goosimaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosimaad
-ka: (magac, lab, keli) daaq badan; caws badan oo meel ka baxay. Goosimaadka meeshii lahayd waa gelgelintaase.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogsimaad
m.l la-mid: doogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsimaad
-ka: (magac, lab, keli) deegaan, doog yeelasho. Meelihii aan soo maray doogsimaad ma lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoonsimaad
(Qoonsimaad-ka)
Saamayska wax qoonsiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonsimaad
m.l Shaki iyo kahsasho laga qaado wax la nabcaystay. la-mid: qoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoonsimaad
m.l Shaki iyo kahsasho laga qaado wax la nabcaystay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoonsimaad
vl. n. feeling bad, disappointment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoonsimaad
-ka: (magac, lab, keli) ka xumaan laga xumaado wax aan dhib looga jeedin. Dh: qensad, qoonsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoonsimaad
de: feeling bad, disappointment
lx: qoonsimaad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: qoonsimaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaad
question word, vl. pron. when ... you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaad
de: when ... you?
lx: goormaad
ps: qw + vpro
xe: When do you take the medicine?
xv: Daawada gormaad cabtaa?
key: goormaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorimaad
-da: (magac, dhedig, keli) aayadaha Quraanka dhammaadkoda ama dhextaallada heesaha wadajir u wada qaadid; hoorin; hooris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxsimaad
-ka: (magac, lab, keli) caanaha oo aan neefka laga lisin ama laga nuugin muddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolibaadh
-ka: (magac, lab, keli) ciidanka marka shiishka la barayo rasaasta ay tababar ahaan yoolbeenaadka ugu ridaan. Goolibaadhka ciidanku waa buurta hoosteeda oo aan dad iyo xoolo toona joogin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorrimaad
m.l 1. Inta uu da'ayo roob curtay. 2. Tifqidda muddo hoore tifqayo. 3. la-mid: hoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosad
(Goosad-ka)
Goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosad
m.l 1. Koox ari ah oo lumay. 2. la-mid: goosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosad
vl. n. cutting for oneself; secession
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku dhegsan, ka soo rujisad.
goosad -ka: (magac, lab, keli) jarasho wax mar hore lagugu dhuftay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosad
de: cutting for oneself; secession
lx: goosad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: goosad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaa
question word,: when?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaa
de: when? = goor + -ma + baa
lx: goormaa
ps: qw + focus
key: goormaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosaar
goosaar¹: m.dh la-mid: koosaar¹.
goosaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: koosaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosaar
f. n., (mass n.): sauce; condiment, seasoning, flavoring
goosaar v. flavor, season (food), dress (a salad)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goosaar
-ta: (n) food served after the main meal, such as salads or ice cream ~ koosaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosaar
-ta: (magac, dhedig, keli) iidaanka sida subagga iyo caanaha. Sixinkaannu gadannaa, ama kayd la geliyaa, goosaar ka dhigannaa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GOOSAAY
(Gossai) NFD Givotia gosai Redc-Sem. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosmid
m.f.dh eeg goosan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaad
-ka: (magac, lab, keli) xagga hoose xigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aysimaad
-ka:( magac, lab, keli) quus aan waxba la rajaynayn. Ilaah kuma xamdiyo ruux hadduu aysimaad wada e'. Dh: rajobeelid, ayaandarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaan
question word, vl. pron. when ... I?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaan
de: when ... I?
lx: goormaan
ps: qw + vpro
xe: When am I going to see her?
xv: Iyada goormaan arkayaa?
key: goormaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosarad
(Goosarad-da)
Min timir ah; (ama koosarad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosarad
m.dh (-do, m.l) Timir 25 kiilo ah oo callaal, jawaan iyo wixi lamida ku jirta. la-mid: koosarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosarad
f. n. bunch of dates
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosarad
de: bunch of dates
lx: goosarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: goosarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooshaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gudin yar oo wax lagu qoro. Gooshan ayaan ku qoray boodaanta. Dh: quraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosiman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hoosin loo yeelay ahaansho (guro awr).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusimaad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan barakaysnayn; aan khayr qabin. Dh: khayrlaawe.
uusimaad -ka: (magac, lab, keli) marka la la laayo dad ama la dooxdooxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasiraad
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeellayn oo dhib u geysasho. Dh: dhayalsi, waxyeellayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg goobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodircad
m.l Midab geel oo ah madow caddaan ku badan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolibaar
-ka: (magac, lab, keli) meesha lagu dhoogtamo.
goolibaar -ka: (magac, lab, keli) meel col joogey oo dad soo hubiya loo diro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonidaaq
-a: (magac, lab, keli) biciidka lab. Cirka mari markaad gooni daaq cududaha u saarto. Dh: saryan.
