golyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golyid
m.f.dh eeg goli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golyid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarid oo isla maaweelid. Carruurta golyidda ha ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boolyid
(Boolyid-da)
Si dhac ah oo aan bannaanayn u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boolyid
m.f.dh eeg booli².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boolyid
vl. n. robbing, looting, act of defrauding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolyid
-da: (magac, dhedig, keli) booli qaadasho: xoog xoolo dad kale kula wareegid. Xoolo boolyid lagu qaatay ma barakoobaan. Dh: dhacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boolyid
de: robbing, looting, act of defrauding
lx: boolyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: boolyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noolyid
(Noolyid-da)
Qof meel u socda, nooli siin ama ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noolyid
m.f.dh eeg nooli².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof meel tegaya kiro gaadid ka bixin
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gold
Dahab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gold
/goldh/ (n) 1. dahab (n) 2. midabka dahabka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gold
n., dahab, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goli
f.mg1 (-lyay, -liday; -lyi) La g.: nin naag u galmoosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg adyad.
alyid -da: (magac, dhedig, keli) moolisidda shaqo ama hawl la hayo. Alyidda sharikadaha waaweyn, wax baa loo soo bartaa. Dh: maarayn, alyis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galid
-da: (magac, dhedig, keli) meel gudaha u gaadhid.
galid -da: (magac, dhedig, keli) dugsi ama meel wax lag abarto, ku biirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, cid kale xalaal u ahaan inuu guursado. Dh: gayitaan, falxalaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelid
(Gelid-da)
Wax dhexdi ama gudihi gaarid, tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelid
m.f.dh eeg gal³. la-mid: galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelid
vl. n. entry, entrance, act of entering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelid
-da: (n) the act of entering ~ gelis-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelid
-da: (magac, dhedig, keli) gudaha gelid oo dhexda tegid. Gelidda xeryaha ciidanku amar la'aan waa halis. Li: bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelid
de: entry, entrance, act of entering
lx: gelid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: gelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyid
(Geyid-da)
(guur) kuf u ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyid
m.f.dh eeg gey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyid
-da: (magac, dhedig, keli) guur ahaan, labo isu qalma oo dhaqan iyo diin ahaanba isu bannaan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Go'id
(Go'id-da)
1. (xarig, dun, kd.) labo go' ama labo cad noqosho, jiidid xoog loo kala jiidey darteed.
2. Wax dhammaaday ama joogsadey ama iman waayey.
3. (ceel, balli, kd.) biyo ka dhammaansho; gurid.
4. Naftu ka bixid; dhimasho; geryoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'id
m.f.dh eeg go'². la-mid: go'niin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'id
-da: (magac, dhedig, keli) «kala labo u kala qaybsamid; kala tegid. Dh: gu'id.
go'id-da: (magac, dhedig, keli) wax markii hore socday is taagiddii. Dh: joogsi, dhammaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godid
(Godid-da)
Qaab godan u yeelid; wax godan ka dhigid; soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godid
m.f.dh eeg god².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u qodid; hoos u daloolin. Godid ayay u baahan tahay meeshu si biyuhu u fadhiistaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golli
(Golli-da)
Dawacada jaad kamid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golli
f. n., [collective] female fox, vixen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golli
-da: (magac, dhedig, keli) dacawada dhedig. Golli baa baraarkii naga laysay. Dh: dayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golli
cf: dawaco
de: female fox, vixen
lx: golli
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: golli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holid
(Holid-da)
Isku deyid; tijaabin; sharribid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holid
m.f.dh eeg hol. la-mid: holis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holid
-da: (magac, dhedig, keli) isku deyid; tijaabin; sharribid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolid
-da: (magac, dhedig, keli) safar ka nagaansho: socod loo bixi lahaa ka joogid. Dh: oolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooyid
(Ooyid-da)
Booyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooyid
m.f.dh eeg ooy. la-mid: booyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooyid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmayn iyo qaylin ciilkaambi ah oo ay keento xanuun, dilmo, murugo iyo wixii la mid ah. Nin dhintay ooyid kuma soo noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoyid
m.f.dh eeg qoy.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoyid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama rood dartood wax qoyan noqosho: dhardasho.Dh: qoyis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Solid
(Solid-da)
