gulfis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfis
m.l la-mid: gulfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfi
f.g1 (-iyay, -isay) 1. Ciidan dagaal gelin. 2. Orod aan xawli lahayn ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulfid
(Gulfid-da)
Guluf ku duulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfid
m.f.dh eeg guluf². la-mid: guluf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulfid
-da: (magac, dhedig, keli) guluf ku duulid; weerar weyn ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfin
m.f.dh eeg gulfi. la-mid: gulfis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gaulois
gaulois, adj. et n. - dadkii waagi hore Faransiiska ku noolaan jiray
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gufi
(Gufi-da)
1. Geedka la gooyey salkiisa dhulka ku aasan.
2. Sabuulka kolka iniinaha laga daadsho; sabuulka oo muruxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufi
m.dh 1. Jirrid xabaalan oo geed la jaray ka hartay. 2. Sabuul gallay oo mirihii laga finjilay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gufi
f. n. tree-stump; stalk, stubble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufi
-da: (magac, dhedig, keli) sabuulka kolka iniinyaha laga daadsho isaga oo madhan.
gufi-da: (magac, dhedig, keli) geedka midhihiisa inta dhulka ku aasan. Dh: gun; qoto.
gufi -da: (magac, dhedig, keli) jirridda geed la gooyay, inta dhulka ku sii hadha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gufi
cf: kurtun; sabuul
de: tree-stump; stalk, stubble (of plant with grain removed)
lx: gufi
pd: (-da)
ps: n-f
key: gufi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gulf
Gacan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gulf
/galf/ (n) 1. gacan. e.g. The gulf of Adan (n) 2. khilaaf-weyn. e.g. They used to be good friends but a great gulf has developed between them.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laguu yareeyay cunid.
bulis-ta: (magac, dhedig, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culis
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, hogayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fulin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg galid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelis
gelis¹: m.l la-mid: gelin.
gelis²: m.dh la-mid: gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelis
vl. n. insertion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelis
de: insertion
lx: gelis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gelis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubis
(Gubis-ta)
Gubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubis
m.dh la-mid: gubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubis
vl. n. act of burning ~ setting fire to, arson
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubis
-ta: (magac, dhedig, keli) dab saarid oo wax ku yeelid; wax gubtey ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubis
de: act of burning ~ setting fire to, arson
lx: gubis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gubis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujis
(Gujis-ka)
Markab dagaal oo quusa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujis
m.l (-syo, m.dh) 1. Markab dagaal oo quusa. 2. la-mid: gujeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gujis
m.l (-syo, m.dh) 1. Markab dagaal oo quusa. 2. la-mid: gujayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gujis
-ka: (n) 1. submarine (sabmariin) ~ markab quusa 2. torpedo (tor piidow) ~ hub maraakiibta lagu gano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujis
-ka: (magac, lab, keli) markab badda hoosteeda quusa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulis
-ta: (magac, dhedig, keli) god qodis oo dheerayn. Dh: hulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufis
f.g1 (-say, -stay) Beer masaar caws kaga falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufis
m.l la-mid: kufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufis
-ka: (magac, lab, keli) eeg kufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg lulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tufida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yulis
-ta: (magac, dhedig, keli) yulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balfis
balfis: m.l la-mid: balfin.
bąlfis: m.l la-mid: bąlfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balfis
-ka: (magac, lab, keli) balfin ama hawaysiin. Balfiska bariis kulul waa lama huraan. Dh: babbis, hufkis.
balfis -ka: (magac, lab, keli) balfin ku samayn, si dadab ah u leexis, balfis bay ahayd fallaadhii faraha goysay. Dh: dalfis,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buliis
m.l la-mid: boliis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buliis
m. n. police
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buliis
-ka:(n) 1. police officer (poliis o-fiser)-, cop (kaap)-, constable ~ booliis, boliis 2. police station
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buliis
a: boliis {Eng}
de: police
lx: buliis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: buliis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufis
m.l la-mid: buufin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buufis
-ka: (magac, lab, keli) eeg buufin.
buufis -ka: (magac, lab, keli) cayro iyo orod. Bus ku eriga raacdada hadduu, buufis geli waayo.
buufis -ka: (magac, lab, keli) xanuun ku dhaca dadka oo shaki iyo islahadal; dareen dibad jacayl ku rida. Yurub bay u waalatay wallee buufis baa haya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulcis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dulcin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fulfil
/fulfil (v) 1. fulin (v) 2. qancin, haqab-tirid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fulfil
v.tr., dhamee, shuqulkiisii dhamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbis
(Galbis-ka)
Gelbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbis
galbis¹: m.l la-mid: galbin.
galbis²: m.l Ciyaar dumarka u gaar ah oo la cayaaro, sida buraanburka, munaasabadaha aroosyada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galbis
vl. n. wedding procession
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbis
-ka: (magac, lab, keli) dad aroos ah, gurigeyn oo hoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galbis
a: gelbis
de: wedding procession
lx: galbis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galbis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galxis
-ka: (magac, lab, keli) xeelad looga cabo ceeldixeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelbis
(Gelbis-ka)
Gelbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelbis
m.l la-mid: galbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbis
-ka: (magac, lab, keli) shey wax la raacinayo ama cid lagu darayo siiba muquunasiin ah. Waa iga gelbis faraskaasi oo xeradayda ku soo noqon maayo.