goonidaaq-a: (magac, lab, keli) xayawaanka aan kuwa kale raacine gaar ahaan u socda inta badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoositaan
-ka: (magac, lab, keli) hoos iyo hadh u yeelitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korrimaad
vl. n. ascent, ascending, ascension; hill, incline
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korrimaad
-ka: (magac, lab, keli) waynaanshaha iyo barbaarista qof yaraa. Dh: koritaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korrimaad
de: ascent, ascending, ascension; [ext.] hill, incline
lx: korrimaad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: korrimaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moositaan
-ka: (magac, lab, keli) ciid daad celisa dhinac u rogitaan: moos uu daad maroamayn. Dh: moosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oollimaad
(Oollimaad-ka)
Meel ku sugnaan, degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oollimaad
m.l la-mid: aallid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oollimaad
m. n. habitation, state of being in a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollimaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg oolliin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oollimaad
de: habitation, state of being in a place
lx: oollimaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: oollimaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toositaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdada ka kicitaan. Dh: baraarugitaan
toositaan -ka: (magac, lab, keli) si aan baydhbaydh lahayn u socod. Dh: qumitaan.
toositaan-ka: (magac, lab, keli) wax toosan noqod, hagaagitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goolibbaadh
m. n. rifle range, target
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goolibbaadh
de: rifle range, target
lx: goolibbaadh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: goolibbaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonidaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan, kelidii daaqid ama qadhaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloositaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aloosid. aloosnaan -ta: (magac, dhedig, keli) xaaladda qabanqaabo iyo isku diyaarinta hawl taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bootimaale
(Bootimaala-ha)
Cayaar ku dhisan booddo jaadad badan leh; bootin-cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bootimaale
m.l Tartan lagu tartamo bootin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bootimaale
m. n., [collective] dance characterized by much jumping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bootimaale
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar geed, ood ama meel sare laga boodo. Bootimaale kaalay aan ciyaarnee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bootimaale
de: dance characterized by much jumping
lx: bootimaale
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: bootimaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsimaad
-ka: (magac, lab, keli) soofitaanka xoolaha la geeyo meel daaq leh. Daaqsimaad badan ayuu dhulku leeyahay. Dh: daaqsimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsimaad
(Diirsimaad-ka)
Kulayn aan badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsimaad
m.l la-mid: diirimaad (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirsimaad
m. n. warmth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsimaad
-ka: (magac, lab, keli) kulaylin aan badnayn. Dab dhaxani ka dambaysaa diirsimaad ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirsimaad
de: warmth
lx: diirsimaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: diirsimaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuushimaad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, meel sare gaadhsiin. Dh: fuullimaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobxaarad
(Goobxaarad-ka)
Goobxaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobxaarad
m.l la-mid: goobxaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobxaarad
-ka: (magac, lab, keli) wax la doonaayo in la sameeyo ama loo gol leeyahay, waddada u si bannaysasho. Dh: gogoldhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goolibbaar
goolibbaar¹: m.l la-mid: goonnibbaar¹.
goolibbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: goonnibbaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goolibbaar
v. search someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goolibbaar
a: goonnibbaar
de: search s.o.
lx: goolibbaar
pd: (goolibbaaray)
ps: v1=tr
key: goolibbaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goolkalaad
m. n., [compound] goal-kick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goolkalaad
de: goal-kick
lx: goolkalaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: goolkalaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooniddaaq
m.l.kh G. ah: neef xoolo ah ama ugaar oo kelidiis gaar u daaqa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gooniddaaq
m. n. animal that grazes by itself; solitary ~ isolated person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gooniddaaq
de: animal that grazes by itself; [ext.] solitary ~ isolated person Alt sp: goonidaaq
lx: gooniddaaq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: gooniddaaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goonnidaaq
m.l G. ah: biciid, deero, geri iyo wixi lamida oo aan la daaqin raxan ee cidlajoog ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurisamaad
m.l Degaan barwaaqo iyo nabad leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurisamaad
m. n. thriving and hospitable ~ welcoming place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurisamaad
-ka: (magac, lab, keli) xilli barwaaqo ah guriga la deggan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurisamaad
de: thriving and hospitable ~ welcoming place Pl: guryosamaad (ka)
lx: gurisamaad
pd: (-ka)
ps: np-m
key: gurisamaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hooshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosimasho
m.f.dh eeg hoosimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosinnaan
m.f.dh eeg hoosiman. la-mid: hoosinnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooshidda lafteed. Dh: qooshniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirsimaad
m.l la-mid: tiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsimaad
-ka: (magac, lab, keli) roob da'a inyar ku qaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goolibbaarid
m.dh la-mid: goonnibbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaad
-da: (magac, dhedig, keli) taariikh iyo xusuus. Gamaaddaada muunee haddaad geeri huri waydo. Dh: sumcad.
gamaad -da: (magac, dhedig, keli) xayndaab xabaalaha lagu wareejiyo; ood xabaalaha lagu meegaaro. Xabaalaha gamaaddii way ka dhammaatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidaad
(Gidaad-ka)
(xoolo, kd.) Gedaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaad
gidaad¹: m.l la-mid: gadood¹.
gidaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: gadood².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gidaad
m. n. anger
gidaad v. be angry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidaad
(fal) uga quuso si necbaani ku jirto. Haddaad maanta goob joogi layd kama gidaadeene.
gidaad -da: (magac, dhedig, keli) haanta caanaha lagu lulaa markay subagga cunto ee ay culayga u baahato.
gidaad -da: (magac, dhedig, keli) guhaadinta cid kale oo ay geydhi ka muuqato.
gidaad-ka: (magac, lab, keli) quusasho si necbaani ku jirto.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gobaad
name-f noble, aristocracy, high caste, free-born. Syn: Absame