gor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gor
(Gor-ka)
Wax danbar la moodo oo neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca oo ku soo bata oo xididdada caanaha iyo qurxubta weyneeya; caanaha danbarka ka horreeya; danbar rib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gor
m.l Dambar horaadka neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca inta uusan dhalin ka hor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gor
m. n. colostrum (in female animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gor
-ka: (magac, lab, keli) caano sida xabagta u adag oo candhada neefka lo'da ah ee riman soo gala siiba qaalmaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gor
de: colostrum (in female animal)
lx: gor
pd: (-ka)
ps: n-m
key: gor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baayac
(Baayac-a)
Wax ganacsi u yaal oo qiimahooda la isweyddiiyo; gorgoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baayicid
(Baayicid-da)
Wax ganacsi u yaal, qiimahooda weyddiin; gorgorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqalye
(Baqalya-ha)
Gorgorka waaweyn jaad ka mid ah; (ama baqalyo iyo baqaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Coomaadi
(Coomaadi-ga)
Jaadadka gorgorka mid kamid ah; (ama coomaadde).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falanqayn
(Falanqayn-ta)
(hadal, arrin) caddayn; kala saarsaarid; kala dhigdhigid; ka faallayn; gelid; gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falanqo
(Falanqa-da)
(hadal, arrin) caddays; faallo; gorfays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqabsi
(Faraqabsi-ga)
1. Waxa yar oo u horreeya oo ganacsiga lagu bilaabo.
2. Ul ama jeedal ama tusbax ama wax kaloo la mid ah oo la qaato, si aan faruhu u gororin; farallaab.
3. Lacag waxyaalaha yaryar lagu gato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaad
(Gaad-da)
1. Geed geedaha isku rara oo bixiya miro la cuno; caan wuxuu ku yahay goroyadaa mirihiisa jecel.
2. Cayaar lagu cayaaro laamaha gaadda iyo leebab (fiddi); leeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeltoosiye
(Geeltoosiya-ha)
Gorgorka waaweyn jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goray
(Goray-ga)
Goroyada keeda lab; haldhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gordan
Gorodda midab ku leh; gorod ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgor
(Gorgor-ka)
Shinbir weyn oo jaadad badan u kala baxa oo wixii baqtiya cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgorin
(Gorgorin-ta)
Wax iib u yaal, qiimahooda cid weyddiin; baayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgoro
(Gorgora-da)
Waxa ganacsiga ah, sicirka ay joogaan oo layska waraysto; alaabada ganacsiga ah qiimeheeda oo lays weyddiiyo; baayac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgortan
(Gorgortan-ka)
Gorgortamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorin
(Gorin-ta)
(neef rimman) gor yeelasho; candhadu soo weynaansho bilaabid; habaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorod
1. (Gorod-ka) Neef gordan; madaxa midab gaar ah ku leh.
2. (Gorod-da) Midab kan oogada kale ka duwan oo madaxa ku kooban; madax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorof
1. (Gorof-ka) a) Weel duugoobey oo in wax danbe lagu qabsado gabay; weel waxtarkii laga soo laystay. b) Haruub; toobte.
2. (Gorof-ta) Sida da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorofleged
(Gorofleged-ka)
Lugta geela meesheeda lowga u eg oo jilifta leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorofsan
Sida weel gorof ah oo la nacay oo la xooray, meel iska yaal, isaga xooran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goor
(Goor-ta)
Waqti gudihiisa wax dhacaan ama waxyaalo dhacay u dhexeeya, oo loo qaybsho mid jooga, mid tegey iyo mid soo socda (tagto, joogto, timaaddo); waqti; waa; had; kol; shin; wesin; samaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goor
m.dh 1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. G.tiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goor
m.dh 1. Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; kol; xilli; waqti; ammin. 2. Goortiiba: isla waqtigii. 3. Goor ka goor ama ka goor ka goor: waqti ilaa waqti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goor
f. n. time, moment, occasion; occurrence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goor
-ta: (n) one of several instances; times (teeymis). Ex: meeqa goor? how many times?
