gumansoor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gumansoor
nickname-m outcaste feeder or host; merciful, kind
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUMAR-SOWR
(Gumar-saur) NFD Acacia paolii Chiov. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganboor
(Ganboor-ka)
Geed qodax dheerdheer leh oo geelu hadduu daaqo ku dhinto; aad buu u kharaar yahay, oo neefka u dhinta hilibkiisa lama dhedhemin karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganboor
m. n., [collective] thorny plant species, dangerous to camels
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganboor
-ka: (magac, lab, keli) eeg gamboor.
ganboor -ta: (magac, dhedig, keli) neefka sii gudhaya caanaha ku sii hadha candhadiisa. Ganboor baa ku sii taalla ridan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganboor
a: gamboor
de: thorny plant sp., dangerous to camels
lx: ganboor
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: ganboor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garsoor
(Garsoor-ka)
Garta oo loo galo si aan eexasho lahayn; maamulka iyo taliska garta iyo xeerka iyo qeydada; caddaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsoor
garsoor¹: m.l 1. Si aan eex lahayn oo wax loo xukumo; cadaalo. 2. la-mid: garsoorid.
garsoor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Si aan eex lahayn wax u xukumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garsoor
garsoor¹: m.l Si aan eex lahayn oo wax loo xukumo; cadaalo.
garsoor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Si aan eex lahayn wax u xukumid. m.f.dh, garsoorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsoor
m. n., [compound] justice, judicial process
garsoor v. judge, mediate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garsoor
-ka: (n) justice (jastis). Ex: Wasaaradda Garsoorka; the Ministry ofJustice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garsoor
(fal) u kala garsoor; kala xakun; u kala baan.
garsoor -ka: (magac, lab, keli) si guud, xeerasha, dadka iyo meesha garta lagu qabto; maxkamad.
garsoor -ka: (magac, lab, keli) maxkamad marin; kala xaqsiin; kala xakumid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
garsoor
عَدَالة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayso
(fal) dad iyo dal aanad lahayn qabso oo u maamul sida aad doonto. Dh: isticmaarso, addoonso. Li: xorayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garangoor
(Garangoor-ka)
Dhiig iyo malax isku jira; malax adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangoor
m.f.kh Malax adag oo dhiig yari ku jiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garangoor
m.f.kh Malax adag oo dhiig yari ku jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garangoor
m. n. bloody pus, suppuration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangoor
-ka: (magac, lab, keli) shilinta waaweyn oo micideedu dheer tahay oo xoolaha cunta. Garangoor baa xoolihii waxyeelleeyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garangoor
de: bloody pus, suppuration
lx: garangoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: garangoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansoon
Xusuusan; garwaaqsan; og; aqoonsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansoon
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Wax, wax xusuusan ahaansho. 2. Wax, wax fahamsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansoon
der. [adjective] informed, knowledgeable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansoon
(tilmaame) mid waxa la sheegayo xusuusan oo garwaaqsan ama aqoonsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansoon
de: informed, knowledgeable
lx: garansoon
pd: (garansoonaa)
ps: adj-der
key: garansoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saransoor
(Saransoor-ka)
Meel labo wax iska galeen; iran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saransoor
m.l 1. Meel laba wax iska galaan; iran. 2. Dalandool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saransoor
m. n. joining, joint, area where two things meet
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saransoor
name-m joining, joint, point where two things meet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saransoor
-ka: (magac, lab, keli) meel labo wax iska galaan, bar ka la qaybisa labo wax. Dh: idhan; iran; afmeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saransoor
de: joining, joint, area where two things meet
initial: s
lx: saransoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: saransoor
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ashansoore
m. n. elevator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ashansoore
-ashansooraha: (n) lift (lift), elevator (ela veey-tar); derrick ~ wiish
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ashansoore
de: elevator
lx: ashansoore
pd: (/ha)
ps: n-m
xe: Where is the elevator?
