gondaqabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabsad
m.l la-mid: gondaqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabad

gondaqabso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: gondaqabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabasho
m.f.dh eeg gondaqabo. la-mid: gondaqabad, gondaqabsad, gondaqabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Luga qabasho. 2. Cid aad u baryid. la-mid: gondaqabso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaad
(Andaqaad-ka)
Arrin lagu heshiiyey, wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda oo la qaato; eedqaad; xilxanbaar; shaf-u-tun; u qoolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
andaqaad
andaqaad¹: m.l Dammiin; eedqaad. la-mid: andaqaadid.
andaqaad²: f.g1 (-day, -dday) Wax dammiinasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
andaqaad
v. guarantee, endorse, back; take the blame or responsibility for
andaqaad vl. n. guarantee; endorsement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
andaqaad
(fal) xil iyo eed dusho u rido.
andaqaad -ka: (magac, lab, keli) xil dhabarka u ridasho; arrin lagu heshiiyey, wixii xil ka yimaadda ama eed ka timaadda oo la qaato. Andaqaad baa aabbe walba looga fadhiyaa. Dh: eedqaad, xilqaad.
andaqaad -ka: (magac, lab, keli) dhegaysashada cabasho cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsad
m.l la-mid: dadabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsad
-ka: (magac, lab, keli) ka leexsashada qof habkii uu u dhaqmayey. Dadabsadka dadka waalan ka ilaasho carruurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsad
(Galabsad-ka)
Galabsasho; galabsi; mutaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsad
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabsad
vl. n. deserving; just deserts; earnings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsad
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe meel joogid. Dh: galabsasho, galabaysad, galabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabsad
a: galabsasho (/da) [vn6-f], galabsi (ga) [vn7-m]
de: deserving; [fig.] just deserts; [ext.] earnings
lx: galabsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: galabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabsad
(Garabsad-ka)
Garabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsad
m.l la-mid: garabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gargaarsi oo kaalmaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godobsad
m.l la-mid: godobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godobsad
-ka: (magac, lab, keli) godob ama aano ka gal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqaysad
(Naqaysad-ka)
1. Naq yeelasho.
2. Xulasho, doorasho, togasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysad
m.l la-mid: naqaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqaysad
vl. n. getting abundant rain and green grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysad
-ka: (magac, lab, keli) xulashada inta fiican. Naqaysad laguma iibinayo alaabra.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqaysad
de: getting abundant rain and green grass
lx: naqaysad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: naqaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunaqabad
(Cunaqabad-ka)
Hunguri qabasho si neeftu u soo bixi weydo; ceego; miijis; mirjis, sirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunaqabad
m.l la-mid: cunaqabatayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunaqabad
vl. n., [compound] act of strangling ~choking someone; sanctioning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunaqabad
-ka: (n) stranglehold (istraang gel hooldh) throttlehold ~ cunaqabatays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunaqabad
-ka: (magac, lab, keli) hunguriga qabasho, si neeftu u soo bixi weydo. Dh: ceejo, miijis, mirjis.
cunaqabad -ka: (magac, lab, keli) qofka had iyo jeer hadal iyo su'aalo badan dadka ku dhiba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunaqabad
a: cunaqabasho (/da) [vn-f]
de: act of strangling ~choking s.o.; sanctioning
lx: cunaqabad
pd: (-ka)
ps: vn-m-cmp
key: cunaqabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsad
m.l la-mid: gabaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax badnaa oo yaraada ama is dhima.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansad
m.l la-mid: go'aansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansad
-ka: (magac, lab, keli) go'aan qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansad
m.l la-mid: gaadaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntiqabad
-ka: (magac, lab, keli) meesha guntiga suunka lagaga xidho; miskaha iyo inta la siman oo isku wareeg ah. Dh: suunqabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsad
-ka: (magac, lab, keli) gacanta wax kaa durugsan ku soo qaadasho. Dh: gacantogaalayn, hankaabsasho, hankaabsi, laacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhaqabad
-ka: (magac, lab, keli) qof khaati laga joogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqaysad
(Sadaqaysad-ka)
Sadaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqaysad
m.l la-mid: sadaqaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaqaysad
vl. n. alms-giving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaysad
-ka: (magac, lab, keli) sadaqad la bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaqaysad
a: sadaqaysasho (/da) [vn-f], sadaqaysi (ga) [vn-m]
de: alms-giving
initial: s
lx: sadaqaysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: sadaqaysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaansad
-ka: (magac, lab, keli) xoodaan la dhicid oo macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqabsad
m.l la-mid: gacanqabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) bootindhisad samayn. Boodaalaysad bartaa ku lunta bowdana way ku jabtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardarraysad
(Gardarraysad-ka)
Gardarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarraysad
m.l la-mid: gardarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarraysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gardarro ku samayn. Dh: gardaraysasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gondwanaland
Qaaradii koonfureed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handallafsad
-ka: (magac, lab, keli) dugaag iyo wax la mid ah, orod addimada isweydaar loo qaadayo ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhacaysad
m.l la-mid: qundhacaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xankakaabsad
(Xankakaabsad-ka)
Xankakaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankakaabsad
m.l la-mid: xankakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankakaabsad
-ka: (magac, lab, keli) xaabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbaqaad
(Anbaqaad-ka)
Anbaqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
anbaqaad
m. n. starting point
anbaqaad v. start at a place, take ~ drive from a place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
anbaqaad
-ay / day: (v) resume (rizuum); begin or take up again after interruption ~ ambaqaad, dib u bilaabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbaqaad
(fal) wax aan hore u jirin, hadda billaw. Dh: ambaqaad.