goor dambe: later time (leeyter teeym) ~ waqti dambe
goor hore: (n) earlier time
goor kale: (n) another time ~ wakhti kale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goor
-ta: (magac, dhedig, keli) wakhtiga dhacdooyinka lagu tilmaansado oo u qaybsan mid tegay; mid jooga iyo mid soo socda. Dh: miley, waa', kol, had.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goor
cf: jeer, kol, mar, waqti, xilli
de: time, moment, occasion; occurrence
lx: goor
pd: (-ta)
ps: n1-f-time, n4-f
key: goor
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
goor
زَمَن وَفَّت
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gori
f.mg2 (-iyay, -isay) Neef rimman gor keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gori
v. produce colostrum (pregnant animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gori
(fal) neef rimman gor yeelo. Dh: dhaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gori
de: produce colostrum (pregnant animal)
lx: gori
pd: (goriyey)
ps: v2a=
key: gori
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gory
/goori/ (adj) dil iyo qalalaaso ka buuxo. e.g. a gory film.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowr
m.l Xubinta taranka haweenka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowr
-ka: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee haweenka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
go
/goo/ (v) 1. tagid, tag (v) 2. noqosho ama isu-beddelid. e.g. The food will go bad if it is not refigerated. (v) 3. la-dhigo, lugu xafido. e.g. The glass goes in the cupboard.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
go
v.i., tag, soco, baydh; go together, is raaca; let us go together, aan is raacno; I cannot go, ma tegi karo; he is gone, teg; they are gone, tagay; go that way, xagga u kac, dawgaa qabso; go on foot, lug ku soco; he has gone a journey, waa sodcaalay; how goes your health? caafimaadkaaga ka warran? so the world goes, dunidaa sidaas ah, or dunidu waa sidaa; how go your concerns? iska warran? so the report goes, warku waa sidaa; he went unpunished, casiraad la’aan buu ku tagay; let go, sii daa; let go the anchor, baroosinka sii daa; go about, wareeg, soo wareeg, soo warwareeg; go about the world, dunida soo wareeg; I shall go about it, waan kaga qaban; go about your business, orod oo shuqulkaaga qabso; such a report goes abroad, warkaas meel walba gaadhayaa or ka baxayaa; thou art able to go against him, ninka waa iska cadaadin karta or waa qaabili kartaa; go along, mar; go along the house, aqalka dhaaf, or aqalka hor mar; go along with..., ninka sii raac; he goes aside, gees buu u baydhayaa, or dawga xun buu qabsanayaa; he goes astray, waa is hallaynayaa; they go asunder, waa kala socdaan or soconayaan; go away, tag, iska tag, iska bax, guur, ina kala wad; he went away with a thing, wax buu la tagay; go back, noqo; go back with, la noqo; he goes back from his word, hadalkiisi buu asaraarayaa, or dafirayaa; go backward, dib u noqo, dib u soco; go before, hor soco, hor u mar, ka hore, go behind, dambee, ka dambee, go between, dhex gal; I went between them, anigu waa dhex galay; go beyond, ka shishay; go beyond the hill, buurta shishadeeda mar; they went beyond my hopes, intaan sugayay yay i dulmartay; go by, ag mar; I will see the prisoners go by, maxaabisti oo i ag maraysaa arki doonaa; the time goes by, goortu dhakhso u soconaysaa; the wind goes contrary to us, dabayshi baa ina haysa; go down, hoosta u deg, hoosta tag, u dhaaf; go down the stairs, sallaanka sii mar, sallaanka kasoo deg; go down again, deg mar kale; no meat will go down with him, midna or waxba ka degi maayo; the sun goes down, qoraxdi waa dhacaysaa; go first, horay, hor u soco, sii tag, sii soco; go for, u kac; go for help, qayla gee, or macaawinad u kac; go for the governor, serkaalka doon or u yeedh; he goes for a robber, tuug baa la moodaa; that goes for nothing, waxba kuma filla; he went forth, tamashlay teg; the news went forth yesterday, shalaa lugu warramay; he