guduudane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudane
(Guduudana-ha)
Bahal dummadda u eg kase weyn; wuxuu lee yahay addimmo dheerdheer, dabo gaaban, dhego dheerdheer oo timo ka taagan yihiin; labada can wuxuu ku lee yahay dhogor duf ah, waxaana la yiraahda, wax ka arag dheer; jiifaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudane
m.l Bahal bisadda u eg kase weyn oo midab guduudan leh oo ariga cuna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudane
m. n. lynx
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guduudane
nickname-m reddish in color; golden cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guduudane
-guduudanaha: (n) lynx (lingkis) ~ jiifaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guduudane
magac ama naanays loo baxsho wiil midabkiisu aad u cas yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudane
-ha: (magac, lab, keli) bahal hilib cun ah oo bahda bisadda ah oo ka yar dawacada wuxuuna cunaa adhiga. Dh: jiifaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudane
de: lynx
lx: guduudane
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: jiifaa
key: guduudane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudan
Midab guduud ah leh; cas; dhiin ah; xamar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax midab guduud ah leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guduudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax midab guduud ah leh ahaansho. m.f.dh, guduudnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudan
der. [adjective] red, reddish-brown; brown
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guduudan
rouge.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guduudan
-aa: (adj) red (reedh); reddish (reedish)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudan
a: gaduudan
de: red, reddish-brown; brown
lx: guduudan
pd: (guduudnaa)
ps: adj-der
syn: cas
key: guduudan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaduudane
nickname-m reddish, brownish or reddish-brown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaduudane
magac loo baxsho wiil midabkiisu aad u cas yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiifaa
(Jiifaa-ga)
Guduudane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiifaa
m.l (-aayo, m.dh) Dugaagga yaryar nooc ka mid ah, dhurwaaga ka yar oo ariga laaya; guduudane.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lynx
/linaks/ (n) guduudane (jiifaa).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiifaa
(tilmaame) oday sagaashanka dhaafay oo geedjoog ahaan jiray dhaqdhaqaaqna gabay oo aan taladiisa laga maarmin.
jiifaa -ga: (magac, lab, keli) jaad dugaagga xoolaha cuna ka tirsan. Dh: dhuljiif, guduudane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiifaa
de: lynx
lx: jiifaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: guduudane
key: jiifaa
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lynx
n., guduudane, -gi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaduudan
der. [adjective] red, brown, reddish-brown
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaduudan
-gaduudnaa / gaduudnayd: (adj) reddish in color; red (reedh) ~ casaan, guduudan. Ex: baabuur gaduudan: a red car
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaduudan
a: guduudan
de: red, brown, reddish-brown
lx: gaduudan
pd: (gaduudnaa)
ps: adj-der
key: gaduudan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudin
(Guduudin-ta)
Guduud ka dhigid; casayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudin
m.f.dh eeg guduudi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduudan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: kaduudan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuduudan
(tilmaame) midab guduudan leh kuduudi: (fal) wax kuduudan ka dhig. Dh: casee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudshe
(Guduudsha-ha)
Badar aan wanaagsanayn; (ama guduudi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudshe
m.l la-mid: guduudi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudshe
m. n., (mass n.): inferior grain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudshe
a: guduudi
de: inferior grain
lx: guduudshe
pd: (/ha)
ps: n0-m-mass
key: guduudshe
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guduudane-ha
lynx.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudasho
(Guduudasha-da)
Midab guduudan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudasho
m.f.dh eeg guduudo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudasho
-da: (mahac, dhedig, keli) midab dhiin ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudnaan
m.f.dh eeg guduudan. la-mid: guduudnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midab guduudan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduud
(Guduud-ka)
1. Midab dhiigga u eg; midab casaan badan; dhiin.
2. (fardo) xamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduud
m.l.kh Midab dhiigga u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guduud
m.l.kh Midab dhiigga u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduud
m. n., [abstract] red (color); brown; reddish-brown
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guduud
marron.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guduud
nickname; name-m reddish in color; golden cat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guduud
-ka: (n) red (reedh) color ~ casaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduud
(tilmaame) midab dhiig ah; dhiin ah; mid ka mid ah midabbada oo ah casaanka ribta ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduud
de: red (color); brown; reddish-brown
lx: guduud
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
syn: casaan {C & S}
key: guduud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cududan
(tilmaame) mid xoog lagu hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudgude
m.l Roob habeen da'a oo dhaqso dhul weyn maaruqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudgude
-ha: (magac, lab, keli) roob habeennimo da'a oo soo guda dhul badanna isu mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudi
guduudi¹: m.l Nooc ka mid ah masaggada, yaryar oo cas cas. la-mid: guduudshe.
