gotin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gotin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gotin
m. n. small depression caused by the sinking of soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gotin
-ka: (magac, lab, keli) meel godan oo biyuhu ay fadhiistaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gotin
de: small depression caused by the sinking of soil
lx: gotin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gotin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godin
(Godin-ta)
1. Qalab geedaha lagu jaro ama lagu qoro: waxay leedahay daab la qabto oo dheer iyo gar bir af leh ku dhex jira; godimmo.
2. (xiddigo) xiddigaha raqaha tan ugu horraysa; waxay ka kooban tahay saddex xiddigood (faraaci, foocaar iyo fiidarro); (ama gudin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godin
m.dh (-dmo, ml.) 1. la-mid: godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. la-mid: godan¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godin
m.dh (-dmo, ml.) 1. la-mid: godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. la-mid: godan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godin
f. n. axe, adze, implement for cutting ~ trimming wood
godin [feminine] n., loc. name of a star
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godin
-ta: (n) an axlike tool for cutting trees: adz or adze ~ faas, gudin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo xiddig oo midda yari godantahay; waa xiddiga labaad ee Miicaadda. Habeenkay bishu kaw tahay ee uu dayuxu la soo baxo, qofka dhasha waxa lagu yaqaan inuu noqdo qof weyd ah oo godan. Miicaada koobaad waa habeenka gugu kawsado. Dh: miicaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorin
(Gorin-ta)
(neef rimman) gor yeelasho; candhadu soo weynaansho bilaabid; habaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorin
m.f.dh eeg gori. la-mid: goris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorin
-ta: (magac, dhedig, keli) danbarka ku soo dhaca marka neefku shinkiisu dhowyahay. Godka lagu cadaabyeey hadduu dayn gorinta naaskeedu.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
potin
potin, n.m. - buuq; arbush; qaylo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qotin
m.l (kiimika) Xubin kasta oo ka mid ah qalab danabeed taas oo sii daysa ama jiidata elektaroonno ama saldanabsideyeyaal kaleba. Qotinka waxa kale oo lagu isticmaalaa leexinta saxarrada saldanabaysan iyada oo la adeegsanayo falka badadda danabka nagi ee qotinku dhaliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qotin
m.l (kiim.) Xubin kasta oo ka mid ah qalab danabeed taas oo sii daysa ama jiidata elektaroonno ama saldanabsideyeyaal kaleba. Qotinka waxa kale oo lagu isticmaalaa leexinta saxarrada saldanabaysan iyada oo la adeegsanayo falka badadda danabka nagi ee qotinku dhaliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotin
-ka: (magac, lab, keli) gudbiyaha uu danabku ka baxo ama ka galo gudbiye milmaha unug danabeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootin
(Bootin-ta)
1. Sid degdeg iyo xoog leh, qof ama wax kale, labo meelood isaga seeraarin, dhul taabad la'aan.
2. Booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootin
m.dh eeg booti. la-mid: booddo¹ (1), boodsiin, boodsiis, bootis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bootin
m.dh eeg booti. la-mid: booddo¹: (1), boodsiin, boodsiis, bootis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bootin
vl. n. jump, jumping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bootin
-ta: (n) the act of jumping; a leap ~ booddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog leh wax labo meelood isaga gudbin iyada oo aan dhulka la taabsiinaynin. Bootin dheeraa naagtu ma gorayo roob ka baxsan baa. Dh: boodsiin, booddo.
bootin -ta: (magac, dhedig, keli) arday dulmaray ardaydii kale fasalkiisa ka boodsiin oo meel kore gaadhsiin. Baruhu wuxuu bootin buu Bilan Buraale la maggaanyahay.
