ereyga

gudbin-firfircoon

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gudbin-firfircoon

DHAN

m.l (baayoloji) Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gudbinfirfircoon

DHAFAN

m.l (baay.) Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dheefsasho-saleed

DHAABAN

m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaqdhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dheefsashasaleed

DHAABAN

m.l (-dyo, m.dh) (baay.) (Herka dh. s.). Heerka tamar dh. ee looga baahanyahay inay xayawaanka ku hayso nasasho. Heerka dh. waxa lagu qiyaasaa habka soo saarka kulka ee halbeeg waqti: waxay tilmaamaysaa tamarta la isticmaalay si loo fuliyo shaqooyinka muhimka ah, sida garaaca wadnaha, neefsashada, dhaqdhaqaaqa dareenwadka, gudbin firfircoon iyo dhiiqista.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Active transport

DHAABAN

Gudbin firfircoon

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maalin firfircoone

DHAFANDHAAF

m.l (-ayaal, m.l/dh) Waxaa lagu sharxa noolayaasha aad u firfircoon maalintii. Tusaale: “Noolayaashaasi cuntadooda waxay raadsadaan maalintii”.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

habeen firfircoone

DHAFANDHAAF

m.l (-nayaal, m.l/dh) Noolayaasha firfircoon habeenkii; xayawaanka noocan ahi wuxuu cuntadiisa raadsadaa habeenkii.

waa la naqliyay ✓