntiino iyo wixi lamida dacalladeeda sare ee degta ku beegan isku xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesxir
1. (Geesxir-ka) Neef toojo ah.
2. (Geesxir-ta) Qof dumar ah oo la qabo oo aan ninkeeda la dhaqmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesxir
geesxir¹: m.l.kh Neef lo' ah oo guri ku xiran oo aan dibad u daaq doonan.
geesxir²: m.dh.kh Haweeney ninkeedii aan la noolayn oo diidaysa. la-mid: geesaxir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesxir
m.l.kh Neef lo' ah oo guri ku xiran oo aan dibad u daaq doonan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesxir
m. n., [compound] restive animal
geesxir [feminine] n., [compound] wife who does not live with her husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesxir
(fal) geesaha ka xir. Geesxir dibiga oo sidaa ku kexee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
guarire
v.tr. e intr. - bogsiin, raysiin; bogsasho, raysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumburi
m.l Dameer dibadeed ku nool gobollada Nugaal iyo Sanaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumburi
m.l Dameer dibadeed ku nool gobollada Nugaal iyo Sanaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumburi
-ga: (magac, lab, keli) jaad dameerdibadeedka ka mid ah oo u muuqaal dhow dameeraha la dhagdo. Gumburigii nugaal wuu ka dabargo'ay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gunfire
/ganfayar/ (n) xabbad, siiba dhawaqa xabbada kolka la rido. e.g. I heard the sound of gunfire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suumiir
-ta: (magac, dhedig, keli) noolaha badda ku jira mid ka mid ah malada iyo maggarasadda la jaad ah; waxay dhusha ku leedahay dhibco; gaarfaad. Suumiir buu ku soo jillaabtay idaaddii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusmiir
(Uusmiir-ka)
Uuska nafleyda qaarkeed, biyo laga miiro, oo la cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uusmiir
uusmiir¹: m.l la-mid: uusmiirid.
uusmiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusmiir
-ka: (magac, lab, keli) biyo ku jira uuska geela oo inta caloosha geed laga deldelo oo ilo yaryar oo sidii shaandho ah loo yeelo oo dhibcaha ka soo dhaca la ururiyo la cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxmid
m.f.dh eeg gumaaxan¹.