guddoonsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoonsad
(Guddoonsad-ka)
Guddoonsasho; guddoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsad
m.l la-mid: guddoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonsad
m.l la-mid: addoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, addoon ka dhigad; yeelashada qof kale; gumaysadka cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoonsi
(Guddoonsi-ga)
Guddoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsi
m.l la-mid: guddoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonso
f.g3 (-saday, -satay) Arrin go'aan ka qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guddoonso
f.g3 (-saday, -satay) Arrin go'aan ka qaadasho. m.f.dh, guddoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddoonso
(fal) qaado wax lagu siiyey ama gar laguugu qaaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guddoonso
de: come to a decision in committee; reach a verdict; accept, acquiesce
lx: guddoonso
nt: guddoonsad (ka) [vn-m], guddoonsasho (/da) [vn-f], guddoonsi (ga) [vn-m]
pd: (guddoonsaday)
ps: v3a=
key: guddoonso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonsad
m.l la-mid: udgoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonsad
-ka: (magac, lab, keli) wax udgoon ismarin ama shidasho. Dh: udgoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonshe
m.l la-mid: guddoomiye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guddoonshe
m.l la-mid: guddoomiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guddoonshe
m. n. chairman, executive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddoonshe
-ha: (magac, lab, keli) qof hay'ad ama dad shaqo ka dhaxayso u madax ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guddoonshe
de: chairman, executive
lx: guddoonshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: guddoonshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax u dhiibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guddoonsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid wax u dhiibid. m.f.dh, guddoonsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guddoonsii
v.caus: cause to accept, deliver; confer with; present with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guddoonsii
-yey / say: (v) place in one's hands; give (gif); present (prezenf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddoonsii
(fal) gar la naqay ama arrin la galay, waxa laga soo saaray u gudbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guddoonsii
de: cause to accept, deliver; confer with; present with
lx: guddoonsii
pd: (guddoonsiiyey)
ps: v2a=caus
key: guddoonsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duullan
(Duullan-ka)
Ku talaggalka lagu talaggalay ama la guddoonsadey in la duulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aan
m.l (-nno, m.dh) Guddoonsiga xaajo laga dooday meelmarinteeda la guddoonsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
go'aan
m.l (-nno, m.dh) Guddoonsiga xaajo laga dooday meelmarinteeda la guddoonsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoonsasho
(Guddoonsasha-da)
Guddoon samaysasho; talo ama arrin si ku dhammaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsasho
m.f.dh eeg guddoonso. la-mid: guddoonsad, guddoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsiin
m.f.dh eeg guddoonsii.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guddoonwaaq
name-m sky sky God's verdict, sky God's decision, God's resolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guddoonwaaq
magac loo baxsho wiil loola jeedo in uu yahay mid xagga Eebbe laga aqbalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoon
(Guddoon-ka)
1. Gar la naqayey ama arrin la galay, waxa laga soo qaaday ama talada laysla gartay oo lagu heshiiyey oo lagu dhammeeyey.
2. Wax talis gooyey oo jideeyey; sharci; qaanuun; xeer; qeydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoon
guddoon¹: m.l 1. Go'aan. 2. Maamul guddoomiye madax ka yahay.
guddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Wax aqbalid. 2. Wax qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guddoon
guddoon¹: m.l 1. Go'aan. 2. Maamul guddoomiye madax ka yahay.
guddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Wax aqbalid. 2. Wax qaadasho. m.f.dh, guddoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guddoon
v. accept; receive
guddoon m. n. decision, verdict, resolution; committee, board
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guddoon
-ka: (n) any judgment or decision; verdict (veerdikt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddoon
(fal) wax lagu siiyay ama hawl, aqbal gudashadeeda ama qaadashadeeda.
guddoon-ka: (magac, lab, keli) aqbalid wax laguu sii jeediyey ama lagu siiyey. Dh: oggolaansho.
guddoon -ka: (magac, lab, keli) arrin la galay ama dhinacyo badan laga eegay wixii lagu dhammeeyey Markii garta la naqay guddoonkii ma qaadateen?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhoosad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh da' joogta oo aan weli guursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoomid
(Guddoomid-da)
1. Wax laysu dhiibey ama laysa siiyey, si sharci ah u qabasho ama u qaadasho.
2. Guddoon dhacay qaadasho, oggolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoomid
m.f.dh eeg guddoon².
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guddoon_1
de: accept; receive
hm: 1
lx: guddoon
pd: (guddoomay)
ps: v1=
key: guddoon_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guddoon_2
de: decision, verdict, resolution; [ext.] committee, board
hm: 2
lx: guddoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: guddoon_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonaad
-ka: (magac, lab, keli) wax udgoon noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddoonaan
(Cuddoonaan-ta)
Wax cuddoon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddoonaan
m.f.dh eeg cuddoon. la-mid: cuddoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuddoonaan
f. n., [abstract] parallelness, evenness, equality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habboonaan; wax cuddoon ahaan; toolmoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuddoonaan
de: parallelness, evenness, equality
lx: cuddoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cuddoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudboonaan
(Gudboonaan-ta)
Gudboonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudboonaan
m.f.dh eeg gudboon. la-mid: gudboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudboonaan
f. n., [abstract] appropriateness, suitability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «la la sinnaan ama ku toosnaan.
