gumeyste
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumeyste
(Gumeysta-ha)
Tolka ama qaranka ama qofka wax gumeysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumeyste
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof wax addoonsada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumeyste
m. n. colonialist; imperialist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumeyste
-gumeystaha: (n) imperialist (impiiriyaaliist), colonizer (kolo-naayzer)-, colonist (koloniist)-, colonialist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumeyste
de: colonialist; imperialist
lx: gumeyste
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gumeyste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayste
-ha: (magac, lab, keli) cidda, dal iyo dad kale haysata ee xoog ku muquunisa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
colonist
/kolanist/ (n) gumeyste.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
imperial
/impiryal/imperially; (adj) gumeyste ama xukunkiis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
imperialista
s.m. - gumeyste.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
colon
colon, n.m. - Qofka mustacmarka ah; Gumeyste
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuleyste
-guuleystaha: (n) winner (winar) ~ qofka libtu raacdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumeysi
(Gumeysi-ga)
Gumeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumeysi
m.l 1. Hab dawladaha waaweyni kaga maroorsadaan dawladaha yaryar xorriyaddooda, dhaqaalahooda iyo wixi lamida. 2. la-mid: gumeysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumeysi
m.l Hab dawladaha waaweyni kaga maroorsadaan dawladaha yaryar xorriyaddooda, dhaqaalahooda iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumeysi
m. n. imperialism, colonialism; colonialist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumeysi
-ga: (n) the state of a country or region politically or economically controlled by another goverment; colony (kaloni)-, colonialism (koloniyaaliizim)-, imperialism (impiiriyaaliizim) ~ isticmaar, mustacmir
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gumeysi
Colonialismo
Colonialism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumeysi
-ga: (magac, lab, keli) dad iyo dhulkoodi oo cid kale oo dibad kaga timi haysato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumeysi
de: imperialism, colonialism; colonialist
lx: gumeysi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gumeysi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gumeysi
استعمار
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumeyso
f.g3 (-stay, -satay) Cid addoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumeyso
f.g3 (-stay, -satay) Cid addoonsasho. m.f.dh, gumeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumeyso
v.auto: enslave, rule over; act overbearingly; colonize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumeyso
-gumeystay / gumeysatay: (v) colonize (kolonaayz)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumeyso
de: enslave, rule over; act overbearingly; colonize
lx: gumeyso
pd: (gumeystay)
ps: v3b=auto
key: gumeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumeysad
(Gumeysad-ka)
Gumeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumeysad
m.l la-mid: gumeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumeysad
vl. n. colonizing, colonialization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumeysad
a: gumeysasho (/da) [vn6-f]
de: colonizing, colonialization
lx: gumeysad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gumeysad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumeysitir
vl. n., [compound] decolonization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumeysitir
de: decolonization
lx: gumeysitir
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: gumeysitir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guumeys_1
de: owl; [fig.] ugly old man, old bachelor
hm: 1
lx: guumeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guumeys_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guumeys_2
de: owl; [fig.] old maid, spinster
hm: 2
lx: guumeys
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: guumeys_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guumeysow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gummeys noqosho (haweenay).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
geste
geste, n.m. - fal; xarako; dhaqaaq adin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
guest
/gest/ (n) marti.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
guest
n., abbaan, -ki, marti, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufeys
m.l (-syo, m.dh) 1. Xakab yar oo ka dambeeya xakabka horyaalka ah. 2. la-mid: gufeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufeys
-ka: (magac, lab, keli) weel afkii ama meel kaloo daloosha ama furan, guf gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeys
m.l la-mid: gujeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumeys
m.l la-mid: lumeyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fumiste
fumiste, adj. - qof aan waxba gaban.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
funeste
funeste, adj. - dhimanaya; aan noolaanayn; murugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeysi
m.l Guro awr hoosin u yeelasho. la-mid: gujeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Neef caano yar, caano ka raadsasho. 2. Candho maran caano ka raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaysi
-ga: (magac, lab, keli) dad iyo dhulkoodii oo cid kale oo dibad kaga timi haysato. Li: xornimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayso
(fal) dad iyo dal aanad lahayn qabso oo u maamul sida aad doonto. Dh: isticmaarso, addoonso. Li: xorayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guumeys
1. (Guumeys-ka) a) Shinbir, shinbiraha habeenkii ugaarsada kamid ah; wuxuu lee yahay madax ballaaran iyo labo indhood oo waaweyn oo ku yaal kax bannaan oo middiiba baal adki ku xariiran yahay. b) Nin qaabka guumeyska leh; guun gaaban oo foolxun; filkii guurka wax badan dhaafay.
