gooryaanmiiq
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gooryaanmiiq
m.l.u (cilmiga naflayda) Deris ku nool ka tirsan qaybta la yiraahdo 'nematode' wuxuu ku noolyahay qaybta sare ee xiidmaha waaweyn dhediggu (12 mm.) way ka weyntahay labka. Dabada ayuu ka soo baxaa, ukuntiisana ku daadiyaa waana dhintaa. Haddii ukumaha qof liqo way dillaacayaan. Wuxu keenaa cudur caruurta addunka oo dhan ku dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooryaanmiiq
-a: (magac, lab, keli) deriskunool ka tirsan qaybta la yiraahdo 'nematode' wuxuu ku noolyahay qaybta sare ee xiidmaha waaweyn dhediggu (12 mm) way ka weyntahay labka. Dabada ayuu ka soo baxaa, ukuntiisana ku daadiyaa waana dhintaa. Haddii ukumaha qof ligo way dillaacayaan. Wuxu keenaa cudur caruurta addunka oo dhan ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooryaan-miiq
m.l.u (cilmiga naflayda) Deris ku nool ka tirsan qaybta la yiraahdo “nematode” wuxuu ku noolyahay qaybta sare ee xiidmaha waaweyn dhediggu (12 mm.) way ka weyntahay labka. Dabada ayuu ka soo baxaa, ukuntiisana ku daadiyaa waana dhintaa. Haddii ukumaha qof liqo way dillaacayaan. Wuxu keenaa cudur caruurta addunka oo dhan ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraamid
m.f.dh eeg gooraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gooryaanmulaax
m.l.u (c.nafl) Midkasta oo ka tirsan koox gooryaan ah oo kor dheer oo dhuuban leh, wuxuuna ku dul noolyahay xiidmaha dadka iyo lafdhabarleyda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooryaan-mulaax
m.l.u (c.nafl) Midkasta oo ka tirsan koox gooryaan ah oo kor dheer oo dhuuban leh, wuxuuna ku dul noolyahay xiidmaha dadka iyo lafdhabarleyda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraanji
-da: (magac, dhedig, keli) huga nooc ka mid ah. Baraanji nimaan xidhnayn bay dhaxani haysaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg booyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooransii
(fal) inaad qof u oggolaato in uu labo shay midkood qaato. Dh: doorransii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamid
m.f.dh eeg looyaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamin
m.f.dh eeg looyaami. la-mid: looyaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamis
m.l la-mid: looyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooraansi
(Qooraansi-ga)
Qooraansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraansi
m.l la-mid: qooraansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooraansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg qoollaalli qooraanso: (fal) eeg goollaalli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooyaamid
(Sooyaamid-da)
Qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooyaamid
m.f.dh eeg sooyaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid; sooyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamis
-ka: (magac, lab, keli) sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobyaalid
m.f.dh eeg goobyaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobyaalid
-da: (magac, dhedig, keli) socsocosho wax lagu raadinayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaannu
question word, vl. pron. when ... we [excl.]?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaannu
de: when ... we [excl]?
lx: goormaannu
ps: qw + vpro
xe: When are we going to start boarding?
xv: Goormaannu fuulidda bilaabi doonnaa?
key: goormaannu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooryoomid
m.f.dh eeg gooryoon².
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ceeryaan qilq
Smog