ereyga

gulukows

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gulukows

DHAN

m.dh (kiimika) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydhyada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gulukows

DHAN

m.dh (kiim.) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydhyada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gulukoos

DHAFAN

-ta / ka: (n) glucose (gulukows)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

asiidh-laagtika

DHAABAN

m.dh (-dyo ..., m.dh) (baayoloji) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aysootoonik

DHAABAN

m.l (-kyo, m.dh) (baayoloji) Waxa lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku mid ah. Tusaale: “Milan”, .01m oo sonkor ah iyo milan .01m oo gulukows ahi waa milanno cadaadis isku mid ah leh”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

balaasma

DHAABAN

m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

galaykojiin

DHAABAN

m.l (-nyo/-no, m.dh) (kiimika) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo-haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

istaarj

DHAABAN

m.l (-jyo, m.dh) (baayoloji) Booli-sakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuubka s.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaarboohaydrayt

DHAABAN

m.l (-tyo, m.dh) (kiimika) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisakaraydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

laaktays

DHAABAN

m.l Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

seluloos

DHAABAN

m.l (baayoloji) Bolisakraydh ka kooban halbeegyo gulukows ah, oo ah silsilad dheer oo aan faracyo lahayn. Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin gidaarrada unugga ee dhirta sare.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sonkor-caanood

DHAABAN

m.dh (baayoloji) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

asiidhlaagtika

DHAABAN

m.dh (-dyo ..., m.dh) (baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH) COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

aysootoonik

DHAABAN

m.l (-kyo, m.dh) (baay.) Waxa lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku mid ah. Tusaale: Milan, .01m oo sonkor ah iyo milan .01m oo gulukows ahi waa milanno cadaadis isku mid ah leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

balaasma

DHAABAN

m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

galaykojiin

DHAABAN

m.l (-nyo/-no, m.dh) (kiim.) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboohaydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

istaarj

DHAABAN

m.l (-jyo, m.dh) (baay.) Boolisakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuubka s.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kaarboohaydrayt

DHAABAN

m.l (-tyo, m.dh) (kiim.) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisakaraydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

laaktays

DHAABAN

m.l Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

seluloos

DHAABAN

m.l (baay.) Bolisakraydh ka kooban halbeegyo gulukows ah, oo ah silsilad dheer oo aan faracyo lahayn. Waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay ka samaysanyihiin gidaarrada unugga ee dhirta sare.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

sonkor-caanood

DHAABAN

m.dh (baay.) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

galaykojiin

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo-haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

guluus

DHAFANDHAAF

m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

guluus

DHAFANDHAAF

m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

guluus

DHAFANDHAAF

m. n. button

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

guluus

DHAFANDHAAF

-ka: (n) button (bateri), used to join two parts of a garment ~ badhan

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

guluus

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) shey wax yar oo xalleef wareegsan ah oo dhexka daloollo ku leh oo dharka lagu tolo inta daloolada laysu sudho, dacallada isku qabta. Dh: sureer, badhan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

guluus

DHAFANDHAAF
1

a: galuus

2

de: button

3

lx: guluus

4

pd: (-ka)

5

ps: n2a-m

6

key: guluus

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Guudow

DHAFANDHAAF

nickname-m one with expansive mane; full head of hair, free-flowing hairstyle

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Guudow

DHAFANDHAAF

magac ama naanays loo baxsho wiil timo dheere oo guudka sare loo feedho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

guurow

DHAFANDHAAF
1

guurow¹: m.l Qayb ka mid ah maansada oo gabayga la miisaan ah.

2

guurow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Guurow tirin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

guurow

DHAFANDHAAF

m.l Qayb ka mid ah maansada oo gabayga la miisaan ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

guurow

DHAFANDHAAF
1

m. n. poem, poetic composition

2

guurow v. compose ~ recite a poem

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

guurow

DHAFANDHAAF

-ga: (n) poem especially performed at the south of Somalia

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

guurow

DHAFANDHAAF

-ga: (magac lab keli) god cododka maansada ka mid ah oo si gaar ah loogu luuqeeyo gobollada koonfureed. Guurowga maad baran iyo gabayga xeeshiisa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Luukos

DHAFANDHAAF

name: Luke

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

Luukos

DHAFANDHAAF
1

de: Luke Limited in use among Christians

2

lx: Luukos

3

ps: name-m

4

key: Luukos

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

muluko

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xiirid moolo a oon madaxa wax timo ah lagu reebin. Dh: moolo, dhakacambo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Culusow

DHAFANDHAAF

nickname; name-m heavy; serious

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Culusow

DHAFANDHAAF

magac loo baxsho wiil yaraantiisii miisaan iyo culays ka carruurta ka badan lahaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

gallows

DHAFANDHAAF

/gaalows/ (n) shillal dadka lugu dal-dalo, inta meel laga soo laalaadiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kululow

DHAFANDHAAF

inch. v. heat up, get hot

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kululow

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) shay ama wax soo kululaanaya. Biyaha kululowga ah ee lagu maydhaa ma fiicna. Dh: kulayl. Li: qabow.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kululow

DHAFANDHAAF
1

de: heat up, get hot

2

lx: kululow

3

pd: (kululaaday)

4

ps: v3a=inch

5

xe: It is getting hotter every day.

6

xv: kululaw ~ kululoow

7

key: kululow

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

galaktoos

DHAFANDHAAF

m.l (kiimika) Sonkor sahlan (C6 H12 O6), taas oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag carbeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

galaktoos

DHAFANDHAAF

m.l (kiim.) Sonkor sahlan (C6 H12 O6), taas oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag carbeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

galaktoos

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) sonkor fudud oo dabeeci ahaan ka timaadda mid ka mid ah maxsuulka dheefshiidka insaymeed ee sonkor caanoodda laaktows, asal ahaanna waa xabag Carbeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gulgulood

DHAFANDHAAF

m.f.l eeg gulguloo.

waa la naqliyay ✓