gorfin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfin
m.f.dh eeg gorfi. la-mid: gorfis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfi
f.g2 (-iyay, -isay) Haan dhiil haruub, iyo wixi lamida hoore ka dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorin
(Gorin-ta)
(neef rimman) gor yeelasho; candhadu soo weynaansho bilaabid; habaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorin
m.f.dh eeg gori. la-mid: goris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorin
-ta: (magac, dhedig, keli) danbarka ku soo dhaca marka neefku shinkiisu dhowyahay. Godka lagu cadaabyeey hadduu dayn gorinta naaskeedu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofin
-ta: (magac, dhedig, keli) madhinta wax la madhiyo; dhammayn oo idlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfis
m.l la-mid: gorfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfayn
m.f.dh eeg gorfee. la-mid: gorfays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorfayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo ka baaraandegid. Xaajadu gorfayn bay u baahan tahay. Dh: gorfayn, lafagur, dhuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gororin
(Gororin-ta)
Goror ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gororin
m.f.dh eeg gorori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gororin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah meel ku shubid oo ku tiftifqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
morfiin
m.dh (-nno, m.dh) (daawo) Dawo aad u xoog badan oo xanuunka bi'sa keentana hurdo, waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo xanuun daran oo joogto ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
morfiin
m.dh (-nno, m.dh) (daaw.) Dawo aad u xoog badan oo xanuunka bi'sa keentana hurdo, waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo xanuun daran oo joogto ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
morfiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dawo aad u xoog badan oo xanuunka bi'sa keentana hurdo, waxaa loo isticmaalaa in lagu yareeyo xanuun daran oo joogto ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gori
f.mg2 (-iyay, -isay) Neef rimman gor keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gori
v. produce colostrum (pregnant animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gori
(fal) neef rimman gor yeelo. Dh: dhaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gori
de: produce colostrum (pregnant animal)
lx: gori
pd: (goriyey)
ps: v2a=
key: gori
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grin
/grin/ (n) 1. Ilka-caddayn ballaaran (v) 2. si-weyn u ilka-caddayn. e.g. Leyla grinned with pleasure when I gave her the candy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orin
(Orin-ta)
Or qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orin
m.f.dh eeg ori. la-mid: oris, orrin, orris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orin
-ta: (magac, dhedig, keli) sawaxan hees iyo socod isla socda ah samayn.
orin -ta: (magac, dhedig, keli) ku qaylin oo cid ka xishoodsiin. Orinta ka daaya shirka oo dhegaysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gifin
(Gifin-ka)
Wax yar; gibin; gaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gifin
gifin¹: m.l la-mid: gaban¹.
gifin²: m.dh la-mid: gaban².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gifin
m. n. small thing ~ amount
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gifin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yar; gibin; gaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gifin
a: gaban ~ gibin
de: small thing ~ amount
lx: gifin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m, n3-f
key: gifin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godin
(Godin-ta)
1. Qalab geedaha lagu jaro ama lagu qoro: waxay leedahay daab la qabto oo dheer iyo gar bir af leh ku dhex jira; godimmo.
2. (xiddigo) xiddigaha raqaha tan ugu horraysa; waxay ka kooban tahay saddex xiddigood (faraaci, foocaar iyo fiidarro); (ama gudin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godin
m.dh (-dmo, ml.) 1. la-mid: godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. la-mid: godan¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godin
m.dh (-dmo, ml.) 1. la-mid: godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. la-mid: godan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godin
f. n. axe, adze, implement for cutting ~ trimming wood
godin [feminine] n., loc. name of a star
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godin
-ta: (n) an axlike tool for cutting trees: adz or adze ~ faas, gudin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo xiddig oo midda yari godantahay; waa xiddiga labaad ee Miicaadda. Habeenkay bishu kaw tahay ee uu dayuxu la soo baxo, qofka dhasha waxa lagu yaqaan inuu noqdo qof weyd ah oo godan. Miicaada koobaad waa habeenka gugu kawsado. Dh: miicaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gonfi
m.dh Bir adag oo dhuuban oo sida godinta daab qori ah leh oo ceelasha; xabaalaha iyo wixi lamida lagu qodo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gonfi
m.dh Bir adag oo dhuuban oo sida godinta daab qori ah leh oo ceelasha; xabaalaha iyo wixi lamida lagu qodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofi
(fal) dhammee oo idlee; madhi oo waxba haku dhaafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorbi
-ga: (magac, lab, keli) waylo soo ababaya oo daaqista soo baranaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Nooc ka mid ah gorgorka oo ka weyn guduriga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gorfe
m.l (-fayaal, m.l/dh) Nooc ka mid ah gorgorka oo ka weyn guduriga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goris
m.l la-mid: gorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gotin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gotin
m.l (-nno, m.dh) Meel godan oo biyuhu fariistaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gotin
m. n. small depression caused by the sinking of soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gotin
-ka: (magac, lab, keli) meel godan oo biyuhu ay fadhiistaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gotin
de: small depression caused by the sinking of soil
lx: gotin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gotin
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Grain
Xabuub
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grain
/greyn/ (n) 1. badar (iniinaha la beerto oo la cuno sida qamadiga, galleyda iwm) (n) 2. jab-yar, xabbad, sida iniinyaha jariirta oo kale. e.g. a grain of salt. (n) 3. samayska dusha kore ama daliigyada shay ka samaysan yahay, siiba alwaaxda iwm.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grain
grain, n.m. - xubuub, sida badarka, sarreen, galleyda, masaggo, badar, hadhuudh
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
grain
n., iniin, -ti, messego, -adi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Groin
Darbi badeed
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
groin
(n) the area of the body found between the legs and at the junction between the trunk and legs, including the external genitals.
