ereyga

golekafuul

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

golekafuul

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) hal'abuur maanso tirin kara isaga oo aan u fikirin; abwaan marka ay talo ku soo booddo si dedeg ah suugaan u yidhaahda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

golakafuul

DHAFAN

m.l Gabay aan la soo diyaarin oo gole laga jeediyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caraatan

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ciyaarihii hore ka mid ah oo wiilal iyo gabdho ba suugaan la isku caayi jiray, aanse cadho iyo aano lahayn. Suugaan golekafuul ah ayay ku dhisnaan jirtey. Dh: yooyootan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ceerigaabo

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar loogu magac daray meeshii ay ka soo ifbaxday oo ahayd magaalada Ceerigaabo. Waa ciyaar lagu tumo jiib, jaan iyo sacab keliya oo leh heeso golekafuul ah oo aad u xiiso badan. Dh: ceerigabaawi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gorgorafuul

DHAFANDHAAF

m.l Gorgoro been ah oo beec lagu kordhiyo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gorgorafuul

DHAFANDHAAF

m.l Gorgoro been ah oo beec lagu kordhiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

doleful

DHAFANDHAAF

/dhoolfal/ (adj) murugaysan, himmad-xun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabakafuul

DHAFANDHAAF
1

(Dabakafuul-ka)

2

Wiil baabuurka xoojiya oo meel walba u raaca, aan wadinse; wiil shufeerka hawsha baabuurka ka xiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabakafuul

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iyo wixi lamida ee baabuurka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dabakafuul

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iyo wixi lamida ee baabuurka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dabakafuul

DHAFANDHAAF
1

v. climb on the back (of camel, truck, etc.)

2

dabakafuul m. n., [compound] boy helper on a truck ~ bus

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

dabakafuul

DHAFANDHAAF

-ka: (n) a boy who assists or helps the driver of a truck or a bus

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabakafuul

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wiil baabuurta ka xoogsada oo meel walba u raaca aanse wadin. Dh: kirishbey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

molikiyuul

DHAFANDHAAF

m. n., [collective] molecule

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

molikiyuul

DHAFANDHAAF

-ka: (n) [Chemistry] molecule (mal'i kiyuul) ~ mulikiyuul

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

molikiyuul

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) tiro atamyo ah oo isku xidhma marka uu falgal kimikaad ka dhex dhaco.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

molikiyuul

DHAFANDHAAF
1

de: molecule

2

lx: molikiyuul

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-col

5

syn: jiriir {Eng}

6

key: molikiyuul

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Allekafurad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) gaaloobid iyo Diinta Islaamka ka bixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

moolikiyuul

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) (kiimika) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

moolikiyuul

DHAFANDHAAF

m.l (-llo, m.dh) (kiim.) Saxar samaysma marka atammo isugu tagaan saami tiro idil.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Moolikiyuul

DHAFANDHAAF

Molecule

waa la naqliyay ✓