goondhabaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goondhabaale
-ha: (magac, lab, keli) hanjabaadda marka dibidu islaynayso. Goondhabaale badanaa wuxu. Dh: baalaxoofto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goondhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si boob ku jiro, hareeraha wax uga cunid ama uga jiidasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goondhabo
-da: (mgac dhedig, keli) dagaallanka labada dibi oo geesaha isla dhacaaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonnaale
-ha: (magac, lab, keli) naanaysta qof illa'. Dh: illaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) shey kolba hal u qaadasho. Dh: halhalaysi, haldhable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaale
m.l Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuldhabaale
-suuldhabaalaha: (n) the act of snapping one's fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) sanqarta ay sameeyaan suulka gacanta iyo fardhexada marka si xoog leh laysugu dhufto oo fardhexadu calaacasha kaga sanqadhiso; kindho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koor labaaley
Trapeziod, isosceles
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Suuldhabaale samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuldhabaalee
v. snap the fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalee
(fal) sanqadh suulka iyo fardhexada ka samee. Suuldhabaalee oo ha hadlin haddaaad waxba garan waydo. Waxaan Saatir kuu qorin, ha suuldhabaalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuldhabaalee
de: snap the fingers
initial: s
lx: suuldhabaalee
pd: (suuldhabaaleeyey)
ps: v2b=
key: suuldhabaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhable
m.l Gun, sal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhable
-ha: (magac, lab, keli) noolaha naasleyda ah.
candhable-ha: (magac, lab, keli) inta ay candhadu ku fadhido ama xubnaha caanaha la xidhiidha ee naasleyda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Dhabaale ku dhufasho. 2. Gubaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaalee
v. fight (of camels ~ cattle)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalee
(fal) awr, mid kale qallaxato ku qabo. Dh: qallacatee.
dhabaalee: (fal) cid guubabi oo dhiirrigelin ku kici. Dh: guubaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaalee
de: fight (of camels ~ cattle)
lx: dhabaalee
pd: (dhabaaleeyey)
ps: v2b=
key: dhabaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foondhaaf
(Foondhaaf-ka)
Buuxdhaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foondhaaf
foondhaaf¹: m.l.kh F. ah: weel qaadkiisa badar ka badan lagu shubay.
foondhaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Wax muggiisa badar ka badan lagu shubay noqosho (weel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foondhaaf
m. n., [compound] fullness to overflowing (of a measure)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foondhaaf
-ka: (magac, lab, keli) meelo bannaan oo shaxtus la buuxin lahaa dhaafsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foondhaaf
de: fullness to overflowing (of a measure)
lx: foondhaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: foondhaaf
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gonflable
gonflable, adj. - la afuufi karo; la buuxin karo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobataal
m.l Agagaarka meel la degganyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobohale
m.l/dh (-layaal, m.l/dh) (xisaab) Goobo ama kubbad leh gacan dhererkiisu le'egyahay hal halbeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Googgaale
(Googgaala-ha)
Hadal gaaban oo sida maahmaahda xaraf ku dhisan oo laysku xiro; habkiisu waa sidaan: — Qofka wax xiraya: googgaa; — Qofka la xirayo: cadale (ama wax kale); — Qofka wax xiraya: col ku diley ciidan mood; — Qofka la xirayo: waa qodaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgaale
m.l Halxiraale da'yartu isku maaweeliso, oo ay isku xujeeyaan sheegidda macnaha sarbeebta ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgaale
m.l Halxiraale da'yartu isku maaweeliso, oo ay isku xujeeyaan sheegidda macnaha sarbeebta ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googgaale
m. n. riddle, guessing game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgaale
-ha: (magac, lab, keli) sida maahmaahda hadal gaaban oo qaafiyad xaraf ku dhisan leh oo la isku halxidhaaleeyo habeenkiina lagu maaweelaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
googgaale
a: Person posing the riddle says 'Googgaa' and the guesser says 'Cadale' or 'Cigale'
de: riddle, guessing game
lx: googgaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: googgaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhabaaq
m.l Wax arkid la'aanta ilma xoolaad oo markaas dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogdhabad
-ka: (magac, lab, keli) marka meel roob ku da'ay biyo loo doonto. Doogdhabad ayey xoolihii ku maqanyihiin. Dh: doogsicarar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foondhaafi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax muggiisii badar ka badan ku shubid (weel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardaraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka kale ku gefa oo umeeya. Dh: gardaroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardhaalle
