gogolxaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadh
(fal) (u ~) shirka iyo wixii la mid ah, hawlihiisa sii diyaari oo qabanqaabi. Dh: qabbabaali.
gogolxaadh -ka: (magac, lab, keli) wax dhici doona, u sii hawlgelid. Shirka gogolxaadhkiisii ayaannu wadnaa. Dh: gogolxaadhid, gogolxaadhis, diyaarin, qabanqaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl la qaban doono isku sii diyaarin ama wax u sii diyaarin; u sii hawlgelid; sii qabanqaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl la qaban doono isku sii diyaarin. Gogolxaadhis baa loogu jiraa shirka dhici doona.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogolxaar
f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: wax la rabo in la sameeyo waxyaabo sahlaya samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogolxaar
f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: wax la rabo in la sameeyo waxyaabo sahlaya samayn. m.f.dh, gogolxaarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gogolxaar
-ay / tay: (v) [with preposition u] perform a preliminary (prilimineri) or preparatory act ~ u gogolxaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaar
-ka: (magac, lab, keli)eeg gogolxaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhici doona ama la rabo in la sameeyo u gogolxaadhid. Dh: gogolxaarid, gogoldhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabo
-da: (magac, dhedig. keli) gogolxaadhka iyo diyaarinta ka horraaysa hawl la qabanayo. Hawl aan qabanqaabo fiican lahayni waxtar fiican maa keento. Dh: abaabul, tabaabulshe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogolxaarid
m.f.dh eeg gogolxaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gogoldhigad; ararasho; gogoldhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booxaadh
-ka: (magac, lab, keli) hadalka nahnahda ah ee bawaarku ku hadaadaqo. Dh: faataadhug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digoxaadh
-a: (magac, dhedig, keli) loox yar oo la baldhaban oo lagu haro digada taalla xerada adhiga. Dh: harti, digahar, digaxaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godolqaad
-ka: (magac, lab, keli) caano diyaarin; lismo ama nuugis isku diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogollaab
m.l Maalinta ugu dambeysa tacsi la dhigayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogollaab
-ka: (magac, lab, keli) maalinta ugu dambeysa tacsi la fadhiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadh
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) ka gungaadh; ka salgaadh; yoolgaar.
yoolbaadh -ka: (magac, lab, keli) 'erey ciidan' hab yool la toogan doono loo raadsho. Dh: yoolbaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadh
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama wax kale ka salgaadhid. Taladii reerka yoolgaadh laga waa. Dh: gungaadh, yoolgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolibaadh
-ka: (magac, lab, keli) ciidanka marka shiishka la barayo rasaasta ay tababar ahaan yoolbeenaadka ugu ridaan. Goolibaadhka ciidanku waa buurta hoosteeda oo aan dad iyo xoolo toona joogin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goolibbaadh
m. n. rifle range, target
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goolibbaadh
de: rifle range, target
lx: goolibbaadh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: goolibbaadh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u gogolxaar
v. do the preliminaries, make preparations for
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_gogolxaar
de: do the preliminaries, make preparations for (especially something important)
initial: u
lx: u gogolxaar
pd: (gogolxaaray)
ps: v1=expr
key: u_gogolxaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolaad
(tilmaame) geela hasha ugu wanaagsan ee xulka ah.
foolaad -ka: (magac, lab, keli) xoolaha la libgeynayo inta ugu waaweyn ee ugu muhiimsan; xulka u sarreeya xoolaha la kala iibsado. Dh: ahmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin gola keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golaadi
v. arrange, convene (a meeting, etc.); predict
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golaadi
(fal) wax dhici doona ama la rabo in la sameeyo u gogolxaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golaadi
de: arrange, convene (a meeting, etc.); predict
lx: golaadi
pd: (golaadiyey)
ps: v2a=
key: golaadi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noolaad
m. n. life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noolaad
-ka: (magac, lab, keli) doogashada iyo quruxda uu dhulku yeesho marka uu roob ku da'o.
noolaad-ka: (magac, lab, keli) «la la joogitaan: ka tirsanaan.
noolaad -ka: (magac, lab, keli) (wada ~) wada degenaan; wada dhaqmid. La noolaadka nin aad raalli ka ahayni naar ka daran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
noolaad
de: life
lx: noolaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: noolaad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QOOLAAD
(Goalat) S Cadaba barbigera Gilg Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqolaad
(Boqolaad-ka)
Tiro taxan oo isdabajoogta, kan boqolka jagadiisa ku abbaaran; (1OOd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqolaad
m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boqolaad
numeral: hundredth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqolaad
-ka: (magac, lab, keli) tirada boqolka gaarsiisa; kan/tan boqolaad.
