guclay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guclay
(fal) si aayar ah u orod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si aayar ah u ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadaalli
-ga: (magac, lab, keli) xasil la'aan, jog iyo fadhi diidid. Dh: kirtan.
kadaalli -ga: (magac, lab, keli) kolba dhinac u u ordid si guclayn ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod sagle ah samayntiisa. Saglayn buu ku yimi ceelka. Dh: raqlayn, guclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxulduubid
-da: (magac, dhedig, keli) orod iyo dadaal badan wax dartood u gelid. Waa ogyahay suxulduubka aan u galay arrintan. Dh: guclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusulduub
-ka: (magac, lab, keli) gacanta oo xagga dambe ee xusulka la isku riixo ama la isku dhufto. Kolkaad meel bannaysanayso xusulduub dadka ku riix.
xusulduub -ka: (magac, lab, keli) orod rucle ah. Xusulduub waa guclayn. Dh: rucle.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trotter
trotter, v. - guclayn (orod guclo ah)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trotteur
trotteur, n.m. - faras loo carbiye in uu kadleeyo; guclaynaya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gucleyn
(Gucleyn-ta)
Xusulduubid; rucleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucleyn
m.f.dh eeg guclee. la-mid: gucleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucleys
m.l la-mid: gucleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod rucle ah ordid. Dh: guclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruclays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ruclayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Clay
Dhoobo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clay
/kley/ (n) dhoobo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Clay
Dhoobo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
clay
n., dhoobo, -adi.
clay, v.tr., (cover with clay) dhoob, dhoobay, dhoobo ku dhoob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulay
(fal) qof ul la dhac ama ku garaac. Ulay inanka edeb ha yeeshee. Dh: dhengeday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulay
m.l Mayrax feeran oo haamaha bul lagu catireeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulay
(fal) bul iyo shaash u yeel. Googoradda inanta yar bulay. Dh: bulee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culay
(Culay-ga)
Qoryo gaar ah oo qallalan oo udgoon oo weelasha qaarkood lagu culo: qoriqadiid; (ama cugay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culay
m.l Qoryo geedo gaar ah laga jaray oo iyaga oo dab leh weelasha caanaha iyo biyaha lagu nadiifiyo. la-mid: cugay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culay
m. n. bundle of dry wood burnt to purify a milk vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culay
(fal) weel, culay ku same.
culay-ga: (magac, lab, keli) qoryo udgoon oo inta dab la gesho iyaga oo kulul amaba belbelaya weelka la culayo gudihiisa lagu rido oo lagu aabudho oo lagu rogrogo, si jeermiska looga dilo. Dh: qoriqadiid, cugay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culay
de: bundle of dry wood burnt to purify a milk vessel
lx: culay
pd: (-ga)
ps: n-m
see: cugay
key: culay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulay
m. n. (adj.): coward; cowardly, timid, shy, bashful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulay
-ga: (n) fearful and hesitant person, chickenheart, timid, craven male; coward (kaawardh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulay
-ga: (magac, lab, keli) qofka beerka nugul ee halista aad uga cabsooda. Dh: fule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulay
de: coward; [atr.] cowardly, timid, shy, bashful
lx: fulay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
xe: He is a coward
xv: fule ~ fuley
key: fulay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fulay
جَبَان
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galay
-ga: (magacwadareed) nirgaha labajirka ah. Dh: eeloweyn, ilweyn, garabweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golay
(fal) «u ~» ciyaar ama dagaal u godee oo dad u soo ururi.
golay -ga: (magac, lab, keli) ciyaar maaweelo iyo jimicsi iskugu jirta oo ay carruurtu ciyaarto.
