gulucsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulucsiin
m.f.dh eeg gulucsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulucsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) isha guruxeeda rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulucsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Isha guruxeeda rogrogmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulubsiin
m.dh la-mid: qulbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulucsan
f.mg4 (-naa,-nayd) Googarad wax duluc la geliyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulucsan
(tilmaame) daah ama googgarad, duluc 10 bibno u leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsiin
m.dh la-mid: duudsiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuudsiin
(Fuudsiin-ta)
Fuud cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsiin
m.f.dh eeg fuudsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, fuud dhansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulsiin
m.dh la-mid: fuulin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, meel sare gaadhsiin sida geed iyo gaadiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudsiin
m.dh la-mid: muursiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qarsoodi u saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursiin
m.f.dh eeg muursii. la-mid: muudsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulubsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: qulbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuhusiin
-ta: (magac, dhedig, keli) tuhmeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucniin
-ka: (magac, lab, keli) yuucitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinsiin
m.f.dh eeg gelinsii. la-mid: gelinsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulkisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) siin oo ku wareejin; gacanta u gelin. Dh: guddoonsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhunsiin
m.f.dh eeg tuhunsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka gulucsii
v. turn one's eyes here and there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_gulucsii
de: turn one's eyes here and there
lx: ka gulucsii
pd: (gulucsiiyey)
ps: v2a=intr
key: ka_gulucsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallacsiin
m.dh eeg dallacsii. la-mid: dallacsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) darajo sare siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuraysiin
m.f.dh eeg guuraysii. la-mid: guureggelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid biyo quusin oo ku muquurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurgufsiin
m.f.dh eeg xurgufsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurgufsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn oo la baxsasho. Caroosaddu xurgufsiinta iyadaa raalli ka ahayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax adag, hoos u diisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulcin
m.f.dh eeg dulci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulcin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka googgarad ama daah loo samaynayo xadhig dhexda ka gala oo lagu xidho oo xajiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiin
(Gasiin-ka)
Cunno; calaf; dheef; dhuuni; (ama gesin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiin
m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gasiin
gąsiin: m.l Cunto; calaf; dheef; dhuuni. la-mid: gesiin. gastiriite m.dh (daaw.) Halamacoodka xuubka daboola caloosha gudaheeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiin
m. n., [collective] food, sustenance, living requirements; home
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gasiin
-ka: (n) food (fuudh) ~ cunno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiin
-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno nooca calaliska ah siiba waxa la kariyo. Gasiin kaad cuntaba xoolahaa meel ka soo gala e'. Dh: cunto, baad, dhuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiin
bw: gesiin
cf: cunno, calaf, dheef
de: food, sustenance, living requirements; [fig.] home
lx: gasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gesiin
(Gesiin-ka)
Gasiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gesiin
m.l Cuntada dadka iyo duunyaduba quutaan. la-mid: gąsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gesiin
m.l Cuntada dadka iyo duunyaduba quutaan. la-mid: gąsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gesiin
m. n., [collective] food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gesiin
-ka: (n) food (fuudh) ~ cunno, gasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gesiin
-ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo la quuto, gaar ahaanna badarka. Dh: cunno, calaf, gasiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gesiin
de: food
lx: gesiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
see: gasiin
key: gesiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfin
m.f.dh eeg gulfi. la-mid: gulfis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluus
m. n. button
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guluus
-ka: (n) button (bateri), used to join two parts of a garment ~ badhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluus
-ka: (magac, lab, keli) shey wax yar oo xalleef wareegsan ah oo dhexka daloollo ku leh oo dharka lagu tolo inta daloolada laysu sudho, dacallada isku qabta. Dh: sureer, badhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluus
a: galuus
de: button
lx: guluus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guluus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubin
m.f.dh eeg guubi. la-mid: guubis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulin
m.f.dh eeg guuli. la-mid: guulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guurin
(Guurin-ta)
