golejoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golejoog
-ga: (magac lab keli) nin meesha lagu arrinsado aan ka dhammaan oo goleyaasha ka arrimiya ama dhegeysta oo wax ka korodhsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waayaaragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof dhegeysi badan oo sheekooyinka iyo xigmadaha odayada golaha fadhiista ururiya. Rag waa geedjoog ama golajoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobjoog
m.l Qof dhacdo markay dhacday ogaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goobjoog
m.l Qof dhacdo markay dhacday ogaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobjoog
m. n., [compound] (adj.): witness, observer; present
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goobjoog
-ga: (n) eyewitness (eey wit nes); present
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobjoog
-ga: (magac, lab, keli) qof joogay meel ay wax ka dheceen ama ka dhacayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobjoog
de: witness, observer; [atr.] present
lx: goobjoog
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: goobjoog
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
goobjooge
attendant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobjooge
-ha: (magac, lab, keli) eeg goobjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonijoog
-ga: (magac, lab, keli) gaar u socod; neef aan xoolaha kale raacin oo kelidii daaqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colmoog
-ta: (magacwadareed) cid aan waxbal ogayn oo dhallaannimo ama maangaabnimo wax socda aan war ka hayn. Carruuri waa colmoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
docjoog
-ta: (magac, dhedig, keli) xayawaanka inta deriskunoolka ah sida xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duljoog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iyo wixi lamida iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duljoog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iyo wixi lamida iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin. m.f.dh, duljoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duljoog
v. stand by, be close to; assist someone, guard something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duljoog
-ay / tay: (v) stand by (standh baay), be ready or available to act ~ dulfadhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duljoog
-ga: (magac, lab, keli) eeg dulfadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duljoog
de: stand by, be close to; [ext.] assist s.o., guard s.t.
lx: duljoog
pd: (duljoogay)
ps: v1=tr
key: duljoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goldoox
goldoox¹: m.l 1. Goldillaacinta neef dhali waayey gosha laga dillaaciyo, si ilmaha looga soo saaro. 2. G. ah: ilmaha gosha laga soo bixiyo. 3. la-mid: goldooxid.
goldoox²: f.g1 (-xay, -xday) 1. Dheddig dhali waayey golkadillaacin si ilmo looga dhaliyo. 2. Arrin qarsoodi ah kashifid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goldoox
goldoox¹: m.l 1. Goldillaacinta neef dhali waayey gosha laga dillaaciyo, si ilmaha looga soo saaro. 2. G. ah: ilmaha gosha laga soo bixiyo.
goldoox²: f.g1 (-xay, -xday) 1. Dheddig dhali waayey golkadillaacin si ilmo looga dhaliyo. 2. Arrin qarsoodi ah kashifid. m.f.dh, goldooxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goldoox
v. stab in the side; perform a caesarean section on someone
goldoox v. inquire into (in an indirect way); divulge (a secret)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goldoox
-ay /day: (v) perform a C-section (sii sakshen); cesarean section
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goldoox
(fal) dhinaca ka jeex oo wixii uurkujirta yaalla gaadh.
goldoox -a: (magac, lab, keli) ilmaha laga soo saaro docda hooyadii ee aan u dhalan sidii caadiga ahayd. Gabadh baa wiil laga goldooxay.
goldoox -a: (magac, lab, keli) harrar dhuuban oo lagu dhiso aloolka iyo harrarka ka sarreeya dhexdooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golmoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: goommoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golmoon
der. [adjective] famished, reduced to hunger, starved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmoon
(tilmaame) mid baahan oo gargaar raba. Waa inaad martida tii golmoon gogosha siisaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golmoon
a: goommoon
de: famished, reduced to hunger, starved
lx: golmoon
pd: (golmoonaa)
ps: adj-der
key: golmoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoog
f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horjoog
f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid. m.f.dh, horjoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horjoog
v. lead, guide
horjoog v. stop, obstruct
horjoog m. n., [compound] forward (in football)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horjoog
(fal) waardiyee; kormeer.
horjoog -ga: (magac, lab, keli) mar walba, wax hortiisa taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korjoog
(Korjoog-ga)
(col) Ilaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korjoog
m.l 1. Taagnaanta cid fadhida ama bugta la dul taagnaado. 2. Ilaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korjoog
m. n., [compound] guard, sentry; surveillance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Korjoog
Supervisione
Supervision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korjoog
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, dul taagnaan.
