gumxidid
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUMXIDID
Crotalaria dumosa 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUMXIDID
(Gumhidid) C Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaadid
m.f.dh eeg gumaad². la-mid: gumaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaadid
-da: (magac, dhedig, keli) si kala sooc la'aan ah u layn. Dh: gumaad, baabi'in, xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gas xidid
m.l (-dyo, m.dh) Kor ka bax hal unugley ah oo dhuumaysan oo ka soo baxa dubka sare ee unugga xididka. Waxa uu leeyahay derbi dhuuban oo had iyo jeer deris la ah carrada. Tiro badan oo gas xidid ah ayaa ka baxa dub duleedka, marka uu xididku sii dheeraadana waxa baaba'a gas xididka gaboobey waxaana soo baxa midcusub.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gas xidid
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Kor ka bax hal unugley ah oo dhuumaysan oo ka soo baxa dubka sare ee unugga xididka. Waxa uu leeyahay derbi dhuuban oo had iyo jeer deris la ah carrada. Tiro badan oo gas xidid ah ayaa ka baxa dub duleedka, marka uu xididku sii dheeraadana waxa baaba'a gas xididka gaboobey waxaana soo baxa midcusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudid
(Gudid-da)
1. (dhaqan: Muslin, Yuhuud, kd.) carruurta, wiilal iyo gabdhoba, buuryada ka goyn; (gabdho) bilisayn.
2. Habeen socosho; guurayn.
3. Deyn ama qaan laysku lahaa bixin.
4. Qiimaha ama waxtarka, qof ama neef xoolo ah, ama wax la ganacsadaa, yeelan karo ama lee yahay ama uu bixi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudid
m.f.dh eeg gud². la-mid: gudaal, gudmo (2), gudniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudid
-da: (magac, dhedig, keli) qaan ama abaal cid lagu lahaa oo dib loo bixiyo.
gudid-da: (magac, dhedig, keli) habeen socdaalid.
gudid-da: (magac, dhedig, keli) qof baaro ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midid
m.f.dh eeg mid³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xidid
(Xidid-ka)
1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah.
2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya.
3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidid
xidid¹: m.l (-do, m.l) 1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
xidid²: m.l (-do, m.l) (xisaab) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2=16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
xidid³: f.mg1 (-day, -dday) Xidid noqosho (dad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xidid
xidid¹: m.l (-do, m.l) 1. Geedka intiisa dhulka ku aasan, laamaha iyo faraqa ka baxa mid ka mid ah. 2. Dhuumaha oogada nafleyda ka buuxa oo dhiigga halbowleyaashu xubnaha ku faafiyeen, soo qaada oo wadnaha ku soo celiya. 3. Xiriir dadku yeesho oo xagga guurka ka yimaada.
xidid²: m.l (-do, m.l) (xisaab) 1. Xididka tiro maangal ama murakab ah: waa tiro marka la dul dhigo jibbaar ay la mid tahay tiradaasi. Tusaale ahaan, 2 waa xidid afraadka ee 16 (2 =16). 2. Xididka isle'eg: tiro marka lagu beddelo doorsoomaha ku jira isle'egta raaligeliya isle'egta, kaas oo labada dhinac ee isle'egtu isle'ekeysiiya.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xidid
Root
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xidid
m. n. root; blood vessel (vein ~ artery); nerve; root {mathematics}; relatives by marriage, in-laws
xidid [inchoative] v. become related by marriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xidid
-ka: (n) 1. root (ruut). Ex: xididka geedaha; the root of the plants. 2. artery (aar-tari). Ex: xididada dhiiga; the blood vessels
xidid -ka: (n) relative by marriage; in-law (in-loo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidid
-ka: (magac, lab, keli) geedka intiisa dhulka ku aasan ee biyaha soo nuugta.
xidid -ka: (magac, lab, keli) dhuumo jidhka nafleyda ka buuxa oo dhiigu kor iyo hoos u maro. Ninka uu xidid go'aa dhiigbax ayuu halis u yahay.
xidid -ka: (magac, lab, keli) xidhiidh qaraabo oo gacalnimo salka ku haysa. Nin aan xidid nahay ayaan baabuur ka soo ergistay. Dh: gacal.
xidid -ka: (magac, lab, keli) xanuun kolkol dadka ku soo booda oo meel keliya qabsada oo ah murug ama xidid si noqda. Lugta xidid ayaa iga haya.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xidid
جِذْرٍ، وَرِيد، عِرْقٍ
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUMXIR
Cyperus chordorrhizus 70, Panicum pinifolium 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUMXIR
(Gumhir) C Cyperus chordorrhizus Chiov. Cyperaceae.