gelbis -ka: (magac, lab, keli) sii sabootin cid la ixtiraamayo la sii raaco. Caawa waa gelbiskii arooska ee aan tegno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfis
m.l la-mid: gorfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbis
m.l 1. Meydhaan. 2. Nooc legdinta ka mid ah oo qofka xagga dambe la isu dhaafiyo. 3. la-mid: gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guluus
m.l (-syo, m.dh) Shay xalleefsan oo sida badan dharka la xirto dacal looga tolo suu isugu xiro laba daraf; badhan. la-mid: galuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluus
m. n. button
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guluus
-ka: (n) button (bateri), used to join two parts of a garment ~ badhan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluus
-ka: (magac, lab, keli) shey wax yar oo xalleef wareegsan ah oo dhexka daloollo ku leh oo dharka lagu tolo inta daloolada laysu sudho, dacallada isku qabta. Dh: sureer, badhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluus
a: galuus
de: button
lx: guluus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guluus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunjis
m.l (muus.) Durbaan yar oo u eg midka la yiraahdo mokhoddon, waxaana loo adeegsadaa ciyaarta aw-daare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunjis
-ka: (magac, lab, keli) durbaan yar oo u eg midka la yidhaahdo 'Mokhoddon, loo adeegsado ciyaarta 'Aw-Daare'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guubis
m.l la-mid: guumis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guubis
m. n. firstborn male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guubis
-ka: (magac, lab, keli) awrka ay qaalinta ugubi ku curato, awrtana ka xoog badan. Guubis iyo sidii baarqab bay, golongol dhuubteene.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guubis
de: firstborn male camel
lx: guubis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: guumis
key: guubis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulis
m.l la-mid: guulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guumis
(Guumis-ka)
(geel) nirig lab oo qaalini ku curatay; (ama guubis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guumis
m.l (-syo, m.dh) Rati qaalin ugubi ku curatay. la-mid: guubis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guumis
m. n. firstborn male camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guumis
-ka: (magac, lab, keli) geel, nirig lab oo qaalini ku curatay. Dh: guubis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guumis
a: guubis
de: firstborn male camel
lx: guumis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: guumis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuris
(Guuris-ta)
Guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuris
guuris¹: m.l la-mid: guurin.
guuris²: m.dh la-mid: guurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuris
-ta: (magac, dhedig, keli) cid meel ay degnayd ka rarata oo meel ama degmo kale aada; guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalfis
(Jalfis-ka)
Kolka la socona hayo oo lug lugta kale lagu dhufto; jalwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalfis
m.l la-mid: jalfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalfis
-ka: (magac, lab, keli) miinada dadka ee dhulka la dhigo. Dh: banbo.
jalfis-ka: (magac, lab, keli) qoomaha aanqawyada gaadha ee balfis isugu garaacidda girgirrada jaamahu u geystaan. Jalfiska iyo qonofkii waxaan jag iska siinaayey, jiljilladiyo seedaha waxaan jaa'ifo u geystey.
jalfis -ka: (magac, lab, keli) ciidanka intiisa gaadiidka aan wadan ee dhulka socota. Dh: lug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
julgis
(fal) wadaan hadba biyo yar ku soo qaad; ha soo buuxin oo kala-badh ama ka yar wadaanta ku keen. Dh: dhibqis, milaal, jalgis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelfis
-ka: (magac, lab, keli) hawl ama socod ka nasasho; waqti yar oo ka neefsi hawleed loo qorsheeyo. Dh: hakad, bojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmis
kulmis¹: m.l la-mid: kulmin.
kulmis²: m.l (xisaab) Bar la xariirta toobineed. Fogaanta u dhexeysa kulmiska iyo bar kasta oo ku taalla xoodka waxa ay saami maguuraan ah la samaysaa fogaanta u dhexaysa bartaasi iyo xirriiqda loo yaqaanno jeedshe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulmis
m.l (xisaab) Bar la xariirta toobineed. Fogaanta u dhexeysa kulmiska iyo bar kasta oo ku taalla xoodka waxa ay saami maguuraan ah la samaysaa fogaanta u dhexaysa bartaasi iyo xirriiqda loo yaqaanno jeedshe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulmis
vl. n. meeting, coming together; gathering, union
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KULMIS
(Kulmis) May Maerua subcordata (Gilg) Dewolf. Capparidaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kulmis
name-unisex convening; convener
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulmis
-ka: (n) a meeting place or center
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmis
-ka: (magac, lab, keli) talis guud oo looga taliyo dhawr qaybood iyo cutubyo kala duwan oo wada hawlgallo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulmis
a: kulmin (ta) [vn-f]
de: meeting, coming together; gathering, union
lx: kulmis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: kulmis