goobada aartik
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goobada aartik
Arctic circle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobada-aartig
m.dh (juqraafi) Xarriq marta loolka 66° 32' ee woqooyi oo badanaa loo qaato 66° 30'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobada-aartig
m.dh (juqraafi) Xarriq marta loolka 66° 32' ee woqooyi oo badanaa loo qaato 66° 30'.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goobada Antaartik
Antarctic circle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tundura
m.dh (juqraafi) Bannaanada aan dhirta lahayn ee woqooyiga Maraykanka iyo woqooyiga yurayshiya, oo inta badan ku yaal goobada Aartik iyo dhinaca woqooyi ee kaynaha caleen irbadleyda, ma jiro gobol weyn oo dhigmaa kubbad-badhka koonfureed. Sannadka intiisa badan celceliska heerkul bileedku wuu ka hooseeyaa barta biyuhu ku barafoobaan, jiilaaladuna aad bay u dheeryihiin una qabow yihiin, dhulkana waxa qariya baraf, xagaayadu way gaabanyihiin oo diiranyihiin, laakiin xataa luulyo celceliska heerkul bileedku kor uma dhaafo 10° C ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tundura
m.dh (juqraafi) Bannaanada aan dhirta lahayn ee woqooyiga Maraykanka iyo woqooyiga yurayshiya, oo inta badan ku yaal goobada Aartik iyo dhinaca woqooyi ee kaynaha caleen irbadleyda, ma jiro gobol weyn oo dhigmaa kubbad-badhka koonfureed. Sannadka intiisa badan celceliska heerkul bileedku wuu ka hooseeyaa barta biyuhu ku barafoobaan, jiilaaladuna aad bay u dheeryihiin una qabow yihiin, dhulkana waxa qariya baraf, xagaayadu way gaabanyihiin oo diiranyihiin, laakiin xataa luulyo celceliska heerkul bileedku kor uma dhaafo 10° C ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobada-antaartig
m.dh (juqraafi) Xariiqda marta loolka 66°32' ee koonfureed oo badanaa loo qaato 66° 30'
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobada-antaartig
m.dh (juqraafi) Xariiqda marta loolka 66°32' ee koonfureed oo badanaa loo qaato 66° 30'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goroyakaxaaris
m.dh Gubtahanyo. la-mid: goroyoxaaris.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hoosad dayactir
Officina di riparazioni
Repair workshop
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ooogada carrada
Topsoil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulannada Kaartis
m.l (xisaab) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaa-leyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulannada Kaartis
m.l (xisaab) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaaleyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kulannada Kaartis
Cartesian coordinates