gogolxaadhis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl la qaban doono isku sii diyaarin. Gogolxaadhis baa loogu jiraa shirka dhici doona.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl la qaban doono isku sii diyaarin ama wax u sii diyaarin; u sii hawlgelid; sii qabanqaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadh
(fal) (u ~) shirka iyo wixii la mid ah, hawlihiisa sii diyaari oo qabanqaabi. Dh: qabbabaali.
gogolxaadh -ka: (magac, lab, keli) wax dhici doona, u sii hawlgelid. Shirka gogolxaadhkiisii ayaannu wadnaa. Dh: gogolxaadhid, gogolxaadhis, diyaarin, qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogolxaarid
m.f.dh eeg gogolxaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gogoldhigad; ararasho; gogoldhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yoolbaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gogoldhig
(Gogoldhig-ga)
Gogol; Arar; Goobxaarad; hordhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhig
m.l Arar; hordhac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogoldhig
vl. n., [compound] introduction, prelude; preliminaries
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gogoldhig
-ga: (n) an introductory section, as of a speech; introduction (intadhak-sheri); preface (perefas); ~ hordhac, arart-a
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gogoldhig
Premessa
Premise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhig
(fal) «u ~» dad is haya, nabadayntooda ka sii shaqee.
gogoldhig: (fal) «u ~» aasaas u diyaari; unug sii diyaari. u goggoldhig ciyaaraha la qaban doono.
gogoldhig-ga: (magac, lab, keli) hadal ama qoraal inta u horraysa ee lagu billaabo ee nuxurkiisa kooba. Dh: hordhac, arar.
gogoldhig-ga: (magac, lab, keli) (u ~) sii diyaarin; sii qabanqaabin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogoldhig
de: introduction, prelude; preliminaries
lx: gogoldhig
pd: (-ga)
ps: vn2a-m-cmp
key: gogoldhig
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gogoldhig
تَقْدِيم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogolxaar
f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: wax la rabo in la sameeyo waxyaabo sahlaya samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogolxaar
f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: wax la rabo in la sameeyo waxyaabo sahlaya samayn. m.f.dh, gogolxaarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gogolxaar
-ay / tay: (v) [with preposition u] perform a preliminary (prilimineri) or preparatory act ~ u gogolxaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaar
-ka: (magac, lab, keli)eeg gogolxaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goofaadhi
f.g2 (-iyay, -isay) Ubad xoolaad candho aan caano ku jirin nuugid. la-mid: goofaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofaadhi
-ga: (magac, lab, keli) candho irmaan, kolba nuugis; ilmo yar oo hooyadii oo aanan caano lahayn caano ka doondoona oo nuugista ku celceliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadhis
-ka: (magac, lab, keli) (is ~) iscoofaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolfidis
-ta: (magac, dhedig, keli) gogoldhigid; shir nabadeed ku dhawaaqid; gogol nabadeed dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la hubin baadhbaadhid. Yoolbaadhidda naga daa. Dh: yoolbaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka gungaadhid; ka salgaadhid; yoolgaarid. Yoolgaadhiddeedii la rabay rag baa carshacarsheeyey Dh: gungaadhid, yoolgaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadhi
(fal) coofaadh iska dhig oo isku ekeysii. Kolkaad carruurta la ciyaarayso u coofaadhi. Dh: coofaari, coofaadhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digoxaadh
-a: (magac, dhedig, keli) loox yar oo la baldhaban oo lagu haro digada taalla xerada adhiga. Dh: harti, digahar, digaxaadh.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dulxaadis
Strip mining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godolqaad
-ka: (magac, lab, keli) caano diyaarin; lismo ama nuugis isku diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogollaab
m.l Maalinta ugu dambeysa tacsi la dhigayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogollaab
-ka: (magac, lab, keli) maalinta ugu dambeysa tacsi la fadhiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goodaadsi
-ga: (magac, lab, keli) hoos u soo foorarsi.
goodaadsi -ga: (magac, lab, keli) cirku marka uu soo kaco dhawr jeer ee uu di'i waayo. Ilaahoow goodaadsi cirka ha nagaga ridin ee noo shub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korxaadis
-ka: (magac, lab, keli) iyada oo aan gunta loo degin, wax ka soo qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg galloocin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadh
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) ka gungaadh; ka salgaadh; yoolgaar.
yoolbaadh -ka: (magac, lab, keli) 'erey ciidan' hab yool la toogan doono loo raadsho. Dh: yoolbaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadh
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama wax kale ka salgaadhid. Taladii reerka yoolgaadh laga waa. Dh: gungaadh, yoolgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhis
-ka: (magac, lab, keli) wax kala baxsan ka dhigid. Dh: ballaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahardaad u fadhiisi. Balwaadhis baad u fadhidaa sarakacoo kaalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaadhi
-ga: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo bashbash ku hadhadal. Boodhaadhiga rahaa lagu gam'aa gellin barwaageedkiiye. Dh: foodhaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) sida odaybaxuurka u socosho. Dh: iscoofaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogoldhigo
v., [compound] pave the way for, prepare
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogoldhigo
de: pave the way for, prepare
lx: gogoldhigo
pd: (gogoldhigtay)
ps: v3b=cmp
key: gogoldhigo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolfidsi
-ga: (magac lab keli) baane iyo dacwad isku diyaarin; wada hadal nabadeed u fadhiisi. Dh: gogolfidsasho, goglasho, gogoldhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googaashid
-da: (magac, dhedig, keli) sheekaysi yar. Gucle orod ayaa la holladaa amase googaashe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolibaadh
-ka: (magac, lab, keli) ciidanka marka shiishka la barayo rasaasta ay tababar ahaan yoolbeenaadka ugu ridaan. Goolibaadhka ciidanku waa buurta hoosteeda oo aan dad iyo xoolo toona joogin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noola-ohis
m.l (baayoloji) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noola-ohis
m.l (baay.) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaadis
galoofaadis¹: m.l la-mid: galoofaadin.
galoofaadis²: m.dh la-mid: galoofaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolmadoon
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul ciid nadiif ah leh ama daaq ka baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogolraacid
m.f.dh eeg hogolraac. la-mid: hogocraacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korkaxaadis
-ka: (magac, lab, keli) korkaxaadin ku samayn. Korkaxaadis baa soor kulul lagu cunaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab cilmiyaysan oo wax loo baadho dhabtnaa looga gungaadho. Waxa ay ku salaysan tahay xog'ururin iyo axadhiddeeda. Dh: cilmibaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u tegtegis; ku noqnoqosho oo ka warhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhaafid
m.f.dh eeg gogoldhaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanxumida naag ama nin reer leh, cid kale u galmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goroyoxaaris
m.l/dh la-mid: goroyakaxaaris.