gownax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gownax
-a: (magac, lab, keli) daanka halka ugu danbaysa ee uu kor uga laabmo. Gownaxaa dabadiisana, qalinbaan kaga gaabshee, geelaa yaa ku yabooha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawnax
m.l (-xyo, m.dh) Labada dhinac ee surka midkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gawnax
m.l (-xyo, m.dh) Labada dhinac ee surka midkood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawnax
-a: (magac, lab, keli) labada dhinac ee surka midkood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gown
/gawn/ (n) 1. toob, cambuur, siiba loo xirto munaasabad gaar ah (n) 2. toob ama qamiis gaar-ah, sida midka qaalliga ama ardayda qalin-jabinaysa ay xirtaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gonad
Qanjidh tarmeed
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
gonad
(n) organs involved in reproduction, the testis or ovaries.
xubnaha taranka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gonna
/gona/ (infl) (v) samayn doona, ama wax dhici-doona. e.g. I am gonna tell him.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gónna
s.f. - goonno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowlac
m.dh Geed-nagaar yar oo laba bariyood leh (lax iyo wan) oo la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowlac
-da: (magac, dhedig, keli) geednagaadh yar oo labo badhyood oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowrac
(Gowrac-a)
Biraynta xoolaha la bireeyo kolka la qalana hayo, si hilibkoodu xalaal u noqdo; birays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowrac
gowrac¹: m.l 1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. 2. la-mid: gowricid.
gowrac²: f.g1 (-cay, -cday; -rici) Wax birayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowrac
gowrac¹: m.l 1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. gowrac²: f.g1 (-cay, -cday; -rici) Wax birayn. m.f.dh, gowricid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowrac
v. slaughter an animal by cutting its throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gowrac
-yey / day: (v) kill animals for food usually by cutting throat; butcher (bujar); slaughter (islooter) ~ qal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowrac
(fal) dhuunta ka biree si uu u xalaaloobo. Waysha gowrac dibigu ha ku quustee. Dh: qal, biree, gawrac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowrac
bw: gawrac
de: slaughter an animal by cutting its throat
lx: gowrac
nt: gowrac (a) [vn2a-m]
pd: (gowracay)
ps: v1=
key: gowrac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrax
f.g1 (-xay, -xday) Hilib iyo wixi lamida oo inuu suyaco looga baqayo dabayl u dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowrax
-a: (magac, lab, keli) hilib iyo wixii la mid ah oo inuu suyaco looga bagayo dabayl u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garwaax
m.l Jeex harag ah, megdeysan, dacallada farqo ku leh la garwaaxeedsado oo dhallinyaradu ku shirtagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Go'naan
(Go'naan-ta)
(wax) go'an ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'naan
m.f.dh eeg go'an. la-mid: go'naansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
go'naan
de: being cut off
lx: go'naan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: go'naan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godnaan
(Godnaan-ta)
Qaab godan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godnaan
m.f.dh eeg godan. la-mid: godnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godnaan
f. n., [abstract] state of being bent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hoos u diisnaan.
godnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax taagnaa, hoos u soo qalloocsanaan. Dh: qoolaabnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godnaan
a: godnaansho (/ha) [vn6-m]
de: state of being bent
lx: godnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: godnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goonjab
(Goonjab-ka)
Madax-xanuun wejiga qaarki qabta; dhanjaf; (ama goonjebshe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goonjab
m.l Xanuun dhafoorka aad u xanuujiya. la-mid: goonjebshe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goonjab
m.l Xanuun dhafoorka aad u xanuujiya. la-mid: goonjebshe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goonjab
m. n., [compound] migraine, one-sided headache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goonjab
-ka: (n) strong headache usually affecting only one side of the head; migraine (maaygareeyn) ~ madax-farad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonjab
-ka: (magac, lab, keli) madaxanuun dhinac, si gaar ah u xanuuniya. Anna goonjab madaxa i jebshaa, gaabshay socodkiiye. Dh: dhanjaf, wareento, shimbir, shaqiiqato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goonjab
de: migraine, one-sided headache
lx: goonjab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
syn: dhanjaf
key: goonjab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonjaf
-ka: (magac lab keli) eeg goonjab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowlalo
-da: (magac, dhedig, keli) geed xabag aad u wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowraco
f.g3 (-cday, -catay) Neef gowrac ku xalaalaysasho.