gumaaxmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxmid
m.f.dh eeg gumaaxan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxid
m.f.dh eeg gumaax². la-mid: gumaax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaadid
m.f.dh eeg gumaad². la-mid: gumaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaadid
-da: (magac, dhedig, keli) si kala sooc la'aan ah u layn. Dh: gumaad, baabi'in, xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalmid
m.f.dh eeg gulaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtay ku hungoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaad
gumaad¹: m.l 1. Baabi'inta wax la baabi'iyo. 2. la-mid: gumaadid.
gumaad²: f.g1 (-aaday, -aatay) Wax baabi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumaad
gumaad¹: m.l Baabi'inta wax la baabi'iyo.
gumaad²: f.g1 (-aaday, -aatay) Wax baabi'in. m.f.dh, gumaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumaad
m. n. destruction; extermination; elimination
gumaad v. destroy, exterminate, eliminate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumaad
-ka: (n) genocide (jene-saayd); holocaust (holokoost) ~ xasuuq
gumaad -ay: (v) slaughter (islooter)-, massacre (maasseker)-, kill indiscriminately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaad
(fal) cid kale, si aanan kala sooc lahayn u laa. Dh: xasuuq, baabi'i.
gumaad -ka: (magac, lab, keli) dad si wadar ahaana loo laayay oo aan hubaysnayn ama dagaal ku jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaax
gumaax¹: m.l 1. Bir aan af ama caarad dhuuban lahayn. 2. la-mid: gumaaxid.
gumaax²: f.g1 (-xay, -xday) Bir wax aan af ama caarad dhuuban lahayn ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumaax
m. n. clean cut of (torso, neck ~ other circular things)
gumaax v. make a clean cut of something
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxid
(Maaxid-da)
Tallaabid; gudbid; xulid; mushaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxid
m.f.dh (-day, -dday) eeg maax².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maaxid
Navigation
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maaxid
Navigation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhex mushaaxid. Maaxidda iska daa oo dadka ka fadhiiso. Dh: maaxis.
maaxid-da: (magac, dhedig, keli) maax soo saarid. soo biiridda biyo il ka soo baxaya oo soo maaxaya. Maaxidda ceelka ayaan sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarmid
(Maarmid-da)
(ka maarmid) Wax la'aantooda ama maqnaantoodu ayan cid wax u dhimayn, aan la tebeyn; huri karid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarmid
m.f.dh eeg maaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarmid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka kaaftoomid oo dooniddiisa ka hahid. Ka maarmid qasab ah ayaan alaabtaydii ka maarmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
umaadid
m.f.dh eeg umaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashada ama geerida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
umaamad
f.g1 (-day, -dday) Maal aruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umaamad
(fal) waxyaabo burbur ah ama kala jajabay, isku geegee.
umaamad -ka: (magac, lab, keli) waxyaabo burbur ah ama kala jajabay, isku geygeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaamid
(Bulaamid-da)
Hadal bulaan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaamid
m.f.dh eeg bulaan². la-mid: bulaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hugmid oo hadal badan oo aan kala qeexnayn ku hadaaqid Nin buka bulaamid ma seego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lo', ci' dheer ciyid. Bunaaxid dibiga markay dheregto weeyaane. Dh: bunaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumaamad
m.dh la-mid: cimmaamad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cumaamad
f. n. turban
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cumaamad
-da: (n) piece of cloth worn by men as a covering for the head, neck or shoulders; man's shawl ~ cimaamad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cumaamad
-da: (magac, dhedig, keli) maro leh midabyo kala geddisan oo ay raggu ku qaataan degta ama madaxa ku duubtaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cumaamad
de: turban
lx: cumaamad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: cimaamad
key: cumaamad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumaalid
(Dumaalid-da)
Guursashada walaalku guursado afadii walaalki ka dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumaalid
m.f.dh eeg dumaal². la-mid: dumaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh nimaad xigto tihiin ka dhintay guursashadeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dul wareejin oo ku hareeraysnaan. Dh: goobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaamad
(Gamaamad-ka)
Wax la qarina hayo oo alaabo ama dhar ama wax kale korka laga saarsaaro, lagu hilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamad
gamaamad¹: m.l 1. Dedidda wax la qarinayo wax kale lagu dedo. 2. la-mid: gamaamadid. la-mid: gamaamud¹.
