gogolkulaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolkulaab
-ka: (magac, lab, keli) lacag lagu qariyo gabar lala baxay gogoshii ay ku seexan jirtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogol-ku-laab
m.l Lacag lagu qariyo gabar lala baxay gogoshii ay ku seexan jirtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogollaab
m.l Maalinta ugu dambeysa tacsi la dhigayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogollaab
-ka: (magac, lab, keli) maalinta ugu dambeysa tacsi la fadhiyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goolkalaad
m. n., [compound] goal-kick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goolkalaad
de: goal-kick
lx: goolkalaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: goolkalaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qosolkujaab
m.l Shey taya xun leh oo dhadhalaala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qosolkujaab
-ka: (magac, lab, keli) shey taya xun leh oo dhadhalaala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogolxaar
f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: wax la rabo in la sameeyo waxyaabo sahlaya samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogolxaar
f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: wax la rabo in la sameeyo waxyaabo sahlaya samayn. m.f.dh, gogolxaarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gogolxaar
-ay / tay: (v) [with preposition u] perform a preliminary (prilimineri) or preparatory act ~ u gogolxaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaar
-ka: (magac, lab, keli)eeg gogolxaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhaaf
gogoldhaaf¹: m.l Oggolanshaha naag la qabo ay oggolato in uu u galmoodo nin kale.
gogoldhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Naag la qabo nin kale in uu u galmoodo aqbalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogoldhaaf
gogoldhaaf¹: m.l Oggolanshaha naag la qabo ay oggolato in uu u galmoodo nin kale.
gogoldhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Naag la qabo nin kale in uu u galmoodo aqbalid. m.f.dh, gogoldhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogoldhaaf
v. commit adultery, be sexually unfaithful to (one's husband)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhaaf
-ka: (magac, lab, keli) qof reer leh, gogoshiisa dhaafis oo cid kale la seexad; galmo sharci darro ah oo uu sameeyo qof reer lihi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogoldhaaf
de: commit adultery, be sexually unfaithful to (one's husband)
lx: gogoldhaaf
nt: gogoldhaaf (ka) [vn-m]
pd: (gogoldhaafay)
ps: v1=tr
key: gogoldhaaf
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qosolkujab
m.l Shey taya xun leh oo dhadhalaala.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qosolkujab
m. n., idiom: false gaudy appearance, tinsel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qosolkujab
de: false gaudy appearance, tinsel Lit: break from laughter
lx: qosolkujab
pd: (-ka)
ps: np-m-idiom
key: qosolkujab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolcun
-ka: (magac, lab, keli) gabadha ama ninka oo kolka habeenkii gogosha lagu kulmo ka kale canaanta iyo dirirta ku badiya oo buuq geliya.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Moolkaal
name-m save-guard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birollaab
-ka: (magac, lab, keli) qalab biraha lagu laabo oo farsamayaqaannadu adeegsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqollaal
m.l.t Tiro ka kooban dhawr boqol.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boqollaal
m.l.t Tiro ka kooban dhawr boqol.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqollaal
-ka: (magac, lab, keli) tiro aan xadidnayn oo boqol illaa sagaal boqol u dhaxaysa. Boqollaal ciidan ah ayaa magaalada soo galay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godolqaad
-ka: (magac, lab, keli) caano diyaarin; lismo ama nuugis isku diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goglanaan
(Goglanaan-ta)
Goglanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglanaan
m.f.dh eeg goglan². la-mid: goglanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goglanaan
f. n. state of being covered with mats ~ carpeted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goglanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel bannaan ku fidsan oo diyaarsan ahaan. Dh: goglanaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goglanaan
de: state of being covered with mats ~ carpeted
lx: goglanaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: goglanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolibaar
-ka: (magac, lab, keli) meesha lagu dhoogtamo.
goolibaar -ka: (magac, lab, keli) meel col joogey oo dad soo hubiya loo diro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogolraac
f.mg1 (-cay, -cday) Meel roob ka da'ay u guurid; roobraac. la-mid: hogocraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobgulaan
-ka: (magac, lab, keli) awrka aan si fiican doobta u soo ridin. Awrkani waa doobgulaan oo ma doobin karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolxumaan
m.f.dh eeg foolxun. la-mid: foolxumaansho, foolxumi, foolxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid aan qurux badnayn ahaan; qaab dhismeed xumaan. Dh: foolxumi. Li: quruxbadnaan, quruxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogolxaadh
(fal) (u ~) shirka iyo wixii la mid ah, hawlihiisa sii diyaari oo qabanqaabi. Dh: qabbabaali.
gogolxaadh -ka: (magac, lab, keli) wax dhici doona, u sii hawlgelid. Shirka gogolxaadhkiisii ayaannu wadnaa. Dh: gogolxaadhid, gogolxaadhis, diyaarin, qabanqaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goolibbaar
goolibbaar¹: m.l la-mid: goonnibbaar¹.
goolibbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: goonnibbaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goolibbaar
v. search someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goolibbaar
a: goonnibbaar
de: search s.o.
lx: goolibbaar
pd: (goolibbaaray)
ps: v1=tr
key: goolibbaar
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
goolkayaga
own goal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolnuglaan
m.f.dh eeg foolnugul. la-mid: foolnuglaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogoldhigad
m.l 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho. la-mid: gogoldhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogoldhigad
m.l 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogoldhigad
-ka: (magac, lab, keli) wax la doonaayo in la sameeyo ama loo gol leeyahay, waddada u sii bannaysasho. Dh: gogoldhigasho, araarasho.