xv: koruqaade {It}
key: ashansoore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaanyood
m.f.l eeg gamaanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamaanyood
m.f.l eeg gamaanyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaanyood
-ka: (magac, lab, keli) lulood iyo hurdo iska dareen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansooni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg garansoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gellinsoor
-ka: (magac, lab, keli) caano godol ka badan gaaxna ka yar oo lo'du markay galab is jaqdo laga maalo subaxa danbe. Haduu gaax iyo, gallinsoor qabo, gooha ma ceshade.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guumeysoob
inch. v. become an old bachelor ~ old maid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guumeysoob
a: guumeysow
de: become an old bachelor ~ old maid
lx: guumeysoob
pd: (guumeysoobay)
ps: v1=inch
key: guumeysoob
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guumeysoow
-day: (v) become a spinster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubarnatoore
-ha: (n) governor (gavarnar) ~ guddoomiye gobol
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GAMOOR
(Gamor) S Phyllanthus somalensis Hutch. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garoor
(Garoor-ka)
Caano dhaynnimadii ka tegey oo fariistay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoor
garoor¹: m.l 1. Caano lo'aad ama ari fadhi ah oo aan subag laga saarin. 2. Ciir.
garoor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Fadhi aan subag laga saarin noqosho (caano lo'aad ama ari).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garoor
garoor¹: m.l 1. Caano lo'aad ama ari fadhi ah oo aan subag laga saarin. 2. Ciir.
garoor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Fadhi aan subag laga saarin noqosho (caano lo'aad ama ari). m.f.dh, garoorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garoor
m. n., (mass n.): sour milk
garoor [inchoative] v. turn sour (of milk)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garoor
-ka: (n) sour milk (saawar milk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garoor
-ka: (magac, lab, keli) eeg gadhoodh.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
guanto
s.m. - gacangashi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
guasto
agg. e s.m. - kharriban, hallaysan; waxyeello.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumaar
(Gumaar-ka)
1. Kobta bisqantu ku baxdo.
2. Oogada meesha gaatirowda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Halka bisqintu ka baxdo oo xubnaha taranka ee dadka ka sarreysa. 2. (-rro, m.dh) Dhaawac dab oo biskooday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumaar
m. n. groin, pubic region
gumaar m. n. hard skin; callous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumaar
-ka: (n) the region of the pubis; pubes (piyuubizs); groin (gorooyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaar
-ka: (magac, lab, keli) lafta ka sarraysa xubinta taranka oo ay ka baxaan timaha bisqinta la yidhaahdo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gumaas
nickname-m clean cut, smooth and short
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaro
-da: (magac, dhedig, keli) gobanimada iyo sharafta.
gumaro-da: (magac, dhedig, keli) xoolo raasamaal ah. Aniga gumaro xoolaad, giddi way ila wacantahay, adigaase kala gurey. Dh: hanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunso
m.dh Surta inteeda adag; gaws.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandoo
-ga: (magac, lab, keli) geed aan geed qodxeed ahayn laamihiisana laga sameeyo saabka haamaha yar yar. Mandoo baan haanta ka saabiyey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqoor
m.l la-mid: moqor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqoor
m. n. small deep hole usually in a tree (where water gathers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqoor
(fal) si isle'eg wax u qaybi. Hawsha inno maqoor. Dh: qaybi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqoor
a: moqor
de: small deep hole usually in a tree (where water gathers)
lx: maqoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maqoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroor
(Maroor-ka)
1. Si aan toosnayn oo qallooc ah u wareegsan, u furuxsan; isku kor marooqsan; isku soo gudannoqday; gurracan.
2. Xiidanka weyn, docdiisa dibadda xigta; walammad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroor
maroor¹: m.l Meesha nafleydu ka saxarooto.