went forth last week, todobaadkii buu dhashay; go forward, horo u wad; he goes forward in learning, barashadiisii waa wadanayaa; go from, ka tag; he goes from the service (work), shuqulki buu ka tagayaa; go in, gal, u dhaaf; go near, u durug, ag tag, u dhowee; I went near to be devoured, in la igu liqo baan u dhowaaday; he went off yesterday, shalay buu dhintay; these goods will never go off, xoolahaasi kolley iibsami mayaan; hear the great guns go off, maqal! madaaficdi la rid; go on, soco, wad; he goes on an embassy, erguu u kacayaa; go on your way, dantaada raac; board the ship, markabka fuul; go on as you have begun, sidaad ugaga qabatay u wad; how does your business go on? dantaa or hawshaa ka warran? go over the river, durdurka ka talaab; he goes out of the way, dawgi buu ka baydhayaa, dawgi aan toosnayn buu marayaa; the fire goes out, dabkii wa bakhtiyayaa; go through the crowd, buuqa dhex mar; he went through many dangers, cabsi badan buu si dhex maray; go through the town, magaalada xul or soo xul; go round, xeer, meer, soo meer, kusoo wareeg, meerayso; make him go round, meeri, meermeeri; go to, tag, u tag, u bax, gaadh, u kac, u soco; go to Bulahar, Buulaxaar qabo; I shall not go to that price, ganacdaa gadi maayo; go up, sare u bax, dusha tag; go up and down, dul iyo hoosba mar; go upon him, aamin; go with, raac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Or
(Or-ka)
1. Dhawaaq dheer oo wadajir loo sameeyo (cayaar; dheelaas...).
2. (°) Dhar; maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
or
m.l (orar, m.l) Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ǫr
m.l (orar, m.l) 1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
or
or: m.l (orar, m.l) Cod wada jir ah oo dad meel fog jooga ka yeera.
ǫr: m.l (orar, m.l) 1. Dhar; maro. 2. Calal. 3. Bulka cawsa meyrada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
or
m. n. noise of a crowd, clamor; rhythmic chant
or m. n. cloth, rag
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
or
/oor/ (conj) ama (mise).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
or
-ka: (n) noise (nooyz); fracas (fareey-kas) ~ qaylo, sawaxan, buuq —Syn: din, racket, uproar, hubbub, clamor, babel, brawl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
or
-ka: (magac, lab, keli) heeso iyo sawaxan laga maqlo dhallinyar gudaysa ama odayo yake u socda. Or ayaa xaggaa ka baxaysa.
or-ka: (magac, lab, keli) bulka cawsa meyrada.
or -ta: (magac, dhedig, keli) calal, maro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
or
or, n.m. - dahab.
or, conj. - laakin; laakiin; haddii kale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
or
c., ama, amase, mase, mise.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
for
/foor/ (prep) 1. loogu tala-galay (calashaan). e.g. I bought this suit for you. (prep) 2. ulajeeddadu tahay (ajligeed). e.g. He fought for freedom. (prep) 3. ku-eg, u-jeeda e.g. the bus for New York (prep) 4. laga wado (ka macna ah). e.g. What is the Somali word for 'yes'? (prep) 5. inkastoo. e.g. For all her wealth, she did not seem happy. (conj) 6. sababtoo ah. e.g. He did not go out, for he was very ill.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
for
for, n.m. - wacyiga ama garashada qofka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
for
prp., u; for your sake, daraadda, aawadaa; for us, daraaddeen, aawadeen; for fear, he did not do that, baqdin buu wax la qaban waayay; for the present we have enough, haddadaan joogtaa nagu filan; for ever, goor iyo galab, weligii; they left him for dead, inuu dhintay baa la mooday, oo la iskaga yimi; how much did you sell it for? imisaad siisay? whom are you for? kuma or ayaa ku leh? conj., do not meddle with him, for he is a cheat, ha raacin ninkaa, waa nin khiyaane ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gar
1. (Gar-ka) a) Timaha ka baxa bushimaha hareerohooda iyo camanka iyo daamanka. b) Bir ama qori, kd., soo baxsan oo qaroofan, c) Garraarka dumarka. d) Doc; dhinac.