gamaamad²: f.g1 (-day, -dday) Wax la qarinayo dedid. la-mid: gamaamud².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gamaamad
vl. n. covering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamad
-ka: (magac, lab, keli) wax la rabo in la qariyo oo alaabo badan inta la dhexgeliyo lagu hilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gamaamad
de: covering
lx: gamaamad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gamaamad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamud
gamaamud¹: m.l la-mid: gamaamad¹.
gamaamud²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: gamaamad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaarid
(Gamaarid-da)
(dab, kd.) sii baabbi'id; sii basid; sii dhammaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaarid
m.f.dh eeg gamaar². la-mid: gamaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dab iwm, sii damid; sii dhammaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganaaxid
(Ganaaxid-da)
Ganaax saarid; eedsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganaaxid
m.f.dh eeg ganaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, abaal xun marin. Dh: ciqaabid, tacsiir, taqsiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gimaamad
-ka: (magac, lab, keli) hawl la abaabulayo oo la diyaarinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalid
m.f.dh eeg gulaal². la-mid: gulaal¹ (3).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumaax_1
de: clean cut of (torso, neck ~ other circular things)
hm: 1
lx: gumaax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: gumaax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumaax_2
de: make a clean cut of s.t.
hm: 2
lx: gumaax
pd: (gumaaxay)
ps: v1=tr
key: gumaax_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxan
gumaaxan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Wax gumaaxmay noqosho.
gumaaxan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la gumaaxay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntamid
m.f.dh eeg guntan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel guntan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxamid
(Gurxamid-da)
Ci gurxan ah, ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxamid
m.f.dh eeg gurxan ².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn oo aan dhammaanayn ku hadlid. Dh: guryamid, gurxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guryamid
(Guryamid-da)
Hadal guryan ah tixid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guryamid
m.f.dh eeg guryan². la-mid: duryamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo aan milqo lahayn ku hadlid. Dh: duryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuhaamid
(Kuhaamid-da)
Waxyaalo aan weli dhicin waxkasheegid, ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuhaamid
m.f.dh eeg kuhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo aan wali dhicin sii sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamaamid
(Qamaamid-da)
Sida wax oomman, meel wax yaalliin, ugu yaacid, ugu firxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamaamid
m.f.dh eeg qamaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamaamid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi awgeed meel ugu wada yaacid. Lo'da adaa qamaamidda ugu wacan. Dh: qamaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamid
m.f.dh eeg uugaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo isku duuban meel isugu imaad oo marba dhinac u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurracmid
m.f.dh eeg gurracan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudaamid
m.f.dh eeg guudan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) laaqmid iyo yalaalugood ay xanuun darteed calooshu samayso. Cunto aan nadiif ahayni hulaaqmid way keentaa.
hulaaqmid-da: (magac, dhedig, keli) dab, qiiqaabid; soo hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, ka kaaftoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxmid
-da: (magac, dhedig, keli) jajabid oo kala daadasho oo wax rigaaxan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyaaxmid
-da: (magac, dhedig, keli) kala daadasho oo wax rigaaxan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxiyid
m.dh la-mid: banaaxiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufaanmid
m.f.dh eeg dhufaanan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufaanmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid la tumay oo dhufaan laga dhigay noqosho. Dh: bohonoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaarmid
m.f.dh eeg dulsaaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamadid
m.f.dh eeg gamaamad². la-mid: gamaamad¹, gamaamamud¹, gamaamudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaamadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qarinaayey wax kale ku hilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudid
m.dh la-mid: gamaamadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaaxnaan
m.f.dh eeg gumaaxan². la-mid: gumaaxnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanadid
(Gunaanadid-da)
1. Qof dhimanaya gunaanad u samayn; yaasiimin.
2. (arrin; kd.) dhammaystirid; ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanadid
m.f.dh eeg gunaanad². la-mid: gunaanad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaanadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof sii dhimanaya quraan ku dul'akhrin.
gunaanadid -da: (magac, dhedig, keli) hadal ama hawl socotay, soo afjarid. Gunaanadidda shirka ha ka maqnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gungaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) ka war keenid; hubsasho aad ah; ka salgaadhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumaatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tumaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasmid
(Aasmid-da)
Xabaalmid; duugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasmid
m.f.dh eeg aasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogmid; wax aasamay oo ciidi ku rogmatay noqosho. Ceelka aasmidda ka ilaaliya, dib looma qodi karayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaami
-ga: (magacwadareed) xoolo tebis ah oo an sannado dhalin. Haddaan dirir xalan, oon nin xidid ahi, amaamiga xagan. Dh: dabaax, dammaan.