anbaqaad: -ka: (magac, lab, keli) hawl hor leh, billaabid. Dh: ambaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabqabad
m.l Birqabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dala'sad
m.l la-mid: dala'sasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalabaad
-ka: (magacwadareed) codsiga heesaha iyo salaamaha lagaga dalbado idaacadaha iyo telefiishinnada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqabad
-ka: (magac, lab, keli) noole aan waddan lahayn oo meeshuu tegaba qabatima.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysad
* (Danaysad-ka)
Danaysasho; danaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysad
m.l la-mid: danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaysad
vl. n. following after one's own interests; self-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysad
-ka: (magac, lab, keli) dan la imasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaysad
a: danaysasho (/da) [vn6-f], danaysi (-ga) [vn2-m]
de: following after one's own interests; self-seeking
lx: danaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: danaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraasad
m.dh la-mid: daraaso, diraaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daraasad
f. n. study, studying, learning; lecture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daraasad
-da: (n) 1. study (istadhi)-, curricula; courses of study -manhaj. 2. investigation (investageey-shin); inspection (inispek-shiriy, research ~ diraasad, baaritaan, baaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasad
-da: (magac, dhedig, keli) cilmibaadhis lagu sameeyo mawduuc gaar ah oo si cilmiyaysan dhan walba looga eego. Dh: diraasad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daraasad
a: daraaso (/da) [n6-f]
cf: diraaso
de: study, studying, learning; lecture
lx: daraasad
pd: (-da)
ps: n1-f
xv: Arabic
key: daraasad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsad
m.l la-mid: dawarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsad
-ka: (magac, lab, keli) baryidda in cid kale wax ku siiso. Dadka qaar baa dawarsadka xirfad ka dhigtay. Dh: tuugsad, qarafaysad, baryootan, dawersad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodqaad
-ka: (magac, lab, keli) lacag yar oo loogu garnaqo dad is khilaafsan oo inta badan qaadka iyo shaaha loo isticmaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsad
m.l la-mid: gacalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsad
-ka: (magac, lab, keli) gacal ka dhigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhqaad
-ka: (magac, lab, keli) hoggaamin wax la wado. Awrku waa layli oo wali gadhqaad ma baran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganacsad
(Ganacsad-ka)
Ganacsasho; ganacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacsad
m.l la-mid: ganacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganacsad
vl. n. selling, doing business
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacsad
-ka: (magac, lab, keli) wax iib ah rogrogad. Dh: ganacsi, ganacsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganacsad
a: ganacsasho (/da) [vn6-f]
de: selling, doing business
lx: ganacsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: ganacsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandabid
m.f.dh eeg gandab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabcad
m.dh Shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garawsad
(Garawsad-ka)
Garawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedqaad
geedqaad¹: m.l 1. Geeda ka jaridda meel beer ah wax kale laga dhigayo. 2. G. ah: beer hal mar la geedqaaday. 3. la-mid: geedqaadid. la-mid: oodqaad¹.
geedqaad²: f.g1 (-aaday, -aatay) Geed ka jarid (dhul). la-mid: oodqaad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedqaad
geedqaad¹: m.l 1. Geeda ka jaridda meel beer ah wax kale laga dhigayo. 2. G. ah: beer hal mar la geedqaaday. 3. la-mid: oodqaad.
geedqaad²: f.g1 (-aaday, -aatay) Geed ka jarid (dhul). m.f.dh, geedqaadid. la-mid: oodqaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedqaad
v. clear (an area) of trees, deforest, prepare land for farming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedqaad
de: clear (an area) of trees, deforest, prepare land for farming
lx: geedqaad
pd: (geedqaaday)
ps: v1=tr
key: geedqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gisaasad
-da: (magac, dhedig, keli) muraayadda faynuuska ee dibaaradda dabaysha ka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondagal
gondagal¹: m.l Wax hoosta laga galo, si loo dugsado ama dhibaato loogaga gaashaansho.
gondagal²: f.g1 (-lay, -ashay) Wax hoosta ka gelid.