gowti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowti
m.l (-iyo, m.dh) Tuur; fiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowti
m. n. protrusion, projection, overhang; hard skin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowti
-ga: (magac, lab, keli) qowga ama meesha ugu danbaysa wax laga siiban karo. Dh: daan, qar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowti
cf: gaatir
de: protrusion, projection, overhang; hard skin
lx: gowti
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gowti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowdi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aad u raadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowdi
-ga: (magac, lab, keli) aad wax u raadin oo doondoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mowti
m.dh.u la-mid: meyti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulub
1. Sidib ah; aan xanaf iyo gowtiyo lahayn.
2. (Sulub-ka) a) Dhagax sulubi ah. b) Birsulub; birlab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulubi
(Sulubi-da)
Wax aan kurtummo iyo gowtiyo lahayn; kor sinsiman; sidib.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gnarled
/narldh/ (adj) jilfax-ah (sida geed jirridiis iwm, oo adayg gowtiyo badan noqda, badanaa gabow ama isticmaal dartiis).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garceesaan
-ka: (n) goatee (gowtii)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaatir
cf: gowti
de: hard, horny skin (especially on hands ~ feet)
lx: gaatir
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: gaatir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gowtiyo
-gowtiyaha: (n) projections (projakshenis)-, projecting edges, raised edges
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowdin
m.f.dh eeg gowdi.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Growth
Korriin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
growth
/growth/ (n) 1. koritaan ama koris. e.g. a rapid growth in the population (n) 2. wax jirka ka soo baxa oo dheeraad ku noqda sida feexda iwm.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
got
/got/ (v) get, oo fal tagay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gow
(Gow-ga)
Daan; qar; jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gow
m.dh la-mid: gaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gǫw
m.l la-mid: gąw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gow
m. n. part, section
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gow
-da: (ereycodeed) tusmeeya dhawaaqa marka meel wax culus lagu dhufto ka yeedha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gow
de: part, section
lx: gow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawi
v. pound
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawi
de: pound
lx: gawi
pd: (gawiyey)
ps: v2a=
key: gawi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goat
/gowt/ (n) ri.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
goat
n., riyo, -ihi (gen. name); a he goat, orgi, -gi; a she goat, ri, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goli
f.mg1 (-lyay, -liday; -lyi) La g.: nin naag u galmoosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gori
f.mg2 (-iyay, -isay) Neef rimman gor keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gori
v. produce colostrum (pregnant animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gori
(fal) neef rimman gor yeelo. Dh: dhaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gori
de: produce colostrum (pregnant animal)
lx: gori
pd: (goriyey)
ps: v2a=
key: gori
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
gout
(n) a disturbance of metabolic system occurring predominantly in males, characterized by painful inflammation of the joints, esp. of the feet and hands.
carqaladayn habka matabolimka siba ta raga
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
goût
goût, n.m. - dhadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowl
(Gow-sha)
Gawl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowl
m.dh la-mid: gawl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowl
f. n. mark put on livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowl
-sha: (magac dhedig keli) astaan iyo summad xoolaha loo yeelo oo dhegta lagaga dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowl
de: mark put on livestock
lx: gowl
pd: (/sha)
ps: n1-f
see: gawl
key: gowl
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gown
/gawn/ (n) 1. toob, cambuur, siiba loo xirto munaasabad gaar ah (n) 2. toob ama qamiis gaar-ah, sida midka qaalliga ama ardayda qalin-jabinaysa ay xirtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowr
m.l Xubinta taranka haweenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowr
-ka: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee haweenka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gows
(Gows-ka)
1. Ilkaha danbe oo waaweyn oo wax lagu calaliyo, midkood.
2. Surta inteeda cillaanka ukunta u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gows
gows¹: m.l Surta inteeda cillanka ukunta u eg.
gows²: m.dh (-so, m.l) (cilmiga naflayda) Ilkaha qofka, iligga 6aad, 7aad iyo 8aad oo dhinac walba ee saamanka waxaa la yiraahda gows.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gows
gows¹: m.l Surta inteeda cillanka ukunta u eg.
gows²: m.dh (-so, m.l) (cilmiga naflayda) Ilkaha qofka, iligga 6aad, 7aad iyo 8aad oo dhinac walba ee saamanka waxaa la yiraahda gows.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gows
m. n. molar, back tooth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gows
-ka: (n) a tooth used to grind food; molar (mooler) ~ gaws
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gows
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah ilkaha raashinka lagu calaliyo oo xagga danbe ku yaal ee miciyaha iyo dhoolaha ka danbeeya. Gowso waraabe gudo ka xidhiidhsan. Dh: gaws.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gows
ضرس، ناجذ
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rôti
rôti, n.m. - hilib roos ah; hilib la solay ama la foorneeyay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booti
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arday hal fasal ama ka badan gudbin. 2. Ka b.: wax wax kale dul marin iyadoo dhankeeda kale lagu ridaayo. la-mid: boodsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booti
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Arday hal fasal ama ka badan gudbin. 2. Ka b.: wax wax kale dul marin iyadoo dhankeeda kale lagu ridaayo. m.dh, bootin. la-mid: boodsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booti
v. cause to jump; bounce something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booti
-yey say: (n) making something or someone jump
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booti
(fal) wax boodsii oo meel sare gaarsii. Booti buugga oo bannaanka ku tuur
booti: (fal) arday dulmaray ardaydii kale fasalkiisa ka boodsii oo meel kore gaadhsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booti
de: cause to jump; bounce s.t. rw: bood
lx: booti
pd: (bootiyey)
ps: v2a=tr
key: booti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bowsi
(Bowsi-ga)
Aqoon aan dugsi layska barin ee dibadda iyo dadka afkiisa laga qaato; cilmidhegood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowsi
m.l Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macalin toos ah laga baran. la-mid: bowsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bowsi
m.l Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macalin toos ah laga baran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bowsi
vl. n. picking up news, information ~ gossip; knowledge gained outside of school
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowsi
-ga: (magac, lab, keli) wax aad maqashey oo aan qoraal ahayn barashadii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bowsi
a: bowsasho [vn6-f]
de: picking up news, information ~ gossip; knowledge gained outside of school
lx: bowsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: bowsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowli
(Dowli-ga)
Xarig yeelka xoolaha lagu shubo kamid ah oo inta wadaanta lagu xiro ceelasha lagu shubo; dowlis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowli
dowli¹: m.l 1. (-iyo, m.dh) Xarig adag, dheer, oo inta wadaanta lagu xiro, ceelasha lagu shubo. 2. la-mid: duwali (2). la-mid: dawli¹.
