ereyga

gucummaale

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gucummaale

DHAN
1

(Gucummaala-ha)

2

1. Raan ama shaash gucummada u eg leh.

3

2. Libaax iyo wixii kale oo soo raaca oo gucummo leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gucummaale

DHAN

m.l 1. Libaax lab oo aad u weyn. 2. G. ah: nafley aad u dhogor leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gucummaale

DHAN

m. n. animal ~ person with a mane (e.g., lion)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gucummaale

DHAN

-ha: (magac, lab, keli) libaax raantiisu u soohan tahay sida gucunka. Gucummaale aariyo sidii goosha ma u reemay. Dh: halable.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gucummaale

DHAN
1

de: animal ~ person with a mane (e.g., lion)

2

lx: gucummaale

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: gucummaale

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

libaax

DHAABAN
1

(tilmaame) mid geesi ah oo aan cabsan.

2

libaax-a: (magac, lab, keli) dugaag dad iyo duunyaba cuna. Wuxuu leeyahay midab cawlan iyo dabo bul leh, kiisa labina wuxuu qaarka hore ku yelshaa dhogor dheer oo farabbadan iyo shaash duf ah. Dh: aar, baabulle, gucummaale.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

duumaale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) milay ama meel ay duumo dad badan ku laysay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Guutaale

DHAFANDHAAF

name-m leader of armies; squad, brigade; mature. Lit: he who was born while some warriors of his kinsmen were in attendance

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Guutaale

DHAFANDHAAF

magac loo baxsho wiil dhashay xilli ay ciidammo joogeen reerka ama dad badan reerka iskugu yimaaddeen. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo hoggaamiye ummadeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Uurkummaanle

DHAFANDHAAF
1

(Uurkummaanla-ha)

2

Qofka garan og waxa aan afka laga orane dadka uurkiisa ku jira; kasmo u leh sida lagu maleeyo waxa dadku iskula hadla hayo; maangarato ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

uurkummaanle

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waxgaradnimo iyo caqli badan leh oo la moodo in uu la socdo waxa qofka la hadlayaa ku fekerayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

uurkummaanle

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof karti u leh in uu garto waxa aan afka laga odhane dadka uurkiisa ku jira. Dh: maangarato.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

uurkummaanle

DHAFANDHAAF
1

de: clairvoyant, person with power of mind-reading

2

initial: u

3

lx: uurkummaanle

4

pd: (/ha)

5

ps: n7-m-cmp

6

key: uurkummaanle

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Ducaale

DHAFANDHAAF

name: Dualeh, Duwaale

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Ducaale

DHAFANDHAAF

name-m blessed, holy man

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Ducaale

DHAFANDHAAF

magac loo baxsho wiil duco ku dhashay ama loo arko in uu yahay qof duco qaba oo barakaysan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

Ducaale

DHAFANDHAAF
1

de: Dualeh, Duwaale

2

lx: Ducaale

3

ps: name-m

4

key: Ducaale

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gummaad

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Cunto; gasiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gummaad

DHAFANDHAAF

m.l (-dyo, m.dh) Cunto; gasiin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gucushaa

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) nin waayeelay oo oday da' ah noqday. Gucucshaaga odaygee, guurtinimo ku idishahay misna maragga aan gelin…

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

huuraale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof aan ilkaha cadayan oo afka huuro ku leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gufacaale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Roob badan oo dabayl xooggani waddo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gufacaale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Roob badan oo dabayl xooggani waddo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Gufacaale

DHAFANDHAAF

Cyclonic rain

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gufacaale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) roob badan oo dabayl xooggani waddo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

guur kale

DHAFANDHAAF

n. phr. remarriage

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

guur_kale

DHAFANDHAAF
1

de: remarriage

2

lx: guur kale

3

ps: np

4

key: guur_kale

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

muruqmaal

DHAFANDHAAF

m.l Qof shaqaale ah oo aan farsamo gaar ah lahayn, kuna nool waxa ka soo baxa xooggiisa. la-mid: addinmaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

muruqmaal

DHAFANDHAAF

m.l Qof shaqaale ah oo aan farsamo gaar ah lahayn, kuna nool waxa ka soo baxa xooggiisa. la-mid: addinmaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

muruqmaal

DHAFANDHAAF
1

v. labor, strive, use physical strength

2

muruqmaal vl. n. labor, manual labor

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

muruqmaal

DHAFANDHAAF

-ka: (n) laborer (leey-ba-rar); manpower (meen paawar) ~ shaqaale

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

muruqmaal

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) shaqaalaha hoose sida kuuliga iyo xammaaliinta. Muruqmaal miishaar fiican ha la siiyo. Dh: shaqaale, xoogsato.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hirimmaale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc ciyaarta sayliciga ka mid ah, laga ciyaaro aroosyada lagana dheelo xeebaha badda cas. la-mid: hiddiwaale, hiyiwaale (2).

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

hirimmaale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc ciyaarta sayliciga ka mid ah, laga ciyaaro aroosyada lagana dheelo xeebaha badda cas; hiddiwaale, hiyiwaale (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

budhkummaal

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) neef dhib iyo leeleel lagaga maalo oo faraddiid fiigo tooja ah, ama qof budh lala dhaco oo keliya wax ku tara, wax kuugu garta. Sucu waa budhkummaal dumar ma lisi karaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

duddumagale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Naasley dabaggaallaha la bah ah, laakiin wax yar ka roon, koox koox u socda, oo duddumooyinka gala; kadabjiir.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

duddumagale

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Naasley dabaggaallaha la bah ah, laakiin wax yar ka roon, koox koox u socda, oo duddumooyinka gala; kadabjiir.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dundumagale

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) mas halaq ah oo dundumooyinka godad ka samaysta. Dh: duddumaggale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

muruqmaal_1

DHAFANDHAAF
1

de: labor, strive, use physical strength Lit: milk the muscles

2

hm: 1

3

lx: muruqmaal

4

pd: (muruqmaalay)

5

ps: v1=idiom

6

key: muruqmaal_1

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

muruqmaal_2

DHAFANDHAAF
1

de: labor, manual labor

2

hm: 2

3

lx: muruqmaal

4

pd: (-ka)

5

ps: vn2-m

6

key: muruqmaal_2

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

muruqmaalid

DHAFANDHAAF

m.dh Shaqo gacmeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

muruqmaalid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) shagan sasho oo cudud ku meelmarid. Dh: shaqaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

raasummaali

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: raasammaali.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

raasummaali

DHAFANDHAAF

-ga: (n) capitalist (kapa-teliist); investor (in-vees-ter); wealthy person

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Uurkubbaale

DHAFANDHAAF
1

(Uurkubbaala-ha)

2

1. Qof xag Ilaah wax laga ogeysiiyo; weli.

3

2. (sheekaxariiro) qof ama neef adduunyo ah oo duula oo wax walba oo dhici doona ogaada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

uurkubbaale

DHAFANDHAAF
1

de: Islamic saint; folklore being who flies and has prophetic powers; [atr.] clairvoyant (man who receives from God the ability to see the future)

2

initial: u

3

lx: uurkubbaale

4

pd: (/ha)

5

ps: n7-m

6

key: uurkubbaale

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Uurkumaanle

DHAFANDHAAF
1

Psicologo

2

Psychologist

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

budhkummaalid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) budh lala dhaco keliya lagu maalo ama wax ku tara. Dh: budhkummaalis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

budhkummaalis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg budhkummaalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

recommandable

DHAFANDHAAF

recommandable, adj. - ku fiican; ku haboon; lagula talin karo

waa la naqliyay ✓