gordis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gordis
-ka: (magac, lab, keli) wadaagga labo ilmood hooyo qudha wadaagaan; ri' waxari jaqayso oo ay naaskii kale na waxari qabsatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goris
m.l la-mid: gorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfis
m.l la-mid: gorfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qordin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardis
m.l la-mid: gaardiyid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaardis
-ka: (n) marching
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kordhis
kordhis¹: m.l la-mid: kordhin.
kordhis²: m.l Khudaar la cuno oo ka baxda dhul-beereedka, meelaha carro-madowga ah, waqtiga roobka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kordhis
m.l Khudaar la cuno oo ka baxda dhul-beereedka, meelaha carro-madowga ah, waqtiga roobka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kordhis
-ka: (magac, lab, keli) badin oo wax ku siyaadin. Dh: badis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gori
f.mg2 (-iyay, -isay) Neef rimman gor keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gori
v. produce colostrum (pregnant animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gori
(fal) neef rimman gor yeelo. Dh: dhaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gori
de: produce colostrum (pregnant animal)
lx: gori
pd: (goriyey)
ps: v2a=
key: gori
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gris
gris, adj. - midab boodhe ah; midab dameer oo kale; camaajiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oris
m.l la-mid: orin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg orin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadis
-ta: (magac, dhedig, keli) lacag ku baddalasho. Alaab gadis ayaan u imid suuqa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardi
m.l (-iyo, m.dh) Weel xoola lagu maalo. la-mid: gerdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerdi
m.l la-mid: gardi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
go'is
-ta: (n) the act of separating; separation (sapareeyshen) ~ kala go'is, go'niin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
go'is
de: getting detached, detachment
lx: go'is
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: go'is
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
go'is
انفِصَالَ إِنْعِزال، إِنْشِقَاقَ إِنْسَلَاحَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godid
(Godid-da)
Qaab godan u yeelid; wax godan ka dhigid; soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godid
m.f.dh eeg god².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u qodid; hoos u daloolin. Godid ayay u baahan tahay meeshu si biyuhu u fadhiistaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godin
(Godin-ta)
1. Qalab geedaha lagu jaro ama lagu qoro: waxay leedahay daab la qabto oo dheer iyo gar bir af leh ku dhex jira; godimmo.
2. (xiddigo) xiddigaha raqaha tan ugu horraysa; waxay ka kooban tahay saddex xiddigood (faraaci, foocaar iyo fiidarro); (ama gudin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godin
m.dh (-dmo, ml.) 1. la-mid: godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. la-mid: godan¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godin
m.dh (-dmo, ml.) 1. la-mid: godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. la-mid: godan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godin
f. n. axe, adze, implement for cutting ~ trimming wood
godin [feminine] n., loc. name of a star
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godin
-ta: (n) an axlike tool for cutting trees: adz or adze ~ faas, gudin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo xiddig oo midda yari godantahay; waa xiddiga labaad ee Miicaadda. Habeenkay bishu kaw tahay ee uu dayuxu la soo baxo, qofka dhasha waxa lagu yaqaan inuu noqdo qof weyd ah oo godan. Miicaada koobaad waa habeenka gugu kawsado. Dh: miicaad.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Goods
Badeecad, Mood
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
goods
n., alaabo, -adi, xoolo, -ihi, saman, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorbi
-ga: (magac, lab, keli) waylo soo ababaya oo daaqista soo baranaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfi
f.g2 (-iyay, -isay) Haan dhiil haruub, iyo wixi lamida hoore ka dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorin
(Gorin-ta)
(neef rimman) gor yeelasho; candhadu soo weynaansho bilaabid; habaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorin
m.f.dh eeg gori. la-mid: goris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorin
-ta: (magac, dhedig, keli) danbarka ku soo dhaca marka neefku shinkiisu dhowyahay. Godka lagu cadaabyeey hadduu dayn gorinta naaskeedu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowdi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aad u raadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowdi
-ga: (magac, lab, keli) aad wax u raadin oo doondoonid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horis
(Horis-ta)
Horid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horis
m.dh la-mid: horayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horis
vl. n. act of organizing animals in groups for watering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo loo shubaayey hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horis
de: act of organizing animals in groups for watering
lx: horis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: horis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koris
m.l la-mid: korin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koris
