gowlallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowlallo
(Gowlalla-da)
Geed xabag iyo asal aad u wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowlallo
m.dh Geed-quwaax leh dheecaan kharaar oo khadka laga sameysto iyo asal fiican. la-mid: gawlallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowlallo
f. n., [collective] incense-bearing tree species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GOWLALLO
(Gowlello) 0g,N,C Commiphora gowlello Sprague. Burseraceae.
S Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
C Commiphora ellenbeckii Engl. Burseraceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowlallo
de: incense-bearing tree sp.
lx: gowlallo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: gowlallo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowlalo
-da: (magac, dhedig, keli) geed xabag aad u wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gawlallo
(Gawlalla-da)
Gowlallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawlallo
m.dh la-mid: gowlallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gawlallo
f. n., [collective] incense-bearing tree species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gawlallo
-gawlallada: (n) tree bearing an aromatic gum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawlallo
-da: (magac, dhedig, keli) geedquwaax xabag iyo dheecaan qadhaadh oo kahdka laga samaysto leh. Waxa kale oo laga samaystaa asal fiican. Geedkaanu goynaaba waa gowlaliyo jiice.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gawlallo
de: incense-bearing tree sp.
lx: gawlallo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: gawlallo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayacato
(Qayacata-da)
Xabag wax la iskula dhejiyo oo aad u adag oo dhirta qaarkeed bixiso (dacar, gowlallo, cobol, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulallow
guulallow¹: m.l Welwel iyo cabsi ku dhasha qofka marka uu ka baqayo dhibaato ku soo fool leh.
guulallow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhibaato ku soo fool leh awgeed welwel iyo cabsi dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guulallow
guulallow¹: m.l Welwel iyo cabsi ku dhasha qofka marka uu ka baqayo dhibaato ku soo fool leh.
guulallow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhibaato ku soo fool leh awgeed welwel iyo cabsi dareemid. m.f.dh, guulalloobid.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Gallo
(E) Cock;
(S) Diiq (S. c. m.; Dig)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gallo
s.m. - diiq.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
giallo
agg. - huruud, woob; qiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gololo
(Golola-da)
1. Astaamaha summadda mid kamid ah.
2. Hadal si wanaagsan loo dhisay, badanaa hadal la dulmaro, xubnihiisa iyo qodbihiisana la koobo oo la sheego.
3. (cilmiga dhismaha) dhis qaabka qaansada leh oo guryaha iyo kaabadaha iyo wixii la mid ah loo yeelo, culays celin ama qurux darteed; qaanso.
4. Wax la qurxiyey oo qaab gololo - summad yare soo xoodan - loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gololo
m.dh 1. Summadda xoolaha lagu dhigo mid ka mid ah. 2. Hadal si wanaagsan loo jeediyey. 3. Dhis qaab qaanso leh oo meel loo dhiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gololo
f. n. brand-mark, insignia; diagram, sketch; indirect speech, metaphor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gololo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal si wanaagsan loo jeediyey.
gololo -da: (magac, dhedig, keli) dhis qaab qaanso leh oo meel loo dhiso.
gololo -da: (magac, dhedig, keli) summad lagu dhigo xoolaha oo luqunta ku wareegsan. Aan sumad rag kaga gaar ah iyo gololo loo yeelin. Dh: mareeg.
gololo -da: (magac, dhedig, keli) inan gashaanti ah. Gololo, ma is guursanaa? Dh: gabadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gololo
de: brand-mark, insignia; diagram, sketch; [fig.] indirect speech, metaphor
lx: gololo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gololo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowlac
m.dh Geed-nagaar yar oo laba bariyood leh (lax iyo wan) oo la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowlac
-da: (magac, dhedig, keli) geednagaadh yar oo labo badhyood oo la cuno leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waallo
ciyaar Soomalidu ciyaaraan ha yeeshee gobol walba si gooni ah looga ciyaaro waxay gaar u tahay ragga qalabka lagu ciyaaro ama la qaato waxaa ka mid ah maqaar lo'aad ama harag, serbi madheedh ah oo uu qaato ninka laashinka ah, buun yar oo kalax ah iyo kabo maqaar ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
corallo
s.m. - murjaan, shucaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalo
galaalo¹: m.dh Neef ido ah oo madaxa madow oo foolka calaamad cad ku leh.