maroor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Xarig, maro, iyo wixi lamida marooq yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maroor
m.l Meesha nafleydu ka saxarooto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroor
n. crookedness; twisted object; lower intestines, colon, anus
maroor [inchoative] v. be ~ get crooked, become twisted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maroor
-ka: (n) twistability (tuwist-ibiliti); twistiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroor
-ka: (magac, lab, keli) nin dabeecad xun oo cidna la heshiin karin; qof bilaa dabeecad ah.
maroor -ka: (magac, lab, keli) qallooc aan toes nayn oo xoodnaan leh. Dh: qallooc. Li: tooni.
maroor -ka: (magac, lab, keli) xiidmaha waawayn docdooda dabada u xigta. Dh: malawadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masoob
inch. v. become equal, even (out)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masoob
de: become equal, even (out) rw: mase
lx: masoob
pd: (masoobay)
ps: v1=inch
key: masoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masoow
(fal) cid kale la sinnaw; qof la siman ahaw, Qayrkaa ayuun kaa badine la masoow ama ka badi. Dh: siman, sinnaw, masow, sinoow.
masoow-ga: (magac, lab, keli) sinnaansho. Intan danbe masoow xagga waxbarashada ah oo ragg iyo dumarka ah ayaa jira. Dh: sinnaan. Li: kaladuwanaan, kala sarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matoor
m.l (-ro, m.dh) la-mid: motoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
matoor
m.l (-ro, m.dh) la-mid: motoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
matoor
m. n. motor, engine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
matoor
-ka: (n) motor (mootor); machine (ma shiin'); engine (en 'jin) motoor, mashiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matoor
-ka: (magac, lab, keli) makiinad ama mishiin dab dhaliya. Beertu matoor ayay u baahan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
matoor
de: motor, engine {Eng}
lx: matoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: matoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Umasho
(Umasha-da)
Naf ka bixid; dhimasho; geeryoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
umasho
f. n., [abstract] death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo xaalad geeriyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
umasho
de: death
initial: u
lx: umasho
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: dhimasho
key: umasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamboor
m.l Geed qodxo dhaadheer iyo caleemo kharaar leh oo geela cunaa ku dhinto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamboor
-ka: (magac, lab, keli) geed qodax dheer aadna u qadhaadh oo geelu ku dhinto. Geelow geed walba daaq oo maalintaad gamboor daagdaa laguu yaabaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gammoor
-ka: (magac, lab, keli) eeg gamboor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbool
(Ganbool-ka)
Bur weyn oo madax buuran; qaar; qool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganbool
m. n. club, cudgel; cover
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganbool
a: gambool
cf: bur, qaar
de: club, cudgel; cover
lx: ganbool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ganbool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoob
gandoob¹: m.l la-mid: gantoob¹.
gandoob²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: gantoob².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gandoob
n. partition, room divider, curtain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoob
(fal) wax soo gaabi. Dh: gantoob.
gandoob -ka: (magac, lab, keli) wax la soo gaabshay oo aan la dhammaystirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gandoob
a: gantoob
de: partition, room divider, curtain
lx: gandoob
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
syn: qolqol
key: gandoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandood
gandood¹: m.l la-mid: qandoodid.
gandood²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: qandood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandood
(fal) meel, sidii wax ciillan u foorar.
gandood -ka: (magac, lab, keli) foorarka ciilka iyo cadhadu ka muuqdaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannood
(fal) hoos u foorar oo sidii wax murugoonaya u joog.
gannood -ka: (magac, lab, keli) foorar sidii wax murugoonaya loo foororo oo in badan meel la qotonsanaado. Gannoodka iska daa oo madaxa kor u qaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantoob
Gantoob-ka)
Wax la soo gaabshey; aan la dhammaystirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoob
gantoob¹: m.l 1. Xijaab ka samaysan kebed ama dermo oo kala qaybiya aqal gudihiisa. 2. Wax la soo gaabshay; aan la dhammaystirin. la-mid: gandoob¹.
gantoob²: f.g1 (-bay, -btay) Aqal, derin, maro iyo wixi lamida ku kala qoqobid. la-mid: gandoob².