golay -ga: (magac, lab, keli) ciyaar ay wiilashu habeenkii ciyaaraan oo labo inan oo inta kale wada taqaan la soo xulo uu midi yidhaa: ii cug; ka kalana waxa uu ugu jawaabaa: ciiro wiilkii ku horeeyey ii cugta iyaa xusha wiil, dhiggiisuna waxa uu xushaa wiil kale sidaa ayay tiro is le'eg u kala doortaan. Koox walba waxay samaysataa goob la difaaco oo lama taabtaan ah si ciyaarta loo bilaabo waxaa la kala doortaa kab labadeeda weji dabadeed kabtii ayaa cirka loo ganaa iyada oo lagu dhawaaqayo: kabey kabey, kabaabullo, ninna ha sirin, sir la'aan u dhac. Kabtaasi marka ay dhulka ku soo dhacdo waxa ciyaarta ku horeeya ninkii dhanka ay u taallo sii doortay ee ay astaanta u ahayd, waxa uu ka soo bilaabaa ciyaaarta goobtii iyaga u ahayd lama taabtaanka, waxa uu beegsadaa qaybta ka soo horjeeda koobta u ah lama taabtaanka, isaga oo adeegsanaya farsamooyin kala gaddisan oo iskugu dhafan xoog iyo xeelad, haddiise la xambaareeyo waxaa ciyaarta bilaabaysa kooxdii kale ee ka soo horjeedday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gucle
(Gucla-ha)
Orod; xusulduub; rucle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucle
m.l Orod gaaban. la-mid: rucle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gucle
vl. n. slow running, jogging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gucle
-guclaha: (n) slow, steady running; jogging (jaaging) ~ rucle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucle
-ha: (magac, lab, keli) orod gaaban oo aan xowli dheer lahayn laguna daalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gucle
de: slow running, jogging
lx: gucle
pd: (/ha)
ps: vn-m
key: gucle
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUDAY
Cordia suckertii 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUDAY
(Dudai) C Cordia suckertii Chiov. Boraginaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulad
-ka: (magac, lab, keli) lugta qaybta ugu buuran ee uguna xoogga badan. Coofaarka gaagaabsadee guladka buuraaya...
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gully
Jeexjeex
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gully
v.i., fuuqfuuqso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guray
m. n. left-handed person
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GURAY
Commiphora gurreh 02
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guray
-ga: (n) one who is left-handed; left-hander (laft-heendher) ~ gurey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guray
naanays loo bixiyo qofka gacanta bidix ku qabsada hawshii ay midigtu qaban lahayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guray
a: gurey
de: left-handed person
lx: guray
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: guray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bullay
(fal) cun wax laguu yareeyey. In kalay bulaysaye, adse beer ma dubanine.
bullay-ga: (magac, lab, keli) midab lo'du leedahay oo caddaan casaan xiga ah. Sac bullay ah ayaa halkaa daaqaya. Dh: beesh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslay
(fal) culays ku kordhi; wax culus ka dhig. Dh: cuslee. Li: fududay, fududee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullay
(fal) ka dhig wax aan nadiif ahayn oo xaqiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclay
(fal) orod facle ah orod. Dh: boodbood, orod, ciyaar, rabbaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gallay
f. n., [collective] maize, corn
gallay v., pl., simple past tense: we went in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gallay
-da: (n) maize (meeys)', corn (koon) ~ galley, gelley, arab-bikhi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gallay
ذُرَةٌ شامِيَّة
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUBAAY
(Gubai) S, C Dactyloctenium aristatum Link. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucaad
m.l.kh (-dyo, m.dh) G. ah: nafley socodka ku gaabisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Orod gaaban ordid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Orod gaaban ordid. m.f.dh, gucleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guclee
v. run slowly, jog
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guclee
de: run slowly, jog
lx: guclee
pd: (gucleeyey)
ps: v2b=
key: guclee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
guilty
/gilti/ (adj) dam-biile. e.g. He is not guilty.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
guilty
a., gar darran, xujad leh, xujad weyn, tacsiir leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunray
m.l la-mid: gunre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunray
m. n. coniferous plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUNRAY
Commiphora gurreh 01
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunray
de: coniferous plant sp.