2. (Gar-ta) Abbaarta iyo xeerka, qof walba wax uu lee yahay ama uu jid u lee yahay ama uu mudan yahay, siiya; garsoor ku dhisan, eexasho la'aan; xaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gar
gar¹: m.l (-rar, m.l) 1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. la-mid: ger.
gar²: m.dh 1. Dood loogu xaqsoorayo laba dhinac oo arrin isku haya. 2. Daw; xaq.
gar³: f.g1 (-ray, -rtay) Caaradda ama afka astaan ama midab gaar ah uga yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gar
gar¹: m.l (-rar, m.l) 1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. la-mid: ger.
gar²: m.dh 1. Dood loogu xaqsoorayo laba dhinac oo arrin isku haya. 2. Daw; xaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gar
m. n. beard; chin; side
gar [feminine] n. lawsuit, case, verdict; justice, the law
gar v. make a mark on a camel's lip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gar
-ka: (n) 1. beard on a man's chin, beard (biirdh) ~ gadh. 2. chin (Jin)
gar -ta: (n) an attempt to bring about a peaceful settlement between disputants; mediation (mii-di-yey-shen); intervention (inter-viin-shen); arbitration (aar-bi-tareeyshen)
u garqaad -ay: (v) resolve or settle differences; arbitrate (aar-bi-tareeyt); mediate (mii diyeeyt) ~ dhexdhexaadi, u garnaq.
ka garbax -ay I day: (v) accept mediation (mii-di-yeysheri)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gar
Ragione
Reason
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gar
-ka: (magac, lab, keli) dhinac ama cidhif.
gar -ka: (magac, lab, keli) qaab ay dumarku guntiinnada ama garayska u xidhaan oo labo cidhif inta loo yeelo la isugu keeno garabka bidix dushiisa la iskuna gunto. Gararkeega goortay furtiyo marada gaaddaysan.
gar -ka: (magac, lab, keli) xadhig dheer oo adag oo heeryada lagu xidhxidho oo ka kooban dhudo badan oo la isku soohay.
gar -ka: (magac, lab, keli) eeg gadh.
gar -ta: (magac, dhedig, keli) dacwadda la isku hayo ee leh mudduci, muddaacaleyhi iyo guddi qaadda dacwadda ama garsoore. Gari labo nin kama wada qosliso. Gari Allay taaqaannaa. Gari labo nin kama wada qosliso. Gaal dil, gartiisana sii.
gar -ta: (magac, dhedig, keli) go'aan xaq ah oo guddi garyaqaanna ahi laba daraf oo is haya midkood siiyaan. Gar diid waa Alla diid. Li: gardarro.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gar
Sida garka xagalseetada, qallacshalwadka, qallac-bakooradka iwm.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gar
ذقن، لحْيَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ger
m.l (-rar, m.l) la-mid: gar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Go'
(Go'-a)
1. Wax labo cad ama ka badan u kala go'ay midkood; cad: jeex; gabal; qaar.
2. Maro labo qeyd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'
go'¹: m.l (-'yaal, m.l/dh) 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.
go'²: f.mg1 (-'ay, -'day) 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iyo wixi lamida meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
go'
go'¹: m.l (-'yaal, m.l/dh) 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.
go'²: f.mg1 (-'ay, -'day) 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iyo wixi lamida meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid. m.f.dh, go'id.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
go'
-ay / day: (v) 1. become separated in two pieces: break off (bareek of), cut off (kat of). Ex: xarrigii wuu go'ay; the rope had broken off. 2. die (dhaay), pass away
go' -a: (n) sheet (shiit), a broad rectangular piece of cloth serving as a basic article of bedding or clothing ~ maro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'
(fal) naftu ha kaa baxdo. Dh: dhimo.
