ereyga

gogolfidsi

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogolfidsi

DHAN

-ga: (magac lab keli) baane iyo dacwad isku diyaarin; wada hadal nabadeed u fadhiisi. Dh: gogolfidsasho, goglasho, gogoldhigasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogolfidis

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) gogoldhigid; shir nabadeed ku dhawaaqid; gogol nabadeed dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhulfidsi

DHAFANDHAAF

m.l Dhulballaarsi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhulfidsi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg dhulballaadhsi. dhulfiiq -a: (magac, lab, keli) qof dhulka hara oo qashinka ka xaadha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gobolaysi

DHAFANDHAAF

m.l 1. Xiriir kalgacayl oo ka dhexeeya dad isku gobol ah. 2. la-mid: gobolaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gobolaysi

DHAFANDHAAF

m.l 1. Xiriir kalgacayl oo ka dhexeeya dad isku gobol ah. 2. la-mid: gobolaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gobolaysi

DHAFANDHAAF

m. n., [abstract] regionalism

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gobolaysi

DHAFANDHAAF

-ga: (n) loyalty to the interests of a particular region; regionalism (riijanaliisim)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gobolaysi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) gobol u eexasho; cid si gaar ah ugu danayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gobolaysi

DHAFANDHAAF
1

de: regionalism

2

lx: gobolaysi

3

pd: (-ga)

4

ps: n0-m-abs

5

key: gobolaysi

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gogoldhig

DHAFANDHAAF
1

(Gogoldhig-ga)

2

Gogol; Arar; Goobxaarad; hordhac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gogoldhig

DHAFANDHAAF

m.l Arar; hordhac.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gogoldhig

DHAFANDHAAF

vl. n., [compound] introduction, prelude; preliminaries

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

gogoldhig

DHAFANDHAAF

-ga: (n) an introductory section, as of a speech; introduction (intadhak-sheri); preface (perefas); ~ hordhac, arart-a

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Gogoldhig

DHAFANDHAAF
1

Premessa

2

Premise

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogoldhig

DHAFANDHAAF
1

(fal) «u ~» dad is haya, nabadayntooda ka sii shaqee.

2

gogoldhig: (fal) «u ~» aasaas u diyaari; unug sii diyaari. u goggoldhig ciyaaraha la qaban doono.

3

gogoldhig-ga: (magac, lab, keli) hadal ama qoraal inta u horraysa ee lagu billaabo ee nuxurkiisa kooba. Dh: hordhac, arar.

4

gogoldhig-ga: (magac, lab, keli) (u ~) sii diyaarin; sii qabanqaabin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gogoldhig

DHAFANDHAAF
1

de: introduction, prelude; preliminaries

2

lx: gogoldhig

3

pd: (-ga)

4

ps: vn2a-m-cmp

5

key: gogoldhig

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

gogoldhig

DHAFANDHAAF

تَقْدِيم

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

goodaadsi

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) hoos u soo foorarsi.

2

goodaadsi -ga: (magac, lab, keli) cirku marka uu soo kaco dhawr jeer ee uu di'i waayo. Ilaahoow goodaadsi cirka ha nagaga ridin ee noo shub.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogolxaadhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl la qaban doono isku sii diyaarin ama wax u sii diyaarin; u sii hawlgelid; sii qabanqaabin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogolxaadhis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama hawl la qaban doono isku sii diyaarin. Gogolxaadhis baa loogu jiraa shirka dhici doona.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

goggobbeysi

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: goggobeysasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

goggobbeysi