gorgortamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgortamid
m.f.dh eeg gorgortan². la-mid: gorgortan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacasho
-da: (magac, dhedig, keli) qiimaha shayga weydiisasho oo ka gorgortamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayactamid
-da: (magac, dhedig, keli) doodda iyo saayiraadda dhex marta labo qof oo wax kala gadanaya. Dh: gorgortamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax libinaysa qiimaaha weydiin oo la gorgortamid. Dh: baayacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgorad
m.dh (-do, m.l) la-mid: googgaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
borotamid
-da: (magac, dhedig, keli) taratan orad ah dad la gelid. Dh: tartamid, beretamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraamid
m.f.dh eeg gooraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgortan
(Gorgortan-ka)
Gorgortamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgortan
gorgortan¹: m.l Isdhaafsiga laba qof oo wax kala gadanaya ay isdhaafsadaan gorgoro. la-mid: gorgortamid.
gorgortan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof oo wax kala gadanaya gorgoro isdhaafsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gorgortan
gorgortan¹: m.l Isdhaafsiga laba qof oo wax kala gadanaya ay isdhaafsadaan gorgoro.
gorgortan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof oo wax kala gadanaya gorgoro isdhaafsi. m.f.dh, gorgortamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorgortan
v. bargain (with each other)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gorgortan
-ta: (n) bargain (baar gen) ~ gorgoro; negociation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gorgortan
Contrattare
Bargaining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorgortan
-ka: (magac, lab, keli) ka wada hadal iyo wax isla meel dhig; isla eegid si meel la isugu yimaado iyo wixii la mid ah. Qiimahaad ii sheegtay gorgortan la'aan ayaan ku qaatay. Dh: baayactan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorgortan
de: bargain (with each other)
lx: gorgortan
pd: (gorgortamay)
ps: v1=recip
key: gorgortan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godootamid
m.f.dh eeg godootan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gododootamid
m.f.dh eeg gododootan². la-mid: godootamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guruurctamid
m.f.dh eeg guruuructan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footamid
-da: (magac, dhedig, keli) caanawadaag ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garramid
(Garramid-da)
Gar isu sheegasho: dacwiyid; doodid; eedaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garramid
m.f.dh eeg garran². la-mid: garran¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garramid
-da: (magac, dhedig, keli) baane iyo dood dacwadeed; gar isu sheegasho. Dh: baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglamid
m.f.dh eeg goglan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgorin
(Gorgorin-ta)
Wax iib u yaal, qiimahooda cid weyddiin; baayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgorin
m.f.dh eeg gorgori. la-mid: gorgoris, gorgoro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorgorin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la iibinaayo qimohooda cid ka baayacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgoris
m.l la-mid: gorgorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsamid
m.f.dh eeg doorsan¹. la-mid: doorsoomid, doorsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) beddelmid oo sidii hore si ka duwan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtamid
(Moogtamid-da)
Kaltamid; meertaysi; jilaysi; miilaysi; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogtamid
m.f.dh eeg moogtan². la-mid: moogtan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogtamid
-da: (magac, dhedig, keli) kaayaysi; wax ku kaltamid. Dh: kaltamid, kaalaysi, kaayaysi.