go': (fal) (kala ~) labo u kala jaran. Xadhigaa go' wallee hashanaan gaawe laga buuxin.
go'-a: (magac, lab, keli) maro la huwado oo ballaadhan marmarna xarrago loo qaato. Wiilka go' baan u sidaa gabadhana guntiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gob
1. (Gob-ka) Geedaha waaweyn jaad kamid ah, oo miro wanaagsan oo la cuno leh.
2. (Gob-ta) (magac wadareed). a) Aan dadka hoose oo gunta ah kamid ahayn ee ka tirsan dad heer sare ah oo sidaa ku gaarey dhalasho ama doorasho la doortay; nasab. b) Dhalan iyo sansaan wanaagsan oo bulshannimo leh; door; wabar. c)* Aan ahayn dad la gumeysto ama la beelaysto; xor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gob
gob¹: m.l Geed-qodxeed dheer oo leh miro la cuno oo macaan oo ag kuwa xammurka.
gob²: m.dh.u 1. Qof dad la dhaqan wanaagsan oo asluub loo bogo leh. 2. G. ah: inta talada u haysa bulsho meel ku wada nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gob
gob¹: m.l Geedqodxeed dheer oo leh miro la cuno oo macaan oo ag kuwa xammurka.
gob²: m.dh.u 1. Qof dad la dhaqan wanaagsan oo asluub loo bogo leh. 2. G. ah: inta talada u haysa bulsho meel ku wada nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gob
m. n., [collective] fig tree
gob [feminine] n., [collective] nobles, aristocracy, the free born; high caste person
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GOB
(Gob) All. Som. Ziziphus mauritiana Lam. Rhamnaceae.
S Ziziphus hamur Engl. Rhamnaceae.
N, C Ziziphus spina-chisti (L)Desf. Rhamnaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gob
-ta: (n) 1. person belonging to a majority tribe, nobility (noobiliti) ~ laandheere. 2. name of a tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gob
(tilmaame) qof dhaqan wanaagsan leh; qof aad u wanaagsan. Dh: nasab. Li: gun.
gob -ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo qodax leh oo midho aad u macaan oo la cuno leh.
gob -ka: (magac, lab, keli) midhaha uu bixiyo geedka gobku.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gob
n., (small quantity of food) cantuugo, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
God
(God-ka)
1. Meel godan ama la godey.
2. Dalool dhulka ama meel kale laga sameeyey, ama ku yaal, siiba kan dadka iyo nafleyda kale qaarkeed qodaan ama qotaan; ~ hog; booraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
god
god¹: m.l 1. (-dad, m.l) Dalool dheer oo hulan oo dhulka ka samysma ama laga sameeyey. 2. Siddeed iyo tobanka hogood ee dayaxa midkood.
god²: f.g1 (-day, -dday) 1. Wax qalloocin. 2. Wax deri u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
god
god¹: m.l 1. (-dad, m.l) Dalool dheer oo hulan oo dhulka ka samysma ama laga sameeyey. 2. Siddeed iyo tobanka hogood ee dayaxa midkood.
god²: f.g1 (-day, -dday) 1. Wax qalloocin. 2. Wax deri u yeelid. m.f.dh, godid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
God
Tonne
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
God
Digit
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
God
Cave
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
god
v. bend, make crooked
god m. n. hole in the ground, burrow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
God
/gadh/ (n) Eebbe, Rabbi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
god
-ka: (n) hole (hool); opening (opining); perforation (peerfareeyshen). cave, burrow, ditch ~ hog.
godka macdanta: (n) the mine (maayn)
god -ay / day: (v) make a curved or angular shape: bend (beendh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
god
(fal) god hoos u hul; hoos u qod.
god: (fal) qallooci oo toosnaanta ka bi'i; wax godan ka dhig. Li: toosi.
