gojaxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gojaxo
m.dh la-mid: gojoxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gojoxo
(Gojoxa-da)
Shafka geela; xagalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gojoxo
m.dh Hilibka saaran shafka geela. la-mid: gojaxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gojoxo
f. n., [collective] camel's breast ~ brisket (meat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gojoxo
-da: (magac, dhedig, keli) laabta geela; shafka geela. Gojoxadu way hilib macaan tahay Dh: gojaxo, xagalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gojoxo
bw: shaf
de: camel's breast ~ brisket (meat)
lx: gojoxo
pd: (/da)
ps: n-f-col
syn: xagalo
key: gojoxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxo
f.mg3 (-xday, -xatay) Candho xoolaad caano ku baaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golxo
(Golxa-da)
Qaarka kore oo waxyar horay u godan; horay u qooxnaan yar; hongod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golxo
m.dh Soo godnaanta qaarka sare in yar godanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
golxo
m.dh Soo godnaanta qaarka sare in yar godanyahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Golxo
Concave
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Golxo
Concave
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Golxo
Concave
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golxo
f. n. forward bend, inclination (curving of the spine)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golxo
-da: (magac, dhedig, keli) qof garbarog leh oo xagga hore u godan. Yuusuf waa nin golxo leh. Dh: goobo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Golxo
Golxada qaydaha dhumucda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golxo
cf: qoolaab
de: forward bend, inclination (curving of the spine)
lx: golxo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: golxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godano
-da: (magac, dhedig, keli) deegaannada inta dadku ku noolaan karo ee la dego. Dh: galin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorayo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad haadda ka mid ah oo ah tan ugu weyn. Gorayadu ma duusho ee way orod badan tahay waxayna leedahay sur iyo labo lugood oo dhaadheer. Gorayadu ilmaheeda, aroori bay dhigtaayoo, aboodigu ku laayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gocasho
(Gocasha-da)
Wax hor u dhacay, illaawid la'aan; tebid; garwaaqsasho; xusuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gocasho
m.f.dh eeg goco. la-mid: gocad, gocosho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gocasho
-gocashada: (n) recalling past, usually negative experience; remembrance (ri mem-barensi); memory (mem-ari) ~ soo gocasho, gocosho
soo goco -gocday / gocotay: (v) recall bad memory or negative remembrance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocasho
-da: (magac, dhedig, keli) xusuusta wixii hore loogu yidhi ama qofku u sameeyey. Dh: gocad, hibasho.
gocasho: -da: (magac, dhedig, keli) xusuus iyo dareen hiirtaanyo kugu beerta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godadow
(Godadow-ga)
Cayaar hogo iyo quruurux lagu cayaaro; leylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godadow
godadow¹: m.l Ciyaar lagu ciyaaro quruurux ku jira 12 god oo 6 iyo 6 isaga soo horjeedda; laylo.
godadow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Laylo ciyaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godadow
m. n. children's game (wherein stones are dropped into holes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godadow
de: children's game (wherein stones are dropped into holes)
lx: godadow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: godadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godasho
(Godasha-da)
1. Qaab aan qummaati u toosnayn oo godan yeelasho; qalloocasho.
2. Qaab god u eg ama hooseeya yeelasho.
3. Wax godan oo wax lagu shubi karo, ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godasho
m.f.dh eeg godo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godasho
-da: (magac, dhedig, keli) qalloocsanaan; qaab aan qummaati u toosnayn oo godan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gogasho
(Gogasha-da)
1. Hilib ama wax la mid ah cunid, iyadoo hadba meel wax yar laga goosana hayo; cunid, googgoosad yaryar oo kala fogfog ah, oo aan anshaxnimo ku jirin.
2. Arrin aan lana deyn, sidii habboonaydna loo qaban ama loo fulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogasho
m.f.dh eeg gogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogasho
vl. n. cutting and eating (meat, etc.) in small bits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxqabad cammays ah; qabyo; booshboosh; hawl ama arrin aan si fiican loo gelin lana daynin, arrinta gogashada ka daaya. Li: dhamaystir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogasho
de: cutting and eating (meat, etc.) in small bits
lx: gogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: gogo
key: gogasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosato
(Goosata-da)
Kasoobbax xun oo oogada nabar weyn u yeela; boog xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosato
goosato¹: m.dh 1. Kasoobax weyn oo meesha uu ka soo baxo gooya. 2. Cambaarmadow. la-mid: goosey¹, gooye.
goosato²: m.dh Geed weyn oo aan qodax lahayn oo dhala miro macaan oo la cuno. la-mid: goosey².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goosato
goosato¹: m.dh 1. Kasoobax weyn oo meesha uu ka soo baxo gooya. 2. Cambaarmadow. la-mid: goosey, gooye.
goosato²: m.dh Geed weyn oo aan qodax lahayn oo dhala miro macaan oo la cuno. la-mid: goosey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosato
f. n. abscess, boil
goosato [feminine] n., [collective] secessionists
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosato
-da: (magac, dhedig, keli) kasoobax weyn oo jidhka dushiisa ka soo fooca. Dh: saanfuur, dhullax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowlalo
-da: (magac, dhedig, keli) geed xabag aad u wanaagsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowraco
f.g3 (-cday, -catay) Neef gowrac ku xalaalaysasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qorraxo
name-f sun; daylight; sun-rays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunjaxo
-da: (magac, dhedig, keli) xubin soo baxsan oo wareegsan oo shafka geela ku taal oo kolka uu fadhiisto dhulka uu ku qabto. Dh: gojoxo,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toojabo
-toojaba: (n) untrained camel; a she camel that is difficult to manage