bootin -ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar jabaq iyo jaan wanaagsan oo dumarka la qabaa ciyaaraan oo ta seylicada u eg waxa loo joogsadaa goobaab oo mid ayaa gudaha ku dhacda inta ay dallad qaadato midina ereyo ayay qaadda inta kalina way jiibiyaan marka la mirqaamo ayay labo ama saddex bootinta iyo qoobka ciyaarka isla yaqaannaa yay si bilicda leg gegada ugu boodaan ereyadeedana waxa ka mid ah: Alla ma duulaa sida dabaylaha, igu dhaladka Soomaaleey ma duulaa sida dabaylaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bootin
cf: kable
de: jump, jumping
lx: bootin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: bootin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
doting
/dhoting/ (adj) kool-koolin badan (suuma-salaax badan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatin
(Gaatin-ta)
Gaatan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaatin
vl. n. creeping up on, stalking (on tiptoe)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaatin
-ta: (n) the act of moving in a covert way: stealth (isteelth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod aayar la soconayo iyadoo la dhuukinaayo oo lugaha hadba mid aayar la qaadaayo. Dh: gaatan, gaadmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaatin
a: gaatan
de: creeping up on, stalking (on tiptoe)
lx: gaatin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gaatin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geftin
(Geftin-ka)
Gees: dacal; dhinac; gow; af; qar; daan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geftin
m.l (-inno, m.dh) Gees; gaw; dacal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geftin
m. n. edge, border
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geftin
nickname; name-m edge, corner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geftin
-ka: (magac, lab, keli) dhinaca wax leeyahay. Dh: dacal, qar, fay, dhinac, baal, daan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geftin
de: edge, border
lx: geftin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: geftin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
get in
/get in/ (v) 1. soo-gelid. e.g. Can I get in? (v) 2. la-doorto, guulaysi jago. e.g. He got in by a small majority. (v) 3. hadal dhex-galin. e.g. Can I get a word in? (v) 4. imaansho. e.g. The train got in late.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goblin
/goblin/ (n) jinni aad u-xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlin
(Godlin-ta)
Godlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlin
m.dh la-mid: godlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlin
-ta: (magac, dhedig, keli) naasaha irmaanka oo qof ama ilmo uu taataabto si uu u godlado. Hasha haddaanad lisayn ha godlinin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobin
m.f.dh eeg goobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofin
-ta: (magac, dhedig, keli) madhinta wax la madhiyo; dhammayn oo idlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goojin
(Goojin-ta)
(geel, kd.) dabada kor u taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goojin
m.f.dh eeg gooji. la-mid: goojis, goojo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goojin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, dabada kor u taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosin
m.dh (-nno, m.dh) Hormo xoolaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosin
-ka: (magacwadareed) cawsha kooxda iskula socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfin
m.f.dh eeg gorfi. la-mid: gorfis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowdin
m.f.dh eeg gowdi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gratin
gratin, n.m. - xagxaga digsiga salkiisa ku hadha
personnes formant une élite - dadka buulshada horseedka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guntin
(Guntin-ta)
1. Wax la guntey; wax guntan.
2. Gunud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntin
m.dh (-imo, m.l) 1. eeg gunti. 2. In yar oo maro ama wax kale ah oo meel ku xiran. 3. Siriq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guntin
m.dh (-imo, m.l) 1. eeg gunti. 2. In yar oo maro ama wax kale ah oo meel ku xiran. 3. Siriq.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Guntin
Node
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guntin
f. n. knot, bundle; something wrapped ~ tied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guntin
-ta: (n) 1. bundle (bandhel), package (paakeeyj) ~ xirmo 2. knot (naat) ~ gunud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel xadhig ama dun ama wax kale isaga xidhan yahay. Xadhiggu meel buu guntin ku leeyahay
guntin-ta: (magac, dhedig, keli) lacag ama hanti kale oo gacalka la siiyo kolka gabadh laga doonayo.