-ta: (magac, dhedig. keli) dheeraansho; weynaansho; koritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ordid
(Ordid-da)
Lugaha, degdeg socodka ka fudud oo ka dhaqso badan, u qaadid; roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ordid
m.f.dh eeg orod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ordid
-da: (magac, dhedig, keli) caymadid oo orod dheer cararid. Dh: roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orris
m.l la-mid: orin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qordi
f.g2 (-iyay, -isay) Ku q.: qof isku deyid in uu qof kale wax gacantiisa ku jiro la qaybsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qordi
(fal) cid kale wax aan ku fillayn ku weheli la wadaag. Gogosha ku gordi. Dh: wadaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoris
(Qoris-ta)
Qorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoris
m.dh la-mid: qorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoris
vl. n. writing; act of carving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoris
-ta: (n) the act of handwriting; penmanship; calligraphy ~ see also [eeg] qorid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qorid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoris
a: qorid
de: writing; act of carving
lx: qoris
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: qoris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodis
-ta: (magac, dhedig, keli) bootin samayn.
boodis -ta: (magac, dhedig, keli) ka cadhooshaha fikir la soo jeediyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doodis
(Doodis-ta)
Doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doodis
m.dh la-mid: doodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doodis
vl. n. argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg doodid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doodis
de: argument
lx: doodis
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: doodis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadis
(Gaadis-ta)
Gaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadis
m.l la-mid: gaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadis
vl. n. ambushing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadis
-ta: (n) the act of ambushing; ambush (aam buush); waylaying (weey leeying)', bushwhacking (bush waaking) ~ gaadmo, gaadniin, gaatin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kadis ah u qabasho ama wax u yeelid; u gabbasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadis
de: ambushing
lx: gaadis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gaadis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddis
m.l la-mid: geddis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaddis
Cambio; commercio; baratto
Trade; barter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddis
-ka: (magac, lab, keli) ganacsi samayn. Dh: rogrogad, ganacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbis
(Garbis-ka)
Garbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbis
m.l la-mid: garbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbis
vl. n. act of shouldering, shoving with one's shoulder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, garabka ku dhufasho ama ku riixid. Dh: garbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbis
de: act of shouldering, shoving with one's shoulder
lx: garbis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: garbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garcis
(Garcis-ka)
Garcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garcis
m.l la-mid: garcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddis
(Geddis-ka)
Rogrogad; ganacsi; geddisasho; doorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddis
m.l 1. Rogrogis; ganacsi. 2. la-mid: geddiyid. la-mid: gaddis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geddis
m.l 1. Rogrogis; ganacsi. 2. la-mid: gaddis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geddis
vl. n. change, exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg geddin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geddis
de: change, exchange
lx: geddis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: geddis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobis
(Goobis-ta)
Goobid; raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobis
m.dh la-mid: goobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobis
vl. n. act of searching, tracing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobis
-ta: (magac, dhedig, keli) daydayid; raadceyn.
goobis-ta: (magac, dhedig, keli) dibi, tun buuxin; tunweyni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobis
de: act of searching, tracing
lx: goobis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: goobis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goodir
(Goodir-ka)
1. Jaadadka geela mid kamid ah.
2. Ugaarta jaad kamid ah oo sida diirdiirta daliigo ku dhilan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodir
m.l 1. Ugaar weyn oo leh geeso dhaadheer oo marooqsan iyo diillimo dhinacyada kaga yaal. 2. G.ah: midab madow-xigeen ah oo geelu yeesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goodir
m.l 1. Ugaar weyn oo leh geeso dhaadheer oo marooqsan iyo diillimo dhinacyada kaga yaal. 2. G.ah: midab madow-xigeen ah oo geelu yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goodir
m. n., [collective] male kudu (antelope)
goodir m. n., [collective] dark gray color (of camel); camel species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Goodir
nickname-m as strong as male kudu (entalope); one with a dark gray color