-ha: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee dhediga. Kurtimadoo ku gaamura iyo ha ku gudho gardhaallehu. Dh: siil, dhashi, gawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobohalle
-ha: (magac, lab, keli) goobo ama kubbad leh gacan dhererkiisu le'egyahay hal halbeeg.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gundhegale
Bir yar ama fure yar oo afar dhaban ah ee inta gundhaha duleelka laga geliyo lagula wareejiyo. Gundhegaluhu wuxuu ahaan karaa mid soolane ah ama gacanqabsi wata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhalaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan indhaha wax ka arkin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhalaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan indhaha wax ka arkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhalaawe
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan wax ba arkayn oo indhaha beelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Warqad turub oo ay ku sawiranyihiin toddoba calaamadood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toddobaale
m. n. seven (playing card)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobaale
-ha: (magac, lab, keli) wax toddoba gees leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddobaale
de: seven (playing card)
initial: t
lx: toddobaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: toddobaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foondhaafid
m.f.dh eeg foondhaaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foondhaafin
m.f.dh eeg foondhaafi. la-mid: foondhaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foondhaafis
m.l la-mid: foondhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goonnibbaar
goonnibbaar¹: m.l Wax toogashada lagu barto. la-mid: goolobbaar¹.
goonnibbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax xabbad ku ridid. la-mid: goolibbaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goonnibbaar
m.l Wax toogashada lagu barto. la-mid: goolobbaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goonnibbaar
v. search someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goonnibbaar
bw: goolibbaar
de: search s.o.
lx: goonnibbaar
nt: goonnibbaar (ka) [vn-m]
pd: (goonnibbaaray)
ps: v1=tr
key: goonnibbaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobdhaxaad
m.l R. ah: hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobdhaxaad
-ka: (magac, lab, keli) hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogdhabasho
m.f.dh eeg doogdhabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooldhabasho
m.f.dh eeg fooldhabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqandhaqaale
m.l Hab dhaqaale oo isku jaangoynaya bulsho hantideeda iyo nolosheeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaqandhaqaale
m.l Hab dhaqaale oo isku jaangoynaya bulsho hantideeda iyo nolosheeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqandhaqaale
m. n., [collective] socio-economics, study of the economy in society
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqandhaqaale
-ha: (magac, lab, keli) is kaashi dhaqaale oo la wada xoogsado oo midba waxa uu u baahan yahay uu ka kale ka helo; dhaqaalaha ku salaysan dhaqanka iyo nolsha bulshada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqandhaqaale
de: socio-economics, study of the economy in society
lx: dhaqandhaqaale
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: dhaqandhaqaale
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Noqod Hablaawe
Reflection, Diffused
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goojabeenaale
-ha: (magac, lab, keli) goojada hasha aan rimanayni samayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goollawaraabe
(Goollawaraaba-ha)
Bahal-higlo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goollawaraabe
m.l Bahalhiglo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goollawaraabe
m. n. wild dog species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goollawaraabe
-ha: (magac, lab, keli) dugaag yeyda u eg dacawadana ka yara weyn oo kooxkoox isku raaca. Dh: bahalhiglo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goollawaraabe
de: wild dog sp.
lx: goollawaraabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: goollawaraabe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goonnibbaarid
m.f.dh goonibbaar². la-mid: goolibbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looxdhamaanjo
-da: (magac, dhedig, keli) qori yar oo la qoray oo lagu shubto xabagta dhammaanjada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolobdhabasho
m.f.dh eeg qolobdhabo. la-mid: qolobdhabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalay
(fal) suuldhabaale samee; kindhay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqan-dhaqaale
-dhaqaalaha: (n) socioeconomics (soo-se-yoo-eke-noo-mikis); social and economic factors
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koor labaale ah
Isosceles trapezoid