guduudi²: f.g2 (-iyay, -isay) Wax guduud ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guduudi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax guduud ka dhigid. m.f.dh, guduudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudi
v. paint, dye, stain red ~ brown
guduudi m. n., (mass n.): inferior grain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guduudi
-yey / say: (n) paint red or color red
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudi
-ga: (magac, lab, keli) badar aan wanaagsanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudo
(Guduuda-da)
Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudo
guduudo¹: m.dh Nooc kalluunka ka mid ah. la-mid: guduudow.
guduudo²: f.mg3 (-uutay, -uudatay) Wax midab guduudan yeeshay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guduudo
f.mg3 (-uutay, -uudatay) Wax midab guduudan yeeshay noqosho. m.f.dh, guduudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudo
inch. v. become red, reddish ~ brown, brownish
guduudo [feminine] n. fish species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guduudo
nickname-freddish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guduudo
-guduutay /guduudatay: (v) redden (redan); become red
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guduudo
magac loo baxsho gabadh midab cas oo dhiin ah u dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudo
-ha: (magac, lab, keli) noocyada kalluunka midkood.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guulane
name-m victorious
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudow
m.l la-mid: guduudo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudow
m. n. red male (human ~ animal)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUDUUDOW
(Gududow) N Boerhavia erecta L. Nyctaginaceae.
N Ochna inermis Penzig. Ochnaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudow
de: red male (human ~ animal)
lx: guduudow
nt: guduudo (/da) [n6-f] 'red female' {S}
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: guduudow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: gamuuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuuman
Gamuuxan; gamuuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuuman
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: gamuuxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guxuuman
der. [adjective] blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxuuman
(tilmaame) aan af fiiqan lahayn. Dh: gamuuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guxuuman
a: gamuuxan
de: blunt
lx: guxuuman
pd: (guxuumnaa)
ps: adj-der
key: guxuuman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduudan
kaduudan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay) Wax la kaduuday noqosho.
kaduudan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la kaduuday ahaansho. la-mid: kuduudan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaduudan
der. [adjective] crouched (over); crumpled (up)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaduudan
(tilmaame) mid si kaduud ah u fadhiya: si foolxun fadhiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaduudan
de: crouched (over); crumpled (up)
lx: kaduudan
pd: (kaduudnaa)
ps: adj-der
key: kaduudan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduudin
m.dh la-mid: kaduudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuduudin
vl. n. making someone crouch ~ something curl (up), get squeezed ~ wrinkled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuduudin
-ta: (magac, dhedig, keli) midabka kuduudka ka dhigid. Dh: guduudin, casayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuduudin
de: making s.o. crouch ~ s.t. curl (up), get squeezed ~ wrinkled
lx: kuduudin
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: kaduudi
key: kuduudin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudi_1
de: paint, dye, stain red ~ brown
hm: 1
lx: guduudi
pd: (guduudiyey)
ps: v2a=
key: guduudi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudi_2
a: guduudshe
de: inferior grain
hm: 2
lx: guduudi
pd: (-ga)
ps: n0-m-mass
key: guduudi_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudo_1
de: become red, reddish ~ brown, brownish
hm: 1
lx: guduudo
pd: (guduutay / guduudatay)
ps: v3b=inch
xe: His eyes became red with anger.
xv: guduudasho (/da) [vn-f]
key: guduudo_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudo_2
a: guduudow
cf: kalluun
de: fish sp.
hm: 2
lx: guduudo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: guduudo_2
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gugundhabe
nickname-m dragon-slayer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduudnaan
m.dh la-mid: kaduudnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuduudnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid kuduudan ahaan. Dh: guduudnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duuban
1. La duubay; la galoolay.
2. (qof) duub la saaray, madax ka dhigid darteed; la doortay; boqran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duuban
duuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Wax duubmay noqosho. 2. Isku d.: wax midaysan noqosho.
duuban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Derin iyo wixi lamida wax la duubay ahaansho. 2. Nabar wax gaarso lagu maray ahaansho. 3. Cajalad wax hadal lagu duubay ahaansho. 4. Isku d.: wax midaysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duuban
duuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Wax duubmay noqosho. 2. Isku d.: wax midaysan noqosho. m.f.dh, duubmid.
duuban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Derin iyo wixi lamida wax la duubay ahaansho. 2. Nabar wax gaarso lagu maray ahaansho. 3. Cajalad wax hadal lagu duubay ahaansho. 4. Isku d.: wax midaysan ahaansho. m.f.dh, duubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duuban
der. [adjective] wrapped, bound, tied, gathered together, folded, rolled up; turbanned; crowned (as insignia of office)
duuban [inchoative] v. be wrapped, bound, tied, rolled up ~ wound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duuban
a: (adj) wrapped (raapidh); rolled (roolidh); folded (fooldidh) ~ duuduuban, laalaaban, galoolan 2. recorded (rikoordidh). Ex: cajalad ku duuban; recorded with tape
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Duuban
Sida birta dhismada oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudin
m.f.dh eeg duudi. la-mid: duudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugan
La duugey.