lx: gunray
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: gunre
key: gunray
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GURRAY
[GURAY, GU-RHEYEJ Commiphora gurreh 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax isu ururay oo gadaal u gurtay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guulan
inch. v. be intimidated, become terrified; retreat (from an attack)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guulan
de: be intimidated, become terrified; [ext.] retreat (from an attack)
lx: guulan
pd: (guulmay)
ps: v1=inch
key: guulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqlay
m.l (-qlo/muqlay, m.dh) Geed-quwaax, qodax yaryar, caleen dhuudhuuban iyo asal wanaagsan oo lagu megdisto. la-mid: muqle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqlay
m. n. resin producing tree species; resin of such a tree
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MUQLAY
[MUKULAY, MUKLAY, MOKOLAY] Boswellia microphylla 01-
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqlay
(fal) bukaysii oo cudurka shilinta ah ku rid. Haddaad karayso muqlay kariba mayside. Dh: muqlee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqlay
a: muqle
de: resin producing tree sp.; resin of such a tree
lx: muqlay
pd: (-ga Pl: muqlay (da))
ps: n5-m
key: muqlay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
outlay
/awt-ley/ (n) kharash (lacag hawl gaar ah lugu kharash gareeyo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuslay
-da: (magac, dhedig, keli) waa inta ku jirta caloosha iyo xiidmaha uusku maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysi
-ga: (magac, lab, keli) libin helid. Guulaysi haddaad barato guuldarro ma oggolaatid. Li: guuldarraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulayso
(fal) guusha gaadh; libinta hel. Li: guuldarrayso, khasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bacbaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bugbugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buullay
(fal) cid nabar gaadhay ama xanuun badani soo maray buullo sii, hilib iyo cunto nafaqo badan isugu dar, muddo si gaar ah u xanaanee. Ninka adaa jabiyeye iska buullay. Dh: nafaqee, buullee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayn
m.f.dh eeg cuslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore u fududaa, culays ku kordhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sharafta ka dhigid oo qayrkii ka reebid.
dullayn -ta: (magac, dhedig, keli) dibi iyo wixii la mid ah, dulle la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faclayn
(Faclayn-ta)
(xoolaha yaryar) orod facle ah, ordid; durdurin; boodboodid; cayaarid, rabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faclayn
m.f.dh eeg faclee. la-mid: facle (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod facle ah oo ay xoolaha yaryari ordaan, samayn. Dh: durdurin, boodboodid, ordid, ciyaarid, rabbaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faclays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faclayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FUULAAY
(Fulai) S Oncocalyx kelleri (Engl.)Gilbert. Loranthaceae.
S Tapinanthus sansibarensis (Engl) Danser. Loranthaceae.
S Erianthemum dregei (Eckl. & Zeyh.)Van Tiegh. Loranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalayn
m.f.dh eeg gaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaal ka dhigid; diinta Islaamka ka saarid; qof muslim ah gaal ku sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gaal ka yeelid.
gaalays-ta: (magac, dhedig, keli) middi weyn oo af badan. Cali gaallays buu soo tuntay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gahlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabasocodka boholyowgu ku jiro oo lala naqastuuro. Sidii giir lo'aad oo ilmaha laga unuungooyey, oo loo sido gandaalkiisii bay daba gahlaysaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gallayr
(Gallayr-ka)
Shinbir heycad ah oo manjaha iyo afka cas oo hilibka cuna; wuxuu badanaa cunaa, halaqa iyo shinbiraha yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallayr
m.l (-rro, m.dh) Nooc haadda ka mid ah, la bah ah dafada, hilib cun ah, manjo iyo af guduudan leh oo loo adeegsan karo ugaarsiga iyo ilaalinta beeraha. la-mid: gariir¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gallayr
m.l (-rro, m.dh) Nooc haadda ka mid ah, la bah ah dafada, hilib cun ah, manjo iyo af guduudan leh oo loo adeegsan karo ugaarsiga iyo ilaalinta beeraha. la-mid: gariir¹: (2).

m. n. eagle