1. Hilib, dab korki, saarsaarid taniyo intuu ka bislaado; loos dab ugu dubid.
2. (biyo, hadal, ...) iska garasho, saamayn, waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
solid
m.f.dh eeg sol. la-mid: salid, solniin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Solid
Adke
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
solid
/solidh/ (adj) 1. adke (shay adke ah, oo dareere iyo hawo midna aan ahayn) 2. oo dhan (aan kala-go lahayn) 3. oo kaliya (aan wax-kale ku jirin; khaalis ah).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
solid
-da: (n) the act or process of roasting or broiling ~ dubid
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Solid
Adke ama dhadhaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib, dab korki saarsaarid tan iyo intuu ka bislaado; toos dab ugu dubid; solis.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
solid
a., adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tolid
(Tolid-da)
Dun iyo irbad ku kabid ama iskula kabid meel jeexan ama labo cad oo maro ah ama shiraac ama harag ama wax kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tolid
m.f.dh eeg tol². la-mid: tolniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tolid
vl. n. sewing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tolid
-da: (n) sewing (soowing); seaming (siim-ing); stitch (istiij); stitchery; the act of sewing ~ tolis, tolmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolid
-da: (magac, dhedig, keli) meel jeexan ama labo meelood oo maro ah ama shiraac ama harag ama wax kale ah dun iyo irbad isugu kabid. Tolida canbuurka wuu la raagay.
tolid-da: (magac, dhedig, keli) muquunin, qasbid.
tolid-da: (magac, dhedig, keli) hal qallaxid. Tolida hashu waa dhib. Dh: tolis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tolid
de: sewing
initial: t
lx: tolid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tolid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tolid
خياطة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyid
m.dh la-mid: ooyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyid
-da: (magac, dhedig, keli) baroorasho oo ooyid. Nin weyn haddaad tahay booyiddu waa ceeb. Dh: oohin, ooyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabyid
(Gabyid-da)
Gabay tirin; maansood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabyid
m.f.dh eeg gabay².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabyid
-da: (magac, dhedig, keli) gabay samayn; hal'abuurid maanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'rid
(fal) «u ~» cid aad kaalmadeeda u baahan tahay oo aan ku arkayn, go'aaga u lul.
go'rid: (fal) «u ~» labo col oo is haya, go' cad u taag si colaadda loo joojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlid
(Godlid-da)
Godol ka doonid; caano ka raadin; godlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlid
m.f.dh eeg godol². la-mid: godlin, godol¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlid
-da: (magac, dhedig, keli) godol ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goglid
(Goglid-da)
Gogol dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglid
m.f.dh eeg gogol².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goglid
-da: (magac, dhedig, keli) gogol fidin; wax lagu seexdo dhulka ku diyaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golcad
-da: (magac, dhedig, keli) cadceed casar joogta; qorraxdu marka ay casarka joogto ee ay ugu kulaylka badan tahay. Dh: golcas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmod
-ka: (magac, lab, keli) caanuhu marka ay aadka u dhanaanaan waxay u kala baxaan faar adag iyo biyo dhanaan, biyahaas ayaa golmod la yidhaahdaa. Golmod baa harraad u bi'in og.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golmud
m.l 1. Caano bur iyo biyo u kala miirmay. 2. Cudur idaha ku dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golmud
m. n., (mass n.): sour milk that has separated and is almost all whey
golmud m. n. disease of sheep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmud
(fal) qof ama xoolo gosha wax kaga mud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golrod
m.l Cudur ariga qoobabka ka gala oo marka arigu meel dhiiqo ah ama qoyan maro labada qoob dhexdoodu dillaacyo raafdillaac. la-mid: gommod¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golxad
m.l la-mid: golxob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golxad
m. n. large curved dagger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golxad
-ka: (magac, lab, keli) bir la afeeyay oo godan oo daab la qabsado leh oo raggu dhexda ku xidho laguna dagaalamo. Dh: golxob, billaawe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golxad
de: large curved dagger
lx: golxad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: golxob
key: golxad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobid
(Goobid-da)
Wax maqan ama lumay raadin, doondoonid, baadiggoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobid
m.f.dh eeg goob³. la-mid: goobis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Goobid
Ricerca
Research
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan baadigoobid. Goobidda hashu bil bay iga qaadatay. Dh: doodoonis, raacdayn, raadin.
goobid -da: (magac, dhedig, keli) dibi, tun buuxin; tunweyni; luqunta muruqyo waaweyn oo naaxay ku yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goofid
(Goofid-da)
Goof noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goofid
m.f.dh eeg goof².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goohid
(Goohid-da)
Ci gooh ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goohid
m.f.dh eeg gooh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere inta uu fadhiisto jaamuda sida sonkorta oo biyo lagu laaqay oo intay badatay fadhiisata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulfid
(Gulfid-da)
Guluf ku duulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfid
m.f.dh eeg guluf². la-mid: guluf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulfid
-da: (magac, dhedig, keli) guluf ku duulid; weerar weyn ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holcid
m.f.dh eeg holoc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holcid
-da: (magac, dhedig, keli) ololidda iyo bixid; hurid ama noolaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooyid
(Hooyid-da)
Wax la isa siiyey ama la isu soo taagey, qaadasho; wax hoo laysku yiri, qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooyid
m.f.dh eeg hoo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siinayo isku soo fiiqid. Dh: siin.
hooyid-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siiyey ama la iso soo taagey, qaadasho; wax hoo laysku yiri qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oollid
m.f.dh la-mid: aallid.