gulungulcayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulungulcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u rogmasho sida qaabsocodka xamaaratada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulungulceyn
m.f.dh eeg gulungulcee. la-mid: dulundulceyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulungulco
(Gulungulca-da)
Qaab gaaban oo kankoonsan leh; kuusan; lucuuman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulungulco
m.dh 1. Qaab gaaban oo kankoonsan leh; kuusan; lucuuman. 2. Daruur cufan oo biyo sidda ama da'aysa. 3. la-mid: gulungulceyn. la-mid: dulundulco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gulungulco
f. n. (adj.): squat person; short and fat, rounded shape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulungulco
-da: (magac, dhedig keli) dareere culus oo isaga oo aanan kala go'ayn kolba dhinac isu raaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gulungulco
cf: kankoonsan, kuusan, lucuun
de: squat person; [atr.] short and fat, rounded shape
lx: gulungulco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gulungulco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulungulcee
f.mg2 (-ceeyay, -ceysay) Biyo, mas iyo wixi lamida si dulundulco ah u socosho. la-mid: dulundulcee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulungulcee
(fal) dareere culus, hadba is rogrog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulundulceyn
(Dulundulceyn-ta)
Sida biyaha ama halaqa u socosho; mulacyeyn; qulqulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulceyn
m.f.dh eeg dulundulcee. la-mid: dulundulceys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulceyn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida biyaha u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galangalcayn
m.f.dh eeg galangalcee. la-mid: galcad, galcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulceys
m.l la-mid: dulundulceyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulucbuluclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadha uu sameeyo wax biyo hoosta kaga jiraan. Bulucbuluclaynta nirgaha caanaha jaqaa, hurdada noo diiday. Dh: dhulucdhuluclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulceysiin
m.f.dh eeg dulundulceysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulceysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) suluuluxin oo sida biyaha u dhaqaaqsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buluqbuluqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquulayn
(Cuquulayn-ta)
Dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquulayn
m.f.dh eeg cuqulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulugleyn
m.f.dh eeg duluglee. la-mid: dulugleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod uu qof kolba meel aan laga rabin galgalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cid kale haysato niyadda ka damcid. Dh: jeclaysi.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lung scan
(n) a procedure in which radiation material is injected into the blood to diagnose diseases of the lungs.
baadhista sambabka oo lagu muday shucaac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulunbulyo
(Bulunbulya-da)
Bahal yar oo qoryaha gala oo cuna; xar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulunbulyo
f. n. termite, white ant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulunbulyo
de: termite, white ant
lx: bulunbulyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: bulunbulyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulco
m.dh Socod si talantaalli ah dhinac loogu leexdo oo maska, mulaca, abeesada iyo wixi lamida leeyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulco
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa ay biyaha ama masasku sameeyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujagujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gugujin oo ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuuralcayn
m.dh 1. Gabdho aad u qurxoon oo Jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuuralcayn
m.dh 1. Gabdho aad u qurxoon oo jannada jooga. 2. Gabadh aad u qurxoon una dabci wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuralcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hablo qurux badan ee Ehlu-Jannaha Ilaahay aakhiro ku abaalmariyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere xoog u daatay shanqadha uu bixiyo samayn. Bululuclaynta caanaha waan maqallaaye wax naga siiya. Dh: bululuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bululuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bululuclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulcee
f.mg2 (-ceeyay, -ceysay) Biyo, mas iyo wixi lamida si dulundulco ah u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulundulcee
v. flow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulcee
(fal) sida daadka u soco. Dixda daadkiibaa dulundulcaynaaya caawa baabuurrana ma mari karaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulundulcee
de: flow
lx: dulundulcee
pd: (dulundulceeyey)
ps: v2b=
key: dulundulcee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golongolsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax golongol hayo ahaansho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurungurcood
-ka: (magac, lab, keli) carruur badan oo mar wada kacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turunturrayn
(Turunturrayn-ta)
Horay u harbin, takhantakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turunturrayn
m.f.dh eeg turunturree. la-mid: turaanturrayn, turaanturro, turaanturyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turunturrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) horay u harbin oo takhantakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turunturyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama qof xoog isku xejinaya hore u riixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) daadashada dareere balbalqanaya oo soo noqnoqota. Buluqbuluqlyanta biyaha bannaankaan ka soo maqlay. Dh: balaqbalaqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulundulceysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Si dulundulco ah u wadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulundulceysii
v. make something go on, proceed, spread, roll ~ glide (in a tortuous way)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulundulceysii
(fal) suluulixi oo sida biyaha u dhaqaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulundulceysii
de: make s.t. go on, proceed, spread, roll ~ glide (in a tortuous way)
lx: dulundulceysii
pd: (dulundulceysiiyey)
ps: v2a=tr
key: dulundulceysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muluqmuluqlayn
m.f.dh eeg muluqmuluqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muluqmuluqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socsocosho ay dhuundhuumasho iyo isqarqarini ku jirto oo is dhexyaac ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaanbullayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan ahayn sidii ugu haboonayd u arrimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukhuntukhayn
m.dh la-mid: takhantakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhuntukhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, takhantakhayn.