galaalo²: f.g3 (-ltay, -latay) Cid galaal marsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goflale
-ha: (magac, lab, keli) wax dhintay oo raagay oo cidla' ah oo uraaya; bakhti neefaaya.
goflale-ha: (magac, lab, keli) nooc duqsiga ka mid ah oo bakhtiga uraaya quuta. Ri'dii bakhtiday durba goflole ayaa ku tuulmay. Dh: goflole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowraco
f.g3 (-cday, -catay) Neef gowrac ku xalaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buulallo
(Buulalla-da)
1. Degmada iyo godadka quraanyada.
2. Cudur haragga ku dhaca oo nabarro yaryari ka soo yaacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulallo
m.dh 1. (u) Godadka quraanyada. 2. (daawo) Finan yaryar, badan oo oogada dadka ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buulallo
m.dh 1. (u) Godadka quraanyada. 2. (daaw.) Finan yaryar, badan oo oogada dadka ka soo baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buulallo
f. n., [collective] anthill; skin disease with pustules
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulallo
-da: (magac, dhedig, keli) godadka ay qudhaanjadu gasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buulallo
de: anthill; [fig.] skin disease with pustules
lx: buulallo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: buulallo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalallo
-da: (magac, dhedig, keli) afar god oo ka mid ah siddeed iyo labaatanka god ee dayaxu fadhiisto. Habeen daalallo ayuu dhashay Yuusuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doolaalo
(Doolaala-da)
1. Meel kale ama dal kale oo qalaad oo layska tago.
2. Waxaan wax ugu jirin oo layska dhexgalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doolaalo
m.dh 1. Doonashada uu neef qoor ah oo qooqan uu doonto wax uu abaahiyo ama saarto. 2. Aadidda la aado meel kale oo aan la iskaga baahnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doolaalo
f. n. animal trespasser (looking for mate); trespassing, interference [ext.] going to foreign lands ~ abroad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolaalo
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka tegid oo tu kale u socdaalid sida xoolaha labkooda qooqan marka uu kuwiisa ka tego kuwa kalena aado. Orgidu way doolaalo badan tahay.
doolaalo -da: (magac, dhedig, keli) arrin ama wax aanay dani kuugu jirin oo la iska dhex galo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doolaalo
de: animal trespasser (looking for mate); trespassing, interference [ext.] going to foreign lands ~ abroad
lx: doolaalo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: doolaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlasho
(Godlasha-da)
(xoolo) godol keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlasho
m.f.dh eeg godlo. la-mid: godlad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godlasho
vl. n. being ready for milking, with full udder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlasho
-da: (magac, dhedig, keli) godol soo dayn; caano kayd ah naasaha ku soo dayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godlasho
de: being ready for milking, with full udder
lx: godlasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: godlasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goglasho
(Goglasha-da)
Gogol ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglasho
m.f.dh eeg goglo. la-mid: goglad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goglasho
-da: (magac, dhedig, keli) gogol dhulka dhigasho; wax lagu seexdo dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joolaalo
f.g3 (-laday, -latay) Geed saloo-lasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolhallow
foolhallow¹: m.l 1. Dheddig foolanaya oo xanuun la lumay. 2. la-mid: foolhallaabid.
