gowsdheero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowsdheero
(Gowsdheera-da)
(xoolo, kd.) gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowsdheero
m.dh Gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowsdheero
f. n., [collective] elongation of the molar teeth in animals which prevents them from eating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowsdheero
-da: (magac, dhedig, keli) ilig xoolaha soo dheeraada oo aanay wax cunin ilaa laga saaro. Laxda gowsdheerada ka saara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowsdheero
de: elongation of the molar teeth in animals which prevents them from eating
lx: gowsdheero
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: gowsdheero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawsdheero
-da: (magac, dhedig, keli) gaws inta uu dabco wax yar kor ama hoos u baxa oo wax laga calalin kari waayo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOWDHEER
(Guedar) N Morettia revoilii Franch. Cruciferae.
C Acacia asak (Forsk) Willd. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xowdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) laan enger oo dab shidaalka ku fiican. Dh: jawhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asheero
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: asheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdheero
-da: (magac, dhedig, keli) carruurta aan naaska hooyadood lagu duwin, qaabdarro afkoogu yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawdheer
(Jawdheer-ta)
1. Geed leh caleemo yaryar oo madmadow iyo laamo dhuudhuuban, oo asal wanaagsan leh.
2. Laamo la jaray oo engegey oo la shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawdheer
m.dh 1. (botani) Geed caleemo madmadow oo yaryar iyo laamo oo dhuudhuuban oo asal fiican leh. 2. (m.u) Laan la jaray oo mayraxdii laga gurtay oo engegtay oo ul laga dhigto ama la shito. 3. Masalle harag ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jawdheer
m.dh 1. (botani) Geed caleemo madmadow oo yaryar iyo laamo oo dhuudhuuban oo asal fiican leh. 2. (m.u) Laan la jaray oo mayraxdii laga gurtay oo engegtay oo ul laga dhigto ama la shito. 3. Masalle harag ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jawdheer
f. n., [collective] plant species, used to make dye
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAWDHEER
Commiphora gowlello 10, C. tubuk 20, Gyrocarpus angustifolius 01, Terminalia polycarpa/prunioides 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawdheer
-ta: (magac, dhedig, keli) laan la jaray oo maydhaxdii laga diiratay oo ul laga dhigto ama la shito. Jawdheer ayaan soo qaatay.
jawdheer -ta: (magac, dhedig, keli) masalle harag ah. Dh: gogol.
jawdheer -ta: (magac, dhedig, keli) geed aad u dheer sida dhamasta oo u eg goosayga kana baxa dhulka ciidda cas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jawdheer
cf: asal
de: plant sp., used to make dye
lx: jawdheer
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: jawdheer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Togdheer
pr. n., loc. Togder [region in north Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Togdheer
(n) region in northern Somalia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Togdheer
cf: Burco
de: Togder [region in north Somalia]
initial: t
lx: Togdheer
ps: n0-loc
key: Togdheer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coddheeri
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaqa qof leeyahay oo meel fog laga maqli karo.
coddheeri -ga: (magac, lab, keli) doorasho la galo inta cod ee lagu kala baxo ama la is dheeraaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsheego
v. set forth one's own reasons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garsheego
-garsheegtay I garsheegatay: (v) present or express your claim or problem
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsheego
de: set forth one's own reasons
lx: garsheego
pd: (garsheegtay)
ps: v3b=intr
key: garsheego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadheero
-da: (magac, dhedig, keli) cudur daran oo geela dheddig naasaha kaga dhaca oo haddii uu ku xumaado naasatira, kana kaca ibaha oo furaysma ama awdma oo caanuhu soo mariwaayaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAW DHEER
(Jauder) N Commiphora velutina Chiov. Burseraceae.
C Commiphora tubuk Sprague. Burseraceae.
C Boswellia microphylla Chiov. Burseraceae.
N Kirkia tenuifolia Engl. Simaroubaceae.
N Ipomoea nephrosepla Chiov. Convolvulaceae.
C Gyrocarpus angustifolius (Verdc.)Gillett. Hernandiaceae.
S Allophylus rubifolius (Hochst) Engl Sapindaceae.
