gondagelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondagelid
m.f.dh eeg gondagal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godgelid
m.f.dh eeg godgal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godgelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho: qabri gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gondadegid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin u dhaadhicid oo fahmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaddegid
m.f.dh eeg gondaddeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondagal
gondagal¹: m.l Wax hoosta laga galo, si loo dugsado ama dhibaato loogaga gaashaansho.
gondagal²: f.g1 (-lay, -ashay) Wax hoosta ka gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondolid
m.f.dh eeg gondol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudaggelid
m.f.dh eeg gudaggal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel furnayd gudaha u gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhagelis
-ka: (magac, lab, keli) maro si naasaha le'eg loo tolay, oo ay dumarku naasaha ku qariyaan ama maro naasaha xoolaha loogu xidho si aanay isku nuugin ama maqashu u jaqin. Dh: candhasaab, keesheli.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bondage
/baandhij/ (n) addoonimo (addoon ahaansho)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bondage
/boondej/ (n) addoong-nymy.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gondaal
-ka: (magac, lab, keli) saanta neef yar oo bakhtiyay laga bixiyay si hooyadii loogu godlisto oo loogaga maalo. Saca ha laga lisee gondaalkii soo hordhig. Dh: maqaar, gandaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodali
m.l (-iyaal, m.dh) Tol meyta xusaaya fadhiga uu jilib jilib u kala fadhiisto.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sondage
sondage, n.m. - baadhista; raadinta; si wax loo ogaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelid
(Fangelid-da)
Neef lagu joogo, qof labaad fuulid oo fanka fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelid
m.f.dh eeg falgal². la-mid: fangal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelid
-da: (magac, dhedig, keli) faras qof fuushan yahay, fankiisa fuulid. Dh: fansaarid, fangelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandabid
m.f.dh eeg gandab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelgelid
(Gelgelid-da)
In mar ka badan gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelgelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kolba gelid oo haddana ka bixid. Li: bixbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel gudaha u gelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid aanan sheeko kula lahayn, hadalkooga ku ku dhex dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudgelid
m.dh Duudgaloobidda. la-mid: duudgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantaalid
(Gantaalid-da)
Gantaal ku ridid, ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gantaal ku ridid ama ku dhufasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gentaglia
s.f. - dad xun, daaduf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gondagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn oo lugajarid. Dh: gonadgoyn, gomodgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogagelin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo la hayay, daal kasta ha lala soo maree, halkii lala rabay gaadhsiin.
hogagelin -ta: (magac, dhedig, keli) waanin oo dhinacyo badan wax ka tusid. Dh: waxsheegid, waanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgelid
m.f.dh eeg hoosgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oonbeelid
(Oonbeelid-da)
Harraadbeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oonbeelid
m.f.dh eeg oonbeel². la-mid: oonbeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oonbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ka dhergid, ka haqab beelid. Dh: harraadbeelid.
oonbeelid -da: (magac, dhedig, keli) oon xoolaad waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socdaalid
(Socdaalid-da)
Socdaal u bixid; safrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socdaalid
m.f.dh eeg socdaal². la-mid: sadcaalid, sodcaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socdaalid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u bixid; safrid; sacdaal dheer galid. Socdaalidda badan waad xanuusanaysaaye iska ilaali.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sondaggio
s.m. - baaris, u dhabbagelid (da).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SOO GELID
Carico
On charge

Soo gelid
Entrata, carico
On charge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardaagelid
-da: (magac, dhedig, keli) reero kale ardaagooga gelid, adiga oo guurdoon ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabgelid
m.f.dh eeg dadabgal². la-mid: dadabdhigid, dadabgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) aqalgalid oo aroos ku wareegid. Jimacaha ayaa dadabgaliddii arooska laga dhigay. Dh: aqalgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelid
m.f.dh eeg gacangal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gacanta uga gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacmagelis
m.l Harag, shiraac, balaastig iyo wixi lamida oo gacmaha la gashado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacmagelis
m.l Harag, shiraac, balaastig iyo wixi lamida oo gacmaha la gashado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabgelid
(Garabgelid-da)
Garab iyo tiir u noqosho; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabgelid
m.f.dh eeg garabgal². la-mid: garabgal¹ (2), garabgelyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac istaagid; ruux baahan caawin ama u hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golongolid
(Golongolid-da)
Dhib iyo hawl badan oo la galay, la qooxmid, la godasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golongolid
m.f.dh eeg golongol². la-mid: golongol¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golongolid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u gaajood oo la dhuubasho; dhib iyo hawl la dhuubasho. Golongolidda waxaa iigu wacan gaadhka aan ahay e. Dh: sarseermid, saranseermid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabad
m.l la-mid: gondaqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guriggelid
m.f.dh eeg guriggal². la-mid: guriggal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guriggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aroosgelid; aqalgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuragelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici kara noqosho. Dh: suuroobid, suurtaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhabeelid
m.f.dh eeg candhabeel². la-mid: candhabeel¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) xubinta caanaha ee naasley da, buktaan, iyo wixii la mid ah, dartood, u hawlgabid. Dh: candhabeelis.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gondwanaland
Qaaradii koonfureed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangelid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadgelyo helid. Ammaangeliddoodii bay Alle ku mahadiyeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardaaggelid
m.f.dh eeg ardaaggal². la-mid: ardaadhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballangelid
m.f.dh la-mid: ballanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid axdi la gelid oo wax kula ballamid. Dad isku kalsoon ayay ballangeliddu ku fiican tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhago'id
-da: (magac, dhedig, keli) caanabeelid; xoolaha oo dabargo'a ama abaar iyo aafo dhacda.
candhago'id-da: (magac, dhedig, keli) candhada xoolaha irmaan, barwaaqo ama lisid la'aan dartood, la go'id oo hoos u raaricid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardargelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl ku jirta xaalad wahsi ah ama dib'udhac ku yimid, awood iyo firfircooni ku kordhin. Li: ragaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangelid
m.f.dh eeg dhaqangal². la-mid: dhaqangal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangelid
-da: (magac, dhedig, keli) hirgalidda wax kolkiisii hore talo uun ahaa. Maanta ayay dhaqangelidda dhegeleydaasi bilaabaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalgelid
m.f.dh eeg dhaxalgal². la-mid: dhaxalgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod geeddi ah u wadid. Dh: hayaamin, qayaadin, geeddiyayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gendarmerie
gendarmerie, n.f. - qayb ciidamada Faransiiska kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondaqabsad
m.l la-mid: gondaqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonidaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan, kelidii daaqid ama qadhaabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guureggelid
m.dh la-mid: guurayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuraggelid
(Suuraggelid-da)
Wax dhici kara ahaansho, noqosho; suuroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuraggelid
m.f.dh eeg suuraggal². la-mid: suurtaggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraggelid
-da: (magac, dhedig, keli) meelmarid, wax maanku sixid. Suuraggelidda arrintu waa sugukuun. Dh: hirgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtagelid
-da: (magac, dhedig, keli) suurtoobid; suuraggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabbagelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhamaystiran: sidii la doonayey u fulid. Dh: taabbaggudid.
taabbagelid -da: (magac, dhedig, keli) wax taabbagal ah noqosho; hano qaadida. Dh: meelmarid, hanoqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerargelid
m.f.dh eeg weerargal². la-mid: weerargal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerargelid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal weerar ah galid oo cadawga kaga horrayn. Weerargaliddu qurshe ayay u baahan tahay.