gudboonaan-ta: (magac, dhedig, keli) «la ~» wax ku habboon ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudboonaan
de: appropriateness, suitability
lx: gudboonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: gudboonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddihoosaad
-ka: (magac, lab, keli) guddi tan sare ka hoos shaqaysa oo hawl gaar ah u xilsaaran. guddixaarrey -da: (magac, dhedig, keli) guddi eexatay oo xaqii ka baydhay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guddi hoosaad
-ka: (n) subcommittee (sabkomiti)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddoon
Si wanaagsan loo habeeyey; is le'eg; culayskeedu isu dheellitiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaabkiisu isu dheellitiranyahay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuddoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaabkiisu isu dheellitiranyahay ahaansho. m.f.dh, cuddoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cuddoon
pr. n., [feminine] Udon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuddoon
[adjective] even, proportionate, parallel, equal; well-shaped
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cuddoon
name-f even, propotionate, parallel, equal; well-shaped
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cuddoon
magac loo baxsho gabadh isku dheelitiran oo abuur ahaan isle'eg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddoon
(tilmaame) qof ama wax habboon oo muuqaal wanaagsan; si wanaagsan loo habeeyey; wax culayskiisu isu dheelitiran yahay; isle'eg. Gabdhihii cuddoonaan jirood canabka moodaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogsad
(Doogsad-ka)
Doogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogsad
m.l la-mid: doogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsad
-ka: (magac, lab, keli) ka soo rayn oo dhib horay loogu jiray ka soo kabasho. Dh: roonaan.
doogsad -ka: (magac, lab, keli) dhul naq helay, doog yeelasho.
doogsad -ka: (magac, lab, keli) gocasho oo hoosta ka soo bukoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doongad
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka marka la sibdhiyo inta yaree ugu dambaysa ee isku sinta. Dh: giingo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorsad
(Doorsad-ka)
Doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsad
m.l la-mid: doorasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorsad
vl. n. exchange (as of money); healing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsad
-ka: (magac, lab, keli) shey aad haysatay, wax kale ku beddelasho. Dh: doorsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorsad
a: doorsasho [vn6-f]
de: exchange (as of money); healing
lx: doorsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: doorsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddoon
gaddoon¹: m.l la-mid: geddoomid.
gaddoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) la-mid: geddoon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaddoon
v. overturn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaddoon
-gaddoomay I gaddoontay: (v) overturn or cause to overturn; capsize (kaap saayz) gadoon, geddoon, rogmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddoon
-ka: (magac, lab, keli) dhinaca kale u qallibmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaddoon
de: overturn
lx: gaddoon
pd: (gaddoomay)
ps: v1=
see: geddoon
key: gaddoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddoon
(Geddoon-ku)
Dhinac kale isu rog: rogmad; beddelan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddoon
geddoon¹: m.l la-mid: geddoomid.
geddoon²: f.g1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Wax dhinac u dhicid. 2. Muruqyo, xanuun, caro iyo wixi lamida awgeed isbeddelid (qof). 3. Dib u noqosho (wax). la-mid: gaddoon².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddoon
f.g1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. Wax dhinac u dhicid. 2. Muruqyo, xanuun, caro iyo wixi lamida awgeed isbeddelid (qof). 3. Dib u noqosho (wax). m.f.dh, geddoomid. la-mid: gaddoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddoon
v. turn upside-down, overturn, upset; overthrow, rebel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geddoon
-geddoomay I gaddoontay: (v) overturn or cause to overturn; capsize (kaap-saayz) ~ gaddoon, gadoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddoon
(fal) dhinaca kale isu rog.
geddoon: (fal) halkii aad ka timid ku laabo, dib u nogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geddoon
bw: gaddoon
de: turn upside-down, overturn, upset; overthrow, rebel
lx: geddoon
nt: geddoon (ka) [vn-m]
pd: (geddoomay)
ps: v1=
key: geddoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudboon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax habboon ahaansho. 2. Wax wax kale la siman ahaansho. Tusaale: “Marka la joogo ùgarasboorama Xamar iyo Kismaayo waa g.yihiin.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudboon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax habboon ahaansho. 2. Wax wax kale la siman ahaansho. Tusaale: Marka la joogo ùgarasboorama Xamar iyo Kismaayo waa gudboonyihiin. m.f.dh, gudboonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudboon
der. [adjective] appropriate, fitting, suitable; just, deserved; expected; equal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudboon
-aa: (adj) suitable for particular person or conditior appropriate (a pro piyeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudboon
(tilmaame) wax gudub loo dhigay.
gudboon: (tilmaame) (kula ~) wax kugu habboon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudboon
de: appropriate, fitting, suitable; just, deserved; expected; equal (i.e., doing or saying what is expected)
lx: gudboon
pd: (gudboonaa)
ps: adj-der
key: gudboon
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUNDOOD
(Gundod) C Commiphora stellato-pubescens Gillett. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonsad
m.l la-mid: qoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonsad
-ka: (magac, lab, keli) hadal ama fal ka xumaansho oo niyadda ka nicid. Dh: qoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addoonsi
(Addoonsi-ga)
Addoonsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonsi
m.l la-mid: addoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
addoonsi
m.l. Cid addoonsasho. addoonso f.g3 (-saday, -satay) Cid addoon ka dhigasho. m.f.dh, addoonsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addoonsi
vl. n. slavery, oppression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addoonsi
-ga: (n) slavery (isleey-veri); the practice of owning slaves ~ nidaamka is-addoonsiga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonsi
-ga: (magac, lab, keli) marka xoriyadda laga qaado noole; gumaysiga cid kale. Addoonsi bay reer yurub u qabsadeen afrika. Dh: gumaysi, addoonsad, biddaysi. Li: xorayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
addoonsi
de: slavery, oppression
lx: addoonsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: addoonsi