moogtamid -da: (magac, dhedig, keli) ogaan kari waayid, ogaal la'aan. Dh: moogtamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogoraacid
m.f.dh eeg hogoraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sogordahid
m.f.dh eeg sogordah². la-mid: sogordah¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sogordahid
-da: (magac, dhedig, keli) qarin. Dh: maldahid. cadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbartamid
m.f.dh eeg barbartan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbartamid
-da: (magac, dhedig, keli) barbar dhicid; natiijo isku mid ah keenid. Tartanka u dambeeya barbartamid lama oggola ee waa in midi badiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardootamid
m.dh la-mid: bardooddamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryootamid
m.f.dh eeg baryootan². la-mid: baryootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryootamid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta hoos dhigasho dad kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootamid
(Gaafootamid-da)
Gaafeysi; kaltamid; toogaysi; jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafootamid
m.f.dh eeg gaafootan². la-mid: gaafootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafootamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qofba kol qabto oo lagu kaltamo. Dh: kaayaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsamid
m.f.dh eeg maroorsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u xoodmid oo u qalloocsamid. Dh: qalloocsamid, xoodmid. Li: toosmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yooyootamid
(Yooyootamid-da)
Caraatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yooyootamid
m.f.dh eeg yooyootan². la-mid: yooyootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yooyootamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar yooyootan ah isla ciyaarid, Yooyootamiddii waxaa ku badiyey gabdhihii. Dh: caraatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraartamid
m.f.dh eeg asaraartan². la-mid: asaraartan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraartamid
-da: (magac, dhedig, keli) dafiraadda wax la isku hayay isku tuurtuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagtamid
m.f.dh eeg cargaagtan². la-mid: cargaagtan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darooryaamid
m.dh la-mid: darooryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darooryaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno lahayn iskaga hadaaqid. Dh: duryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farafootamid
(Farafootamid-da)
Legdan farafootan ah, legdamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafootamid
m.f.dh eeg farafootan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafootamid
-da: (magac, dhedig, keli) farasheegasho oo badi ku faanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faratootamid
-da: (magac, dhedig, keli) legdan farafootan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foohaartamid
-da: (magac, dhedig, keli) si isla weyni ku jirto, isku qaadqaadid. Dh: foohaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolaaftamid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal beenbeen ah muujin. Dh: baalaxooftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartamid
(Cartamid-da)
Kulayl la rogrogmasho; karkarid; dhirfid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartamid
m.f.dh eeg cartan². la-mid: cartan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartamid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo wax la mid ah dartood, la kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugtamid
m.dh la-mid: cubtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) cukamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fongorid
(Fongorid-da)
Iin ama ceeb u yeelid; ceebayn; inta kale ka soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fongorid
m.f.dh eeg fongor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fongorid
-da: (magac, dhedig, keli) iin iyo ceeb u yeelid; ceebayn; inta kale ka soocid; tagkoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorarid
m.dh la-mid: foororid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarqarka sare qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatamid
(Gaatamid-da)
Socod gaatan ah, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatamid
m.f.dh eeg gaatan². la-mid: gaatan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod gaarrin ah; aayar u socod. Dh: gaatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabramid
m.f.dh eeg gabran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoomid
m.f.dh eeg garoon³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garoorid
(Garoorid-da)
Garoor noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garoorid
m.f.dh eeg garoor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
girgirad
-ka: (magac, lab, keli) wilaanwilad iyo rogrogmasho. Dh: wilwilad, giraangirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girgirid
m.f.dh eeg girgir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblamid
m.dh la-mid: gablamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goblamid
-da: (magac, dhedig, keli) gablan noqosho; ubad la'aan ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggomin
m.f.dh eeg goggomi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gongomin
m.f.dh eeg gongomi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaad
question word, vl. pron. when ... you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaad
de: when ... you?
lx: goormaad
ps: qw + vpro
xe: When do you take the medicine?
xv: Daawada gormaad cabtaa?
key: goormaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goortaan
(conjunction) during the time at which; while (waayl)-, when (ween) ~ waagaan. Ex: goortaan yaraa, waan ciyaar baadnaa; when (while) I was young, I was playful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorrosid
(Gorrosid-da)
Madaxa hoos u laallaadin, feker iyo islahadal aawadeed; gebida hoos u rogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorrosid
m.f.dh eeg gorros². la-mid: gorros¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntamid
m.f.dh eeg guntan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel guntan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurgurid
(Gurgurid-da)
Wax meel laga qaada hayo oo meel kale la geyna hayo, oo aan isku mar la qaadin ee hadba inta in yar la qaado, loo soo noqnoqona hayo; diqdiqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxamid
(Gurxamid-da)
Ci gurxan ah, ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxamid
m.f.dh eeg gurxan ².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn oo aan dhammaanayn ku hadlid. Dh: guryamid, gurxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guryamid
(Guryamid-da)
Hadal guryan ah tixid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guryamid
m.f.dh eeg guryan². la-mid: duryamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo aan milqo lahayn ku hadlid. Dh: duryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertamid
m.dh la-mid: hardamid.