hoosta ama cawrada
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
groin
/grooyn (n) gumaar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
groin
groin, n.m. - sanka doofaarka
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
groin
n., sarcan, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurin
(Gurin-ta)
1. Wax guray ka dhigid.
2. (xoolo) neef irmaan, wax caanaha ka joojiya oo galoof ka dhiga kula kicid.
3. (la gurin) la dhammayn; salgaarid; la wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurin
m.f.dh eeg guri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, wax gudhan ka dhigid. Li: irmaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horin
(Horin-ta)
Koox; xayn; hormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horin
m.dh (-immo, m.dh) 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah. la-mid: hormo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horin
m.dh (-immo, m.dh) 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah; hormo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horin
f. n. group; platoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horin
-ta: (n) group (guruup)', squad (iskwaadh) ~ koox. hormo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horin
-ta: (magac, dhedig, keli) koox geel ah oo isla socota ama wada daaqaysa.
horin-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, qaabdhismeed ciidan oo ka kooban saddex unug. Dh: hurin.
horin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, koox ama xayn; hormo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horin
bw: hormo
de: group; platoon
lx: horin
pd: (-ta)
ps: n2c-f
syn: koox
key: horin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korin
(Korin-ta)
1. Wax dhashay ama yar dheefin si uu korriimadiisa u dhammaysto.
2. Meel sare gaarsiin, geyn, saarid.
3. Dhibaato ka bixin, ka saarid; nabadgelin; samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korin
m.f.dh eeg kori. la-mid: koris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korin
-ta: (n) raising (reeyzing)-, fostering; nurturing ~barbaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oofin
(Oofin-ta)
Ballan la qaaday fulin; dhammayn; gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofin
m.f.dh eeg oofi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofin
-ta: (magac, dhedig, keli) axdi ama ballan hore sidii ay ahayd u fulin. Oofinta ballantu waa waajib. Dh: gudid, buuxin, oofis. Li: burin.
oofin-ta: (magac, dhedig, keli) dhedig rimaya saarasho. Dh: rimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orrin
m.dh la-mid: orin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
coffin
/koofin/ (n) naxash (nacashka meydka).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
coffin
n., kafan, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darfin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinaca ka raacid. Dh: feedhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foofin
(Foofin-ta)
(xoolo) dibad u dareerin; daaq geyn; soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foofin
m.f.dh eeg foofi. la-mid: foofis, soofin, soofis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foofin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo daaq geyn. Dh: soofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbin
(Garbin-ta)
Garab ku dhufasho, ku riixid; horay u tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbin
m.f.dh eeg garbi². la-mid: garbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, garab ku riixid oo ku turfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcin
m.f.dh eeg garci. la-mid: garcis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garcin
-ta: (magac, dhedig, keli) sifo aan sharci ahayn ilmo kaga dhalid; uur wecel ah qaadsiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goblin
/goblin/ (n) jinni aad u-xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlin
(Godlin-ta)
Godlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlin
m.dh la-mid: godlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlin
-ta: (magac, dhedig, keli) naasaha irmaanka oo qof ama ilmo uu taataabto si uu u godlado. Hasha haddaanad lisayn ha godlinin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gónfio
agg. - bararsan, buufsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobin
m.f.dh eeg goobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goofid
(Goofid-da)
Goof noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goofid
m.f.dh eeg goof².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goojin
(Goojin-ta)
(geel, kd.) dabada kor u taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goojin
m.f.dh eeg gooji. la-mid: goojis, goojo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goojin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, dabada kor u taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosin
m.dh (-nno, m.dh) Hormo xoolaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosin
-ka: (magacwadareed) cawsha kooxda iskula socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gordan
Gorodda midab ku leh; gorod ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gordan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax madaxa midab ku leh ahaansho (neef riyo ah). 2. Wax qaarka hore madow ahaansho (neef ido ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gordan
der. [adjective] mottled, (animal) with head of a different color
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gordan
nickname; name-f mottled