2. (Guumeys-ta) a) Inan gabowdey oo aan la guursan. b) Sida 1a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guumeys
guumeys¹: m.l Nin da' weyn oo aan weli guursan.
guumeys²: m.l/dh Shimbir ka mid ah shimbiraha habeenkii ugaarsada oo leh madax ballaaran iyo indho waaweyn oo baalal adagi ku xariiranyihiin.
guumeys³: m.dh Gabar inannimo ku weynaatay oo aan la guursan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guumeys
guumeys¹: m.l Nin da' weyn oo aan weli guursan.
guumeys²: m.l/dh Shimbir ka mid ah shimbiraha habeenkii ugaarsada oo leh madax ballaaran iyo indho waaweyn oo baalal adagi ku xariiranyihiin.
guumeys³: m.dh Gabar inannimo ku weynaatay oo aan la guursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guumeys
m. n. owl; ugly old man, old bachelor
guumeys [feminine] n. owl; old maid, spinster
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guumeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg guumays.
guumeys-ta: (magac, dhedig, keli) eeg guumays.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
guumeys
بُومَةَ بُومٍ أُمُّ قُوَيْقَ
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adkeyste
-adkeystaha: (n) [physics] resistor (ri-siiz-tar)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gufeysan
Furaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufeysan
gufeysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smid) Wax la gufeeyey noqosho. la-mid: cufaysan¹.
gufeysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax guf loo yeelay ahaansho. la-mid: cufaysan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gufeysan
der. [adjective] plugged
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufeysan
(tilmaame) wax guf loo yeelay ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gufeysan
de: plugged
lx: gufeysan
ps: adj-der
key: gufeysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeysad
m.l la-mid: gujeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaysad
-ka: (magac, lab, keli) dad iyo dhulkoodii oo cid kale oo dibad kaga timid haysato. Dh: gumaysi, isticmaarsi, gumaysasho. Li: xornimo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gymnaste
gymnaste, n. - qofka jimnaastiga sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumeysasho
(Gumeysasha-da)
1. Gun ka dhigasho.
2. * Addoonsasho; beelaysasho; isticmaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumeysasho
m.f.dh eeg gumeyso. la-mid: gumeysad, gumeysi.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gumeysi-ga
colonialisme.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guumeysoob
inch. v. become an old bachelor ~ old maid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guumeysoob
a: guumeysow
de: become an old bachelor ~ old maid
lx: guumeysoob
pd: (guumeysoobay)
ps: v1=inch
key: guumeysoob
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guumeysoow
-day: (v) become a spinster
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegeyste
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof wax dhegeysta ama dhegeysanaaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhegeyste
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof wax dhegeysta ama dhegeysanaaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegeyste
-ha: (magac, lab, keli) qof si wanaagsan wax u dhegeysta isga oo faa'iido u jeeda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
enumerate
/inyuumareyt/ (v) liis-garayn, hal-hal u-sheegid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
enumerate
v.tr., midmid u tiri.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gauchiste
gauchiste, n. - qof fikradiisu bidix tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufeysmid
m.f.dh eeg gufeysan¹. la-mid: cufaysmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuleysad
(Guuleysad-da)
Guuleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuleysad
m.l la-mid: guuleysasho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
humectate
v.tr., yar qoo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humoriste
humoriste, n.m. - niyo u haya
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
immensité
immensité, n.f. - aad u weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jumleysad
m.l la-mid: jimleysasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
supèrsite
s.m. - qof ka samatabaxay (belo, dagaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhmeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid tuhun ku abuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuhmeysii
v. make someone suspicious, cause someone to suspect
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuhmeysii
de: make s.o. suspicious, cause s.o. to suspect
initial: t
lx: tuhmeysii
pd: (tuhmeysiiyey)
ps: v2a=tr
key: tuhmeysii
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumeysinimo
f. n., [abstract] colonialism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumeysinimo
de: colonialism
lx: gumeysinimo
pd: (/da)
ps: n-f-abs
key: gumeysinimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax hurgumo ku jirto ahaansho. la-mid: hurgunsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumeysan
(tilmaame) hurgun leh; caalliran.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muusikeyste
-muusikeystaha: (n) musician (miyuusishan)