god-ka: (magac, lab, keli) meel hoos ama dhinac loo qoday. God qarandi qodday dacawaa ku magac leh. Dh: hog.
god-ka: (magac, lab kali) meelaha ama manaasisha uu dayaxu fadhiisto ama dego ee samada. Godadka dayaxu waa; saddexda Miicaad, todobada Habarnaaf, afarta Kudxin, afarta Dirir, afarta Daalalo iyo lixda Cirir.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
God
n., Eebba or Eebbe, -ihi, Ilaah, Allaah, Wehel, -ki, Rabbi, -gi, lillaah, -hi; God bless you, khayr Allaah haku siiyo; God save you, Ilaahay hakuu sahlo; thanks to God, mahad Allaah; he makes a god of his belly, calooshiisi buu ilaah ka dhigayaa; God willing, I shall come back next week, haddii Allaah idmo todobaadka dambaan soo noqon; God helping, haddii Ilaah ii gargaaro, or haddii Ilaahay iila qabto; God forbid! God avert! Ilaahow naga hay! Ilaahow hanoo keenin!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gog
(Gog-ga)
Saanta dhinaca geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gog
gog¹: m.l (-gag, m.l) Dheegga geela saantiisa.
gog²: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. Wax is haysta, wax ka jarid. 2. Ka g.: Qaan horay loo qabay xoog cid uga godid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gog
m. n. camel's hide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gog
-ga: (magac, lab, keli) saanta labada dheeg ee geela laga bixiyo oo dabadeed qunbaha subagga lagu shubo laga dhigo. Goggii subagga laga dhoobi jirey, haatan gorofaadye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gog
de: camel's hide
lx: gog
pd: (-ga Pl: gogag (ga))
ps: n4-m
key: gog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gol
(Go-sha)
1. Dharka dumarka qaarki, sida marsiinada, inta laabta iyo naasaha iyo caloosha qarisa, gacanta midig hoosteedana ka furan; nabas.
2. (oogo) dhexda iyo lugtu kobtay isaga soo dhowaadaan; dhinac.
3. Dhul ku yaal webi dhinacyadiis.
4. Dhul qaniin leh.
5. Buuraha dhinacyadooda aan soo baxsanayn ee xagga gudaha isugu riixan.
6. Dhul dib u ceshan oo baddu soo gudaggasho; khoori; gacan: guho. 7. (Gol lahaan) ulajeeddo; u wadasho: dan; muraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gol
m.dh (-lo, m.l) 1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gol
m.dh (-lo, m.l) 1. Nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan. 2. Dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan. 3. Daaddegga buuraha. 4. Cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga. 5. Foorad. 6. Maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran; nabas. 7. G. lahaan: ujeeddo; dan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gol
f. n. side (of body); river bank; foot of a hill; slope; thick forest; fold ~ pleat in a woman's dress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gol
-gosha: (n) 1. a dense growth of trees or forest. 2. riverbank. 3. love handle ~ ganac, goljilic, xulus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gol
-sha: (magac, dhedig, keli) jidhka inta bogga ah ee laabta ilaa dhabta isku xidhan. Ilmaha gosha ku qabo.
gol -sha: (magac, dhedig, keli) dhul dib u ceshan oo ay baddu soo dhexgasho. Goshaa waxaa ku soo caaryey nibiri.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) dix yar oo buur kor u gasha; laagta buur ku taalla.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) nafleyda labadeeda dhinac oo jilicsan.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) dhul geedo badan oo qaniin leh oo xoolaha daaqaa ku jirradaan.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) daaddegga buuraha.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) cudur xoolaha ku dhaca oo ay ka qaadaan gendiga.
gol -sha: (magac, dhedig, keli) maryaha dumarka oo la maraarsado laabkooda hore oo caloosha ku abbaaran. Dh: nabas.
gol-sha: (magac, dhedig, keli) (~ lahaan) dan; ujeeddo.