boqolaad -ka: (magac, lab, keli) tiro boqolboqol isu daba taxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boqolaad
a: boqlaad
de: hundredth
lx: boqolaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: boqolaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coofaadh
-ka: (magac, lab, keli) eeg cofaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolqaad
-ka: (magac, lab, keli) marka reeruhu doonanayaan meel baad iyo biyo leh inta aanay gaadhin meesha ay u socdaan ee ay dhaxsinta yihiin. Dh: hayaan, kaynaan, dhaxdin.
doolqaad -ka: (magac, lab, keli) dugaagga meel xaadhintiisii ka fog oo deegaan kale ah u ugaadhsi tega.
doolqaad -ka: (magac, lab, keli) reeraha meel aan deegaankoogii ahayn u daaqsin tega.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golxaale
-ha: (magac, lab, keli) qof golxo leh. Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraha. Dh: goodaad, godane, qoolaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goormaad
question word, vl. pron. when ... you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goormaad
de: when ... you?
lx: goormaad
ps: qw + vpro
xe: When do you take the medicine?
xv: Daawada gormaad cabtaa?
key: goormaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oggolaad
-ay / oggolaatay: (v) accept (ak sept); admit (adhmit); consent (kon sent); agree (agrii) ~ aqbal, waafaq
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulxaadh
m. n., [compound] sweeper
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulxaadh
de: sweeper
lx: dhulxaadh
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhulxaadh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobxaaro
f.g3 (-raday, -ratay) U g.: hawl wax ka qabashadeed isu diyaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobxaaro
v., [compound] clear a path ~ road; make preparations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobxaaro
(fal) wax aan doonaysay in aad samayso waddada u sii bannayso. Dh: gogoldhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobxaaro
de: clear a path ~ road; [fig.] make preparations
lx: goobxaaro
nt: goobxaarad (ka) [vn-m], goobxaarasho (/da) [vn-f]
pd: (goobxaartay)
ps: v3b=cmp
key: goobxaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goofaadhi
f.g2 (-iyay, -isay) Ubad xoolaad candho aan caano ku jirin nuugid. la-mid: goofaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofaadhi
-ga: (magac, lab, keli) candho irmaan, kolba nuugis; ilmo yar oo hooyadii oo aanan caano lahayn caano ka doondoona oo nuugista ku celceliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooshaash
-ka: (magac, lab, keli) habka loo daajiyo xoolaha siiba adhiga iyo geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogolraac
f.mg1 (-cay, -cday) Meel roob ka da'ay u guurid; roobraac. la-mid: hogocraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhaaf
gogoldhaaf¹: m.l Oggolanshaha naag la qabo ay oggolato in uu u galmoodo nin kale.
gogoldhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Naag la qabo nin kale in uu u galmoodo aqbalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogoldhaaf
gogoldhaaf¹: m.l Oggolanshaha naag la qabo ay oggolato in uu u galmoodo nin kale.
gogoldhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Naag la qabo nin kale in uu u galmoodo aqbalid. m.f.dh, gogoldhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogoldhaaf
v. commit adultery, be sexually unfaithful to (one's husband)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhaaf
-ka: (magac, lab, keli) qof reer leh, gogoshiisa dhaafis oo cid kale la seexad; galmo sharci darro ah oo uu sameeyo qof reer lihi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogoldhaaf
de: commit adultery, be sexually unfaithful to (one's husband)
lx: gogoldhaaf
nt: gogoldhaaf (ka) [vn-m]
pd: (gogoldhaafay)
ps: v1=tr
key: gogoldhaaf
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob xaadh
Rain wash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhaafid
m.f.dh eeg gogoldhaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanxumida naag ama nin reer leh, cid kale u galmood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhigad
m.l 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho. la-mid: gogoldhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogoldhigad
m.l 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhigad
-ka: (magac, lab, keli) wax la doonaayo in la sameeyo ama loo gol leeyahay, waddada u sii bannaysasho. Dh: gogoldhigasho, araarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolkulaab
-ka: (magac, lab, keli) lacag lagu qariyo gabar lala baxay gogoshii ay ku seexan jirtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolmadoon
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul ciid nadiif ah leh ama daaq ka baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogolraacid
m.f.dh eeg hogolraac. la-mid: hogocraacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la hubin baadhbaadhid. Yoolbaadhidda naga daa. Dh: yoolbaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolbaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yoolbaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka gungaadhid; ka salgaadhid; yoolgaarid. Yoolgaadhiddeedii la rabay rag baa carshacarsheeyey Dh: gungaadhid, yoolgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gogoldhigasho
(Gogoldhigasha-da)
Ararasho; goobxaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhigasho
m.dh la-mid: gogoldhigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) dad eedi kala gaadhay oo arrintoodii isu soo hor fadhiisanaya si ay u garnaqsadaan; eed sheegasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xood golxaale
Concave curve