guntin-ta: (magac, dhedig, keli) 'fisigis' qotonka negi barta uu eber yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guntin
de: knot, bundle; s.t. wrapped ~ tied
lx: guntin
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: guntin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
lotion
(n) a medicated liquid for external application,
kareemada korka la mariyo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lotion
/lowshan/ (n) boomaato jilicsan oo maqaarka ama timaha la marsado.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lotion
lotion, n.f. - maaddo madaxa ama oogada lagu dhaashiyo ama lagu subko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mootin
m.dh (fiisikis) Astaanta ay walaxi ku oggolaato in kaah dhex maro, isaga oo aan la nuugin ama aanu weecan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mootin
m.dh (fiisikis) Astaanta ay walaxi ku oggolaato in kaah dhex maro, isaga oo aan la nuugin ama aanu weecan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mootin
Transparency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mootin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel ka gudbin oo dhaafin. Mootinta xadku habeen kuma fiicna. Dh: weydaarin, dhaafin, gudbin, mootis.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Motion
Socod
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
motion
/mowshan/ (n) 1. dhaq-dhaqaaq (socod)(v) 2. talo soo jeedin (siiba intaan shirka la bilaabin ka hor).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Motion
Dood, Sawir-Socod
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
motion
motion, n.f. - go'aan fadhi lagu qaatay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
notion
/nowshan/ (n) fikradda guud (macnaha guud ee mawduuc ama hadal).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
potion
/powshan/ (n) sharoobbo (cabbid daawo ah ama sun ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
potion
potion, n.f. - dawo afka laga cabo sida sharoobada
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qootin
hal magta dhagarta lagu bixiyo; hal lammaan oo la siiyo xigtada qofka lagu dhagaroobay.
qootin: macaga geedka qudhaca ah marka uu yar yahay.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GOONTINI
(Gontini) N Carex negrii Chiov. Cyperaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagootin
m.dh la-mid: sagootiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagootin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbabixin qof kaa tagaya. Sagootin iyo sooryo ayaa loo sameeyey socotadii. Dh: nabadgalyayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gin
/jin/ (n) jiin, khamri culus oo aan midab lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
got
/got/ (v) get, oo fal tagay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tin
(Tin-ka)
Daliigo jiljilicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tin
m.l/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tin
m.l/dh (-imo, m.l) Daliigo jillicsan oo dunta u eg oo oogada dadka iyo nafleeyda kale qaarkeed ka soo baxa, mid ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tin
Tlin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tin
m. n. hair (single)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tin
/tin/ (n) 1. macdan, birta nooca tanagyada iwm laga sameeyo, (n) 2. Qasac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tin
-ta: (n) [singular of timo] a single hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal xabo oo ka mida timaha ama dhogorta. Wa: timo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tin
شعر
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tin
n., tanag, -gi; tin pot, daasad, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
coin
/kooyn/ (n) lacag qadaadiic ah (lacag bir ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
coin
coin, n.m. - Dacal; koone; gees
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
foin
foin, n.m. - caws (doog la jar jaray oo la galajiyay).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gain
Macaash
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gain
/geyn/ (v) 1. helid, taabid (v) 2. kordhid ama hor-marid. (n) 3. faa'iido, macaash.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gain
gain, n.m. - faa'iido; guul.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gain
n., (profit) faayido, -adi, helin, -ki, kordhis, -ki, korodh, -ki, macaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goli
f.mg1 (-lyay, -liday; -lyi) La g.: nin naag u galmoosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goon
1. (Goon-ka) a) Labada lafood oo indhaha hoostooda ku yaal oo yare soo baxsan middood. b) Gocoso.
2. (Goon-ta) Qarar diiran iyo buuro dhagax ah oo badaha dhexdooda iyo xeebaha ku yaal; shacaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goon
goon¹: m.l 1. Bari yar, miraha galleyda le'eg; qolof khafiif leh, la cuno, oo dhulka laga qoto. 2. (-ooman, m.l) Dhafoor. 3. (-nyo, m.l) Dhinac.
goon²: m.l (cilmiga naflayda) Dalool, kiish ama qanjir dhacaan soo sara, sida daloolka ugxaanleyda.
goon³: m.dh.u Buuro dhagax ah oo badaha dhexdooda iyo xeebaha ku yaal; shacaab.