foolhallow²: f.mg1 (-laabay,-lowday; -laabi) Dheddigood foolanaya xanuun la lumid. la-mid: fooltag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolhallow
-ga: (magac, lab, keli) lumitaanka neef xanuunka foosha la baxsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goldaloolo
(Goldaloola-da)
Meel dhinac ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga baqaa (col, kd.) ka soo geli karaan ama ka iman karaan; meel halis ah; haad; baylah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goldaloolo
m.dh 1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. la-mid: goldaloosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goldaloolo
m.dh 1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. la-mid: goldaloosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goldaloolo
f. n. way through, gap
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goldaloolo
-goldaloolada: (n) [Pl. goldaloolooyin-ka] a way of escaping a difficulty: loophole (luup hool) ~ guldaloolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goldaloolo
-da: (magac, dhedig, keli) meel jilicsan oo ay waxyeello ka iman karto. Goldalooladeedaa ka badan galalka ciideede. Dh: iin, ceeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goldaloolo
de: way through, gap
lx: goldaloolo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: goldaloolo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulallow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dub biyo gelid xanuun awgiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buulallow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dub biyo gelid xanuun awgiis. m.f.dh, buulalloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalallow
(Faalallow-ga)
Faashow; faaliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalallow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Nin faalka yaqaan. 2. Sixirrow. la-mid: faalshow, faashow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faalallow
m.l (-wyo, m.dh) 1. Nin faalka yaqaan. 2. Sixirrow. la-mid: faalshow, faashow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faalallow
m. n. fortune-teller
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalallow
-ga: (magac, lab, keli) eeg faalallaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faalallow
cf: faashow
de: fortune-teller
lx: faalallow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: faalallow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobolayso
f.g3 (-stay, -satay) Is g.: cid si gobolaysi ah u raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gobolayso
f.g3 (-stay, -satay) Is g.: cid si gobolaysi ah u raacid. m.f.dh, gobolaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gobolayso
v.auto: divide something for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gobolayso
de: divide s.t. for oneself
lx: gobolayso
pd: (gobolaystay)
ps: v3b=auto
key: gobolayso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gonflable
gonflable, adj. - la afuufi karo; la buuxin karo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowracato
(Gowracata-da)
1. Cudur cagta cad gala siiba faraqarrarka cagta oo u yeela dildillaac aan si fudud u biskoon.
2. Fin gaar ah oo hunguriga ka soo baxa oo xira oo badanaa loo dhinto.
3. Geed yar oo leh laamo buurbuuran oo aroorro leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowracato
m.dh 1. Cudur faraha lugaha ku dhaca oo nabarro u yeela. 2. Fin hunguriga ka soo baxo oo badanaa loo dhinto. 3. Geed yar oo leh laamo buurbuuran oo aroorro leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowracato
f. n. boil on the foot
gowracato [feminine] n. growth in the throat
gowracato [feminine] n., [collective] small plant species, with thick branches
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GOWRACATO
(Gowrato) N Caralluma congestiflora Bally. Asclepiadaceae.
N Caralluma russeliana (Brogn) Cuf. Asclepiadaceae.
N Caralluma socotrana (Balf.F.)N.E.Br. Asclepiadaceae.
N Caralluma priogonium K. Shum. Asclepiadaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowracato
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo leh laamo buurbuuran oo aroorro leh. Gowracato ayaan gudin ku jafay.
gowracato -da: (magac, dhedig, keli) fin hunguriga ka soo baxa oo hunguriga xidha loona dhinto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoolaalli
(Qoolaalli-ga)
Qooraansi dhinac ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoolaalli
v. crane one's neck sideways
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoolaalli
bw: sp: qoollaalli
de: crane one's neck sideways
lx: qoolaalli
nt: qoolaalli (ga) [vn-m]
pd: (qoolaalliyay ~ qoolaalliday)
ps: v1=tr
key: qoolaalli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalallow
m.l Welwel; walaac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waalallow
m.l Welwel; walaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalallow
-ga: (magac, lab, keli) walaac iyo uurku taallo. Waalallawga beenta ah waxa eeday dumarkii. Dh: calooyoow, walbahaar.