gorayhaldhaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorayhaldhaa
-ga: (magac, lab, keli) gorayada labka ah. Gorayhaldhaa ayaa jooga beerta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhaa
-ga: (magac, lab, keli) gorayada keega lab. Dh: goray, gorayhaldhaa, haldherre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaldhac
-a: (magac, lab, keli) qorraxdhaca, makhribka hortii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaldhac
(Gabbaldhac-a)
Qorraxdhac; maqrib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaldhac
m.l Waqti qorraxdu sii dhacayso iftiinkeeduna gabaabsi yahay. la-mid: gabbaldhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbaldhac
m.l Waqti qorraxdu sii dhacayso iftiinkeeduna gabaabsi yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaldhac
vl. n., [compound] sunset
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbaldhac
-a: (n) late afternoon [before the sunset] casarliiq, gabbalgaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaldhac
-a: (magac, lab, keli) maqribka hortii yar; milayga ay cadceeddu sii dhacayso. Gabaldhac ayay noo yimaadeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbaldhac
de: sunset
lx: gabbaldhac
pd: (-a)
ps: vn2a-m-cmp
xe: at nightfall; Opp: qorraxbax
xv: gabbaldhicii
key: gabbaldhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaaldhal
-ka: (magac, lab, keli) neef mar bambe dhala; xoolaha dabadood dhalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garafadhla
-ha: (magac, lab, keli) midho qaranradu yeelato oo qoolaaban. Iniin xajiin leh buu hoosta ku yeeshaa. Garafadhlaha daayeerkaa jecel oo cuna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaraabildhaan
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo marka uu roobku da'o habeenkii soo baxa oo mar dhalaala marna dama, cayayaan iftiima habeenkii, nooc duula iyo nooc aan duulin ba leh. Dh: garabildhaan.