gucundho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucundho
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo dhulka isku ballaadhiya oo bixiya qodxo kuuskuus oo xanuun kulul. Dh: gocondho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoxondho
-da: (magac, dhedig, keli) qodax yaryar oo gaagaaban oo afar afar iskugu dhejisan oo ka badxa geed gujuf yar oo dhulka ku dagaaga. Meeshaasi qoxondho ayay leedahaye cagaag ha ku marin. Dh: gucundho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundho
(Gundha-da)
Gun; sal; gaso; raar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundho
m.dh Asaas; gaw; sal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundho
f. n. bottom, base, foundation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundho
-da: (magac, dhedig, keli) sal; gun; gaso: raar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundho
de: bottom, base, foundation
lx: gundho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gundho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacandho
m.dh la-mid: gaxandho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacandho
f. n. small plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacandho
-da: (magac, dhedig, keli) geedgaab yaryar oo dhulka ku dagaaga oo bixiya midho kuuskuusan oo dusha qodaxyo ku leh oo aan cagaag lagu dul mari karin. Dh: gucundho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacandho
de: small plant sp.
lx: gacandho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
see: gaxandho
key: gacandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gocondho
m.dh la-mid: gaxandho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GOCONDHO
Tribulus terrestris 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GOCONDHO
(Go-on-do) S, N, C Cyperus esculentus L. Cyperaceae.
C Cyperus niveus Retz. Cyperaceae.
N Cyperus rotundus L. Cyperaceae.
S Cyperus longus L. Cyperaceae.
N Fimbristylis ferruginea (L) Vahl. Cyperaceae.
N Mariscus dubius (Rottb.) Hutch. Cyperaceae.
N Cyperus rubicundus Vahl. Cyperaceae.
N Selaginella phillipsiana (Hieron) Alston Selaginellaceae.
N Tribulus alatus DC. Zygophyllaceae.
N Tribulus cistoides L. Zygophyllaceae.
N Tribulus terrestris L. Zygophyllaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocondho
-da: (magac, dhedig, keli) dhir yar oo dhulka is daadiya oo bixiya midho buurbuuran oo ay ka soo taagan yihiin qodxo yaryar oo markay ku mudaan xanuun badan. Dh: gucundho, gacandhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gucun
(Gucun-ka)
Daliig yar oo dhuuban oo qabo ah, ama argeeg ama mayrax kale, oo weelka, kd., lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucun
m.l.u (-mmo, m.dh) 1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iyo wixi lamida oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gucun
m.l.u (-mmo, m.dh) 1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iyo wixi lamida oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gucun
m. n. thread used for sewing milk-vessels (etc.), made of fiber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucun
-ka: (magac, lab, keli) jeex yar oo caw ah; argeeg ama maydhax ah oo weelka lagu tolo. Gucunka masafku hadduu go'o meeriskaa furfurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gucun
de: thread used for sewing milk-vessels (etc.), made of fiber
lx: gucun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gucun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudh
-a: (magac, lab, keli) carjow ku dhex taalla cunaha. Libaax guudha la leexday, gorgorkiisu hableeyey, garna loo rari waa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buundo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhisme laga dul dhiso webi iyo wixi lamida oo lagaga gudbo. 2. Dhibic, darajo. la-mid: buunto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buundo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhisme laga dul dhiso webi iyo wixi lamida oo lagaga gudbo. 2. Dhibic, darajo. la-mid: buunto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buundo
f. n. bridge
buundo [feminine] n. dot, point, mark; marking, score
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buundo
-buundada: (n) [Pl. buundooyin-ka] bridge (biriij); overpass (oowvar paas); fly-over (falaayoowva)
buundo: -buundada: (n) [Plural buundooyin-ka] grade (gareeydh); mark (maark); score (iskoor) ~ darajada imtixaan, dhibco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buundo
-da: (magac, dhedig, keli) dhis adag oo webi, tog iyo waxii la mid ah laga dul dhisay, biyuhu hoosteeda ka dusaan oo noolaha iyo gaadiidku ku tallaabaan. Buundada ciyaartee, Beledwey ku taallee, biyo luluto guudkood, badhtankeeda sow maahayn. Dh: kaabad, biriish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Candho
(Candha-da)
(geel; lo' kd.) xubin ballaaran oo laallaadda oo qurxub weyn iyo labo iyo ka badan oo naas, ka kooban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candho
m.dh (-ooyin, m.l) Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
candho
m.dh (-ooyin, m.l) Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candho
f. n. udder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
candho
-candhada: (n) udder (adhar) ~ candhada xoolaha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candho
cf: dhays
de: udder
lx: candho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: candho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuundo
m.dh la-mid: fuunto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuundo
f. n. rotten thing (egg, fruit, etc); injured eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuundo
-da: (magac, dhedig, keli) naalo ama ukun xumaatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuundo
a: fuunto {S & C}
de: rotten thing (egg, fruit, etc); [ext.] injured eye
lx: fuundo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: fuundo
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gundhe
Madax-baanadeed lix-xaglood ah oo aan lahayn samay iyo gacanqabsi toona.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhi
(Gundhi-ga)
Bir yar oo dhuuban oo caarad fiiqan iyo gowl leh, oo kabaha iyo funaanadaha kd. lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhi
gundhi¹: m.l 1. la-mid: gundhis. Bir yar oo caarad dhuuban iyo gawl leh oo kabaha iyo wixi lamida lagu tolo. 2. la-mid: gundhin.
