guluus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluus
m. n. button
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guluus
-ka: (n) button (bateri), used to join two parts of a garment ~ badhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluus
-ka: (magac, lab, keli) shey wax yar oo xalleef wareegsan ah oo dhexka daloollo ku leh oo dharka lagu tolo inta daloolada laysu sudho, dacallada isku qabta. Dh: sureer, badhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluus
a: galuus
de: button
lx: guluus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guluus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galuus
m.l la-mid: guluus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galuus
m. n. button
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galuus
-ka: (n) button (baten) ~ badhan, guiuus —hogga gaiuuska: buttonhole
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galuus
bw: guluus {C & S}
de: button
lx: galuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: badhan
key: galuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucuus
-ka: (magac, lab, keli) hadal gaagaaban oo aan sare loo dhawaaqine hoos loo yidhaahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluub
m.l (-byo, m.dh) Aalad yar, kuusan, if bixisa oo tooshashka iyo korontooyinka lagu xiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guluub
m.l (-byo, m.dh) Aalad yar, kuusan, if bixisa oo tooshashka iyo korontooyinka lagu xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluub
m. n. light bulb ~ globe; small lamp; electric light; pilot light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guluub
-ka: (n) globe (galowb)-, light bulb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluub
-ka: (magac, lab, keli) dhalada iftiinta ee kooraanka. Guluubku wuu gubtay ee mid kale soo iibiya.
guluub -ka: (magac, lab, keli) tiriig la iftiinsado ama laanbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluub
de: light bulb ~ globe; small lamp; electric light; pilot light {Eng}
lx: guluub
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guluub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunuus
gunuus¹: m.l la-mid: gunuunuc¹.
gunuus²: f.mg1 (-say, -stay) la-mid: gunuunuc².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunuus
v. grumble, growl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunuus
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan sare loo qaadayn oo hoos loo leeyahay, xishood ama baqdin darteed. Gunuuska badan iska daa oo waxaaga saani u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunuus
de: grumble, growl
lx: gunuus
pd: (gunuusay)
ps: v1=
key: gunuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badhan
(Badhan-ka)
Geed, wax yar ah, oo xalleefsan oo wareegsan oo dhexda daloollo ku leh, oo dharka lagu kor tolo oo inta ilaha (daldaloollada) laysu suro, dacallada isku qabta oo isku xira; guluus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaar
m.l (-rar, m.l) Hu' si gaar ah loo tolay oo leh kulleeti, gacmo, guluusyo la iskula xiro oo dadku qaarka sare ka qaato; shaati.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaar
m.l (-rar, m.l) Hu' si gaar ah loo tolay oo leh kulleeti, gacmo, guluusyo la iskula xiro oo dadku qaarka sare ka qaato; shaati.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
button
/battan/ (n) 1. badhan; guluus 2. batoon. e.g. You have to press the button in order to start the machine.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cardigan
/kadhigan/ (n) funaanad ama meesojaako suuf ah oo hoos guluusyo ku leh, xabadkana ka furan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
come off
/kam-of/ (v) 1. furmid (sida guluus furma oo kale) (v) 2. dhicid (sida arin sidii la rabay u dhacda).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
double-breasted
/dhabal-bareestidh/ (v) jaakad laba-meelood guluusyo ku leh, oo lays dul saaro kolka la-xirayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unbutton
/unbatn/ (v) badhanka ka furid, (guluus ka furid).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badhan
-ka: (n) button (batan) ~ guluus
badhan: -badhnaa / badhnayd: (adj) half (haaf); halved. ~ badhan. Ex: koob badhan; half cup
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bottóne
s.m. - guluus, badhan.
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
Il bottone
Guluuska
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhan
(fal) mid dhiman ama qaybsamay noqo.
badhan: (tilmaame) mid labo qaybood laga dhigay oo aan dhannayn; mid qayb ka maqantahay. Dh: baran, dhiman. Li: dhan.
badhan -ka: (magac, lab, keli) walax yar oo caag ka samaysan caag, loox iyo wixii la mid ah, dhexda na ku leh afar ama labo dalool oo lagu taxo shaadhadhka iyo wixii la mid ah. Dh: guluus, sureer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sureer
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah baldhannada dharka lagu xirto gaar ahaan shaadhka. Sureer baa ka go'ay shaadhkii cusbaa Dh: guluus.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
boutonner
boutonner, V. - badhan xidhid; guluus xidhid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
reboutonner
reboutonner, v. - mar labaad guluus ku tolid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vareuse
vareuse, n.f. - shaadh aan furayn aan laabta guluusyo ku lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badhan
de: button
lx: badhan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
syn: galuus ~ guluus {N < Eng}
key: badhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guus
-ka: (magac, lab, keli) hawl si wadaag ah loo qabto; si urur ah hawl u qabasho; beeralaydu iskaashi ay sameeyaan marka beerta la beerayo ama la goynayo oo ay hawsha wada galaan. Dh: goob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluu
-ga: (magac, lab, keli) midab lafta cirka oo kale ah. Shaadh buluu ah buu xidhanyahay. Dh: lafcir, buluug, ciraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culus
Culays leh; aan fududayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culus
f.mg4 (-uslaa, -uslayd) 1. Wax miisaan weyn leh ahaansho. 2. Arrin muhiim ah ahaansho. 3. Arrin xalkeedu adagyahay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culus
f.mg4 (-uslaa, -uslayd) 1. Wax miisaan weyn leh ahaansho. 2. Arrin muhiim ah ahaansho. 3. Arrin xalkeedu adagyahay ahaansho. m.f.dh, cuslaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culus
[adjective] heavy; serious
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Culus
name-unisex heavy, serious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culus
(adj) heavy (hevi). Ex: xammuul cuius; a heavy load. —Syn: weighty, hefty, massive, ponderous, cumbersome.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CULUS
Pesante
Heavy
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Culus
Pesante
Heavy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Culus
magaca gabadh yaraanteedii buurnayd oo cuslayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culus
(tilmaame) wax aan fududayn; wax miisaan weyn leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culus
de: heavy; serious
lx: culus
pd: (cuslaa Pl: cusculus)
ps: adj
xe: You arent heavy' Opp: fudud
xv: Maad cuslid
key: culus
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
culus
ثقيل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guluc
(Guluc-da)
