golmaranow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golmaranow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Golmaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golmaran
(Golmaran-ta)
(naag) aan uurka iyo araxda midna wax ku sidin; aan uurna lahayn carruurna nuujina hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golmaran
m.f.kh 1. Dheddig xoolaad ama dad oo aan uurkiisa ilmo ku jirin, caruurna nuujineyna. 2. Oori ciddoodi jirtay oo faramaran kaga timid. 3. Nin aan hub sidan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golmaran
f. n., [compound] childless woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
golmaran
-ah: (n) empty (emti); childless (jaayldhles); barren
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmaran
-ta: (magac, dhedig, keli) dhedig aan uurta waxba ku sidin irmaanna ahayn. Wadaadkii sidee uga gabbaday waa golmarantiiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golmaran
de: childless woman Lit: empty side
lx: golmaran
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: golmaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golmaranoobid
m.f.dh eeg golmaranow.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabanow
nickname-m young; lit: younger, baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gabanow
magac loo baxsho wiil da' yar ama u muuqda mid kuwa kale ka da'yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Hilib karis ka batay awgiis maraq noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
folkaano
m.dh (-ooyin, m.l) (jooloji) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
folkaano
m.dh (-ooyin, m.l) (jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Folkaano
Volcano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
folkaano
-da: (magac, dhedig, keli) god dhulka oogadiisa ku yaalla oo ay si laxaad leh uga soo boodaan dab dhaabyo kulul ah, danbas, uumi iyo qiiq kala jaad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaanow
(fal) xoolo, mid irmaan noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oommanow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nalfey wax oon haayo noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oommanow
v. be thirsty; be dry ~ arid (of land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oommanow
(fal) qof ama meel oomman noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oommanow
de: be thirsty; be dry ~ arid (of land)
lx: oommanow
pd: (oommanaaday)
ps: v3a=intr
key: oommanow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmadhan
-ta: (magac, dhedig, keli) haweeney aan uur lahayn ilmana nuujinayn. Labo dumarah ayaa halkan soo maray oo ay midi uurrey tahay midina golmadhan. Dh: golmaran, galoof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golroonow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Ka g.: cid libaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golroonow
(fal) (ka ~) dadka kale ka wax fiicnow oo ka qayb wanaagsanaw. Adaa curadehe Waaberiyoow walaalahaa ka golroonow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmarnaan
-ta: (magac, dhedig keli) uur iyo ilmo naaska jaqa ka madhnaan; haweeney aanan uur lahayn sabina nuujinayn. Dh: golmadhnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golkaqaniin
-ka: (magac, lab, keli) hasha kolka la lisayo cararta, ninka lisaya, kellida ka qaniinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodirmadow
m.l Midab geel oo ah caddaan madow ku badanyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaacsanow
(fal) welwel iyo walbahaar ku jir.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DOOMAAR-MADOW
(Domar-madu) S Cynodon dactylon (L) Pers. Gramineae.