S Commiphora africana (A. Rich) Engl. Burseraceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAW-DHEER
[CHOWDHER] Gyrocarpus angustifolius 01
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Joogdheer
name-f tall and straight; beautiful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogdheer
magac loo baxsho gabadh muuq dheer oo qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawdheere
-ha: (magac, lab, keli) caws dumarku rarada ka sameeyaan ka dib marka ay tumaan. Dh: qalabe.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qoordheer
nickname; name-unisex long-necked (very beautiful or handsome)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qotodheer
- aa I ayd: (adj) deep (dhiip); deep-seated (dhiip-siitidh); deep-rooted (dhiip-ruu-tidh); profound (poro-faawndh) ~ xeeldheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandheero
(Daandheera-da)
Qaabxumo daanka gasha oo uu sidii la rabey ka soo dheeraado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandheero
m.dh Cudur geela ku dhaca oo ka dhasha ilig si xad dhaaf ah u dheeraada oo uu neefku calaliska ku dhibtoodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandheero
f. n., [compound] deformity of the jaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandheero
-da: (magac, dhedig, keli) eeg daandheeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandheero
de: deformity of the jaw
lx: daandheero
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: daandheero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheedheero
m.dh la-mid: dheerdheero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gows-hayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Arrin aan la jeclayn, ka hadalkeed, iska ilaalin, ka aammusid. 2. Ka g.: qof dįiddan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gows-hayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Arrin aan la jeclayn, ka hadalkeed, iska ilaalin, ka aammusid. 2. Ka g.: qof dįiddan ahaansho. m.f.dh, gows-haysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gows-hayso
v., [compound] keep one's mouth shut, keep quiet (about something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogdheeri
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaalka qofka ee dhererka tilmaamaya kolka uu sare u joogsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotodheeri
-da: (magac, dhedig, keli) gundheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooldheere
-ha: (magac, lab, keli) jiilaal dheere oo waqtigiisii dhaafay. Dh: jilaal xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soondheere
(Soondheera-ha)
Shacbaan; gasayar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soondheere
m.l Bilaha dayaxa ee Soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soondheere
m.l Bilaha dayaxa ee Soomaalidu tirsato tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; gasyar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soondheere
m. n. eighth month of the Somali lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soondheere
-ha: (magac, lab, keli) shacbaan; gasayar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soondheere
de: eighth month of the Somali lunar calendar (coming just before Ramadan)
initial: s
lx: Soondheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-time
syn: Gasayar, Shacbaan, Waabberiis
key: Soondheere
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-DAREEMO
(Ausdremo) S Gysekia africana (Lour) 0. Kuntze. Aizoaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-DAMEER
(Os-damer) S Bothriochloa insculpta (A.Rich) A. Camus. Gramineae.
May, S Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
S Chloris roxburghiana Schult. Gramineae.
S Bothriochloa radicans (Lehm.) A. Camus. Gramineae.
N Cymbopogon scoenanthus (L) Spreng. Gramineae.
N Pennisetum setaceum (Forsk) Chiov. Gramineae.
N Tripogon leptophyllus (A.Rich) Cuf. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-JEERIN
(Os-cherin) N Dignathia ciliata C.E.Hubb. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabadheerow
f.mg3 (-raaday, -raatay) Muddo dheer wax socday noqosho (xaajo, roob, abaar, dagaal iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheedheeroo
f.mg3 (-raaday, -raatay) la-mid: dheerdheeroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheerdheero
m.dh 1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. la-mid: dheedheero, dheerdheere.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheerdheero
m.dh 1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. la-mid: dheedheero, dheerdheere.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheerdheero
f. n. itch accompanied by a swelling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheerdheero
de: itch accompanied by a swelling
lx: dheerdheero
pd: (/da)
ps: n-f
key: dheerdheero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacmadheere
(Gacmadheera-ha)
Geed xoolaha lagu dhacariyo: wuxuu lee yahay laamo geedaha kale fuula iyo xididdo biyo ka buuxaan oo xoolaha loo jarjaro oo laga waraabsho; faradheere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacmadheere
m.l Geed faalala oo leh bari wayn oo xooluhu ku harraadbeelaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacmadheere
m. n. long-handed; long arm (nickname for a man)
gacmadheere m. n. climbing plant species, with roots rich in a liquid that quenches the thirst of animals; also used a medicine for
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacmadheere
-ha: (magac, lab, keli) geed dhirta isku mara sida saarka, xididkiisuna yahay buruq biyo leh kana baxa hawdka iyo dhulka togagga ah. Xididkiisa ayaa xoolaha loo qodaa si ay ugu kaldheeraystaan. Dh: faradheere.
gacmadheere: (tilmaame) qof ama shaadh gacmo dhaadheer. Li: gacmagaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadheere
m.l (-rayaal, m.l/dh) Biicid lab oo aan weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowsdambeed
m.l (-dyo, m.dh) Gowsaha gowska ugu dambeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowsdambeed
m.l (-dyo, m.dh) Gowsaha gowska ugu dambeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowsdanbeed
(Gowsdanbeed-ka)
Gowsaha gowska ugu danbeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowsdanbeed
m. n. wisdom tooth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowsdanbeed
-ka: (magac, lab, keli) gowska ugu danbeeya gawsaha uguna soo danbeeya soo bixidda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowsdanbeed
a: gowsdambeed
de: wisdom tooth
lx: gowsdanbeed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gowsdanbeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosdameeri
m.l Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moosdameeri
m.l Nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosdameeri
-ga: (magac, lab, keli) nooc mooska ka mid ah oo waaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooradheere
m.l Shumbul.