korjoog -ga: (magac, lab, keli) ciidan ilaalo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korjoog
cf: ilaalo
de: guard, sentry; surveillance
lx: korjoog
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: korjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurijoog
m.dh.u 1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. Xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurijoog
m.dh.u 1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurijoog
m. n. person who always stays at home (e.g., servant, housewife)
gurijoog [feminine] n., [collective] young livestock that cannot leave the area to graze and that must stay near their home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurijoog
-ta: (magac, dhedig, keli) carruur ama maqal aan meel kale tegin guriga mooyaane.
gurijoog -ta: (magac, dhedig, keli) naag la qabo oo reerkeega ka shaqaysa. Dh: xaas, maranti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosjoog
f.g1 (-gay, -gtay) Cid ku hoos noolaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosjoog
v. be subordinate to ~ inferior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosjoog
(fal) gacanyare ama kaaliye, cid kale u noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosjoog
de: be subordinate to ~ inferior (in grade ~ position in relation to s.o.)
lx: hoosjoog
pd: (hoosjoogay)
ps: v1=intr
key: hoosjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islajoog
m.dh Lax irmaan oo daaqsinta aan laga reebin ilmaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoog
f.mg1 (-gay, -gtay) Meel dan la'aan u joogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogjoog
v. stay a while, hang around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogjoog
-ga: (magac, lab, keli) meel iska taagnaanta aan macno lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogjoog
de: stay a while, hang around
lx: joogjoog
pd: (joogjoogay)
ps: v1=pl
key: joogjoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarejoog
-ga: (magac, lab, keli) sarajoog: taagnaan: sarakac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daleeljoog
-ga: (magac, lab, keli) naflayda dadka ka qaloota oo duurka ku nool. Dh: duurjoog. Li: dabjoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlajoog
m.dh.u Nafley la rabbaysna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidlajoog
m.dh.u Nafley la rabbaysna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidlajoog
m. n., [compound] domestic animal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidlajoog
de: domestic animal = cid + la + joog
lx: cidlajoog
pd: (-ta)
ps: n2a-m-cmp
key: cidlajoog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cila'joog
-ga / ta: (n) 1. loner (loo-ner); solitary 2. wild animal ~ cidla'joog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalkujoog
m.l (-gyo, m.dh) Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalkujoog
m.l (-gyo, m.dh) Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalkujoog
-ga: (magac, lab, keli) caddayn dal si sharci ah loogu joogo oo sannadkiiba mar la cusboonaysiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golroonow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Ka g.: cid libaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golroonow
(fal) (ka ~) dadka kale ka wax fiicnow oo ka qayb wanaagsanaw. Adaa curadehe Waaberiyoow walaalahaa ka golroonow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucleroor
-ka: (magac, lab, keli) si gucle ah u ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosjooge
(Hoosjooga-ha)
Qofka qof sare ka hooseeya oo hawsha u qabta; kaaliye; gacanyare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosjooge
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qof dad kale ka hoos shaqeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosjooge
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qof dad kale ka hoos shaqeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosjooge
m. n. subordinate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosjooge
-hoosjoogaha: (n) one who is subordinate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosjooge
-ha: (magac, lab, keli) qof qof kale oo masuul ah ama ka sarreeya gacan yare u ah. Dh: gacanyare, kaaliye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosjooge
de: subordinate
lx: hoosjooge
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hoosjooge
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoog
jilbajoog¹: m.l Istaagga jilbaha lagu istaago.
jilbajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cid jilbo isku taagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilbajoog
m.l Istaagga jilbaha lagu istaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajoog
-ga: (magac, lab, keli) istaagga jilbaha lagu joogsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjooge
m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Dhis maqaar, qoryo, iyo caws laga sameeyo oo qaab nirgood ama weylood leh oo la tuso hasha ama saca ilmihiisu dhinto, si uu u godlado. 2. Socod dheer oo aan nasiino lahayn oo maalin la socdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulajoog
-ga: (magac, lab, keli) ruuxa ku nool magaalo yar, ee aan docna u dhaafin. Dh: badaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolamoog
-ga: (magac, lab, keli) qof aan xoolojir ku fiicnayn oo aan ilaalintooda lagu hallayn karin. Xoolamoog xoolo looma dirto. Dh: caanamadhame, xoolaseeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarejoog
-ga: (magac, lab, keli) hibo uu qof u leeyahay in shirarka iyo goleyaasha uu joogo laga dhex garto ama joogiddiisa la dareemo. Dh: aftahannimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoololajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof xoolaha iyo danta guud ilaaliya. Dh: xoolajir. Li: xeerlajoog.