C Panicum pinifolium Chiov. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuxid
(Guuxid-da)
1. Guux soo saarid.
2. Farxid; wax u bogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuxid
m.f.dh eeg guux². la-mid: guux¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
umaadid
m.f.dh eeg umaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashada ama geerida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambiyid
m.dh la-mid: gembiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dabada u rogid; wax kor u jeeday hoos u jeedin. Dh: foorarin. Li: taagid, qotomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamiimid
m.f.dh eeg gamiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamiimid
-da: (magac, dhedig, keli) foorar dhaqdhaqaaq la'aan meel la qandoodsado; ciil la foorar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gembiyid
m.f.dh eeg gembi². la-mid: gambi¹, gambin, gambis, gambiyid, gembi¹, gembin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gembiyid
-da: (magac, dhedig, keli) weel ama wax kale, afka u rogid. Dh: geddin, gaddoonsiin. gemboonaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax afka u rogan ahaan; wax gembisan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'ridid
-da: (magac, dhedig, keli) go'a oo la lulo isaga oo kor loo taagayo marka la doonayo in dagaal la kiciyo ama labo col la kala qaboojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gommodid
m.f.dh eeg gommod³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gommodid
-da: (magac, dhedig, keli) adayg noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxid
m.f.dh eeg gumaax². la-mid: gumaax¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumbulid
f. n. mask; cover
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumbulid
de: mask; cover
lx: gumbulid
pd: (-da)
ps: n1-f
key: gumbulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurricid
m.f.dh eeg gurrac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxamid
(Gurxamid-da)
Ci gurxan ah, ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxamid
m.f.dh eeg gurxan ².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn oo aan dhammaanayn ku hadlid. Dh: guryamid, gurxamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaamxiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan kol wada layn. Dh: xasuuq. Li: haldhabaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanu yool u qabsan hubka cadawgu, rasaasta mar qudha wada ridid. Dabxidhid maad samayn halkuu birigaanku ka soo dhacayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmidiid
m.l.kh D. ah: qof aan dadka dulmin gardarradana oggolayn. la-mid: dulmifiir.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gama'diid
name-m sleepless; insomniac; alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gama'diid
magac loo baxsho wiil oohin badan oo aan laga seexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawdiidid
m.f.dh eeg gawdiid². la-mid: gawriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawdiidid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan dhaqdhaqaaq lahayn u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxmid
m.f.dh eeg gumaaxan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhigid
(Gundhigid-da)
Gundhig u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhigid
m.f.dh eeg gundhig².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskuxidid
m.l.kh I. ah: laba wax oo isku fir ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskuxidid
m. n., [collective] affines, kinsmen related by marriage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskuxidid
de: affines, kinsmen related by marriage
lx: iskuxidid
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: iskuxidid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhidid
v. sweat over; work hard for something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_dhidid
de: sweat over; [fig.] work hard for s.t.
lx: ku dhidid
pd: (dhididay)
ps: v1=expr
key: ku_dhidid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaaxidid
-da: (magac, dhedig, keli) wax duban oo qallalan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugu nidir
v. take an oath on someone, swear (to God) to do something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugu_nidir
de: take an oath on s.o., swear (to God) to do s.t.
initial: u
lx: ugu nidir
pd: (nidray)
ps: v1=expr
key: ugu_nidir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumibixid
m.f.dh eeg uumibax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumibixid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere kulayl dartii karay, uumi noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusmiirid
(Uusmiirid-da)
Uska nafleyda qaarkeed sida geela, biyo ka miirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uusmiirid
m.f.dh eeg uusmiir². la-mid: uusmiir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusmiirid
-da: (magac, dhedig, keli) uuska nafleyda qaarkeed sida geela, oo nool, biyo ka miirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbudhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kambadhuudhid. Yumbudhid iyo yuucni toona xoolo kuma yimaaddaan. Dh: kuudadid, yumburid.