gundhi²: f.g2 (-iyay, -isay) Xarig, madax iyo wixi lamida si tartiib ah oo aan joogto ahayn u nuuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gundhi
v. lift, raise, jerk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhi
(fal) degdeg u jiid: shey meel tagaan rix, in yar soo dhufo ama halkiisii ka dhaqaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gundhi
de: lift, raise, jerk
lx: gundhi
pd: (gundhiyey)
ps: v2a=
key: gundhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunso
m.dh Surta inteeda adag; gaws.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunto
m.dh.kh G. ah: neef dheddig oo wax rimiya waayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunyo
m.dh la-mid: guuyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guunyo
f. n., [collective] wealth, inheritance; livestock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guunyo
-guunyada: (n) animal husbandry; stock farm: livestock (laapv istaak) ~ guuyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guunyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la dhaqdo. Nimaan guunyo lahayn ha guursan. Dh: mooro, adduun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guunyo
de: wealth, inheritance; livestock
lx: guunyo
pd: (/da)
ps: n-f-col
see: guuyo
key: guunyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundho
m.l Gobaha qoriga ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundho
m.dh Nooc cawska ka mid ah oo ka baxa meelaha biya fariisinka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunsho
m.dh la-mid: buunshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunsho
-ha: (magac, lab, keli) isha iyo xuubka ku dahaadhan firida hadhuudhka. Buunshah xoolahaa loo dhigaa. Dh: buushi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giindho
m.dh Nooc lo'da ka mid ah oo geesa yaryar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giindho
-da: (magac, dhedig, keli) nooc lo'da ka mid ah oo geeso yaryar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudo
(Guduuda-da)
Kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudo
guduudo¹: m.dh Nooc kalluunka ka mid ah. la-mid: guduudow.
guduudo²: f.mg3 (-uutay, -uudatay) Wax midab guduudan yeeshay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guduudo
f.mg3 (-uutay, -uudatay) Wax midab guduudan yeeshay noqosho. m.f.dh, guduudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudo
inch. v. become red, reddish ~ brown, brownish
guduudo [feminine] n. fish species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guduudo
nickname-freddish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guduudo
-guduutay /guduudatay: (v) redden (redan); become red
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guduudo
magac loo baxsho gabadh midab cas oo dhiin ah u dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudo
-ha: (magac, lab, keli) noocyada kalluunka midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gugunto
m.dh Guunto; orgeysguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Neef dheddig, lab orgeeya waayid. la-mid: guuntow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuunsho
(Xuunsha-da)
Shinbir badanaa cad oo wasakhda cunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuunsho
m.dh Shimbir badanaa cad oo wasakhda cunta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuunsho
m.dh Shimbir badanaa cad oo wasakhda cunta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuunsho
f. n. bustard bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuunsho
-xuunshada: (n) large, long-legged bird; bustard (bas-tadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) haad cadcad oo guryaha iyo meelaha la deggen yahay ka fogaanin. Xuunshada xoolaa la moodaa waa runtaa oo waa la moodaa. Wa: xuunshooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuunsho
de: bustard bird sp.
initial: x
lx: xuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: xuunsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaxandho
(Gaxandha-da)
Geed yar oo qodxo leh oo geelu daaqo (ama gocondho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaxandho
m.dh Geed nagaar faalala, xooluhu cunaan, dhalo miro qodax leh oo markay qallalaan muda dadka iyo xoolaha. la-mid: gacandho, gocondho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaxandho
m.dh Geed nagaar faalala, xooluhu cunaan, dhalo miro qodax leh oo markay qallalaan muda dadka iyo xoolaha. la-mid: gacandho, gocondho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaxandho
f. n. small plant species, with thorny fruits on which camels feed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaxandho
-gaxandhada: (n) a small, thorny plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaxandho
-da: (magac, dhedig, keli) midhaha qodaxda leh oo ka baxa geed yar oo qodxo leh oo geelu daaqo. Dh: gocondho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaxandho
a: gacandho
de: small plant sp., with thorny fruits on which camels feed
lx: gaxandho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: gaxandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguntoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Neef dheddig oo tabsan abaahi waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudasho
(Guduudasha-da)
Midab guduudan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudasho
m.f.dh eeg guduudo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudasho
-da: (mahac, dhedig, keli) midab dhiin ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guggundhaw
m.l Koor hal carrab leh oo jalaqda ka weyn boodaantana ka yar oo geela loo xiro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gugundhabe
nickname-m dragon-slayer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudshe
(Guduudsha-ha)
Badar aan wanaagsanayn; (ama guduudi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudshe
m.l la-mid: guduudi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guduudshe
m. n., (mass n.): inferior grain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guduudshe
a: guduudi
de: inferior grain
lx: guduudshe
pd: (/ha)
ps: n0-m-mass
key: guduudshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguntood
m.f.l eeg guguntoo.