1. Rogrogmadka isha guruxeeda.
2. Meel laabato ah; guho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluc
m.dh 1. Rogrogmadka isha guruxeeda. 2. Meel laabato ah; guho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluc
vl. n. rolling of the eyes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluc
-a: (magac, lab, keli) meel laablaabato ah ama weecsan. Guluc ayay leedahay daaradda gurigu. Dh: gulac, hud, weecad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Guluc
Godnaan aan xagali ka uskumin, deri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluc
cf: guho, rogrog
de: rolling of the eyes
lx: guluc
pd: (-da)
ps: vn-f
key: guluc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guluf
(Guluf-ka)
Col yar oo faras ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluf
guluf¹: m.l 1. Koox yar oo fardooley ah oo dagaal u jeedda. 2. Orod aan xawli ahayn oo waqtiga dhiillada iyo colaadda la sameeyo. 3. la-mid: gulfid.
guluf²: f.mg1 (-lfay, -luftay; -lfi) 1. Koox yar oo fardooley ah dagaal aadid. 2. Orod aan xawli ahayn waqti coolad iyo dhiillo jirto samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guluf
m.l 1. Koox yar oo fardooley ah oo dagaal u jeedda. 2. Orod aan xawli ahayn oo waqtiga dhiillada iyo colaadda la sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluf
v. attack with a small party of horseman; canter, gallop slowly
guluf m. n. small mounted war-party
guluf n., [collective] husk, stubble ~ hay given to livestock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guluf
-ka: (n) the act of engaging in a war-game
guluf colaadeed: war game (woorgeeym)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluf
-ka: (magac, lab, keli) koox yar oo fardooley ah dagaal aadid.
guluf -ka: (magac, lab, keli) orod aan xawli ahayn waqti coolad iyo dhiillo jirto samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulus
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabaluus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uluuf
-ta: (magacwadareed) wax badan oo kumanyaal ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulus
m.l la-mid: xalus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulus
-ka: (magac, lab, keli) cad buuran oo xaydh ah oo ay dadka shilisi gaar ahaan haweenku. xundhurta hoosteeda ku yeeshaan. Dh: xalus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buluug
*(Buluug-ga)
Wax midabka cirka leh; lafcir; beymadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluug
m.l 1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buluug
m.l 1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buluug
m. n., [abstract] blue cubes for washing clothes; blue (color)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buluug
-ga: (n) blue (buluu)-, navy blue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluug
-ga: (magac, lab, keli) sibaaq budo ah ama iskujir milmi og oo loo adeegsado midabaynta dharka cadcad marka la rabo in buluu laga dhigo midabkiisa. Qamiiska aabbo waxaan geliyey buluu. Dh: sibaaq, buluug.
buluug -ga: (magac, lab, keli) midab ka mid ah kuwa waaweyn ka mid ah, oo u eg cirka badina ka sii modow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buluug
de: blue cubes for washing clothes; [ext.] blue (color) {Eng}
lx: buluug
pd: (-ga)
ps: n2-m-abs
key: buluug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culuun
m.dh 1. la-mid: cilmi. 2. w. cilmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culuun
f. n., pl. subjects; sciences
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culuun
-ta: (n) science (saaynis); natural science; scientific knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culuun
-ta: (magacwadareed) aqoonta guud ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culuun
de: subjects; sciences
lx: culuun
pd: (-ta Sg: cilmi (ga))
ps: n8-f-pl
key: culuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruus
m.dh.w eeg dersi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duruus
f. n., pl. lessons, lectures
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duruus
-ta: (n) [plural of darsin-ka] lessons (lesanis) ~ casharo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duruus
bw: Arabic
de: lessons, lectures
lx: duruus
pd: (-ta Sg: darsi ~ dersi)
ps: n8-f-pl
key: duruus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduud
(Guduud-ka)
1. Midab dhiigga u eg; midab casaan badan; dhiin.
2. (fardo) xamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduud
m.l.kh Midab dhiigga u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guduud
m.l.kh Midab dhiigga u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduud
m. n., [abstract] red (color); brown; reddish-brown
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guduud
marron.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guduud
nickname; name-m reddish in color; golden cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guduud
-ka: (n) red (reedh) color ~ casaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduud
(tilmaame) midab dhiig ah; dhiin ah; mid ka mid ah midabbada oo ah casaanka ribta ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduud
de: red (color); brown; reddish-brown
lx: guduud
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
syn: casaan {C & S}
key: guduud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulcub
-ta: (magac, dhedig, keli) alaabo qaab xun oodan qaadi karayn si loo rarona lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfis
m.l la-mid: gulfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuux
gumuux¹: m.l la-mid: gamuux¹.
gumuux²: f.g1 (-xay, -xday) la-mid: gamuux².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumuux
v. make something blunt; break tip off (of something sharp ~ pointed)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumuux
de: make s.t. blunt; break tip off (of s.t. sharp ~ pointed)
lx: gumuux
pd: (gumuuxay)
ps: v1=tr
see: gamuux
key: gumuux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guruuf
-ka: (magac, lab, keli) dermo yar oo la falkiyo oo lagu fadhiisto. Dh: bal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuun
(Guxuun-ka)
Gamuux; gamuur.