dowli²: f.g2 (-iyay, -isay) Ceel dowli ku shubid. la-mid: dawli².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dowli
m.l 1. (-iyo, m.dh) Xarig adag, dheer, oo inta wadaanta lagu xiro, ceelasha lagu shubo. 2. Wax dawladaha adduunka oo dhan u dhexeeya; duwali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dowli
m. n. well-rope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dowli
-ah: (adj) 1. governmental (gavar-mental). Ex: xukun dawli ah; governmental law ~ dawli. 2. -dowli -ga: (n) rope (roop) especially one used to bring water out of wells ~ xarig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowli
-ga: (magac, lab, keli) wax aan waddanka uun ku koobnayn oo dawlado ka dhexeeya sida xeerasha iyo ururrada. Xeerarka dawliga ahi dal walba way qabtaan.
dowli -ga: (magac, lab, keli) wax kaste oo aan dawlad hoos tegin; wax gaar loo leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dowli
a: dowlis (ka) [n2a-m]
de: well-rope
lx: dowli
pd: (-ga)
ps: n2-m
see: dawli
key: dowli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaati
(fal) aayar u soco. Waan sii soconne iska soo gaati. Dh: gaatan, tukub, kuurkuurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galti
(Galti-da)
1. Qof yimid ama soo galay dhul uusan dhaqankiisa aqoon.
2. Aan ilbax ahayn; aan galti bixin; reer-miyi; khashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galti
m.l (galti/-iyo, m.dh) Qof tegay degaan uusan dhaqankiisa aqoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galti
m.l (galti/-iyo, m.dh) Qof tegay degaan uusan dhaqankiisa aqoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galti
f. n. foreigner; barbarian; country bumpkin, hick, ignorant person from the interior
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Galti
nickname-m foreigner; from the interior; new comer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galti
-da: (n) uncivilized, inexperienced, uncultured or primitive person ~ badow, reer-baadiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galti
-da: (magac, dhedig, keli) inta aanay dumarku dhalmadays gaadhin. Li: galtibax, dabamadow.
galti -da: (magac, dhedig, keli) qof dhawaan dalka yimid oo dadka iyo dalka midna aqoon u lahayn. Dh: waageeni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galti
de: foreigner; barbarian; country bumpkin, hick, ignorant person from the interior
lx: galti
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: galti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeti
m.dh Qof saarleyda booranaha ugu sareeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: godol².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godli
v. move an animal to be milked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godli
-yey / say: (v) excite an animal to be milked —godol -ka: (n)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godli
(fal) godol kaga keen; caanaha naasaha kaydka ku ah ka soo daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godli
de: move an animal to be milked rw: godol
lx: godli
pd: (godliyey)
ps: v2a=
key: godli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg godnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golli
(Golli-da)
Dawacada jaad kamid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golli
f. n., [collective] female fox, vixen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golli
-da: (magac, dhedig, keli) dacawada dhedig. Golli baa baraarkii naga laysay. Dh: dayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golli
cf: dawaco
de: female fox, vixen
lx: golli
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: golli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gonfi
m.dh Bir adag oo dhuuban oo sida godinta daab qori ah leh oo ceelasha; xabaalaha iyo wixi lamida lagu qodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gonfi
m.dh Bir adag oo dhuuban oo sida godinta daab qori ah leh oo ceelasha; xabaalaha iyo wixi lamida lagu qodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobi
f.g2 (-iyay, -isay) La g.: beer shaqadeeda u duulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobi
v. work together ~ jointly on something; beat someone in groups
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobi
de: work together ~ jointly on s.t.; [ext.] beat s.o. in groups (with preposition la)
lx: goobi
pd: (goobiyey)
ps: v2a=tr
key: goobi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofi
(fal) dhammee oo idlee; madhi oo waxba haku dhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooji
f.mg2 (-iyay, -isay) Sayn kor u qaadid (geel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gooji
v. lift its tail (female camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooji
(fal) geel, dabada kor u taag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gooji
de: lift its tail (female camel)
lx: gooji
pd: (goojiyey)
ps: v2a=
key: gooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gooni
(Gooni-da)
Meelaha la joogo ama loo socdo, kd., meel ka duwan; meel gaar ah; meel aan cid kale joogin.