1. Guur gelin; aroosin.
2. Cid meel ka rarid.
3. Hadal qoran oo meel ku yaal, meel kale ku qorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurin
m.f.dh eeg guuri. la-mid: guuris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku guurin; isku dhisid; isku meherin; labo qof oo lab iyo dhedig kala ah si sharci ah isugu fasixid si ay qoys u noqdaan. Gabadhu waxay diiddan tahay u guurinta odayga loo guurinayo. Li: furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursi
m.l la-mid: guursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursi
-ga: (magac, lab, keli) xaas yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusin
m.dh Mayrax iyo wixi lamida oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laciin
m.l.kh (-nno, m.dh) Qof dagaal, khayaano iyo diradiro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laciin
m. n. devilish ~ diabolically cursed person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laciin
-ka / ta: (n) dishonest or crooked person; deceiver (diziiver); swindler (swindhalar); rascal (raaskal); cheat (jitter) ~ khaayin; khaa'in, khayaanalow, khayaamoole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laciin
-ka: (tilmaame) qof naxariislaawe ah oo daacadnimadu ku yartahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laciin
de: devilish ~ diabolically cursed person
lx: laciin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: laciin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liciin
-ka: (magac, lab, keli) qof dulmi badan: khaa'in.
liciin-ka: (magac, lab, keli) shaydaan; ibleys; iblis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka samirsiin oo rajo tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ursiin
(Ursiin-ta)
Qof kale sankiisa wax u dhoweyn si uu ugu uro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursiin
m.f.dh eeg ursii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ur dareensiin; qof kale sankiisa wax u dhoweyn. Ursiinta ayaa eygu cid ku bartaa oo dabadeed gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacsiin
m.f.dh eeg bacsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg bulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsin
-ta: (magac, dhedig, keli) ood ama jiitin culus oo kidinka xerada adhiga afka lagaga oodo. Buuxsin adag adhiga u soo goo. Dh: jiiddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culliin
-ka: (magac, lab, keli) cugitaanka weel. Dh: culniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg culliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunsiin
(Cunsiin-ta)
(qof, kd.) aan cunno cuneen ama diiddan, inuu cuno yeelsiin, oggolaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsiin
m.f.dh eeg cunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah oo cunno diiddan, inuu wax cuno yeelsiin ama oggolaysiin. Dh: cunsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsiin
(Dugsiin-ta)
Dugsi u yeelid; meel ama wax la dugsan karo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsiin
m.f.dh eeg dugsii. la-mid: dugsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxanta, roobka, dabaysha, roobka iyo cadawga ka jirid ama ka ilaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulciir
(fal) si awood la'aan ah shay korkiisa ugu dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: duudsi³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fululin
(Fululin-ta)
(xidid, kd.) dibad u soo wada bixin iyadoo aan la qodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fululin
m.f.dh eeg fululi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fululin
-ta: (magac, dhedig, keli) dibad u soo wada bixin; si sahlan u soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley maraq cabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuudsii
v.caus: give someone broth to sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudsii
(fal) fuud, waraabi oo raqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuudsii
de: give s.o. broth to sip
lx: fuudsii
pd: (fuudsiiyey)
ps: v2a=caus
key: fuudsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: fuuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulsii
(fal) cid kale, meel sare gaadhsii sida geed iyo gaadiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galliin
galliin¹: m.l la-mid: gelliin¹.
galliin²: f.mg1 (-nay, -ntay) U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. la-mid: gelliin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galliin
f.mg1 (-nay, -ntay) U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. la-mid: gelliin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galliin
-ka: (magac, lab, keli) dad wax isu qaba midkood oo ergo loogu tago, si heshiis loo helo. Dh: gargelyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galniin
m.l la-mid: gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galniin
-ka: (magac, lab, keli) meel dhexdeed ama gudaheed gaadhid.
galniin -ka: (magac, lab, keli) dugsi iyo wax la mid ah, ku biirid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galurin
galurin, n.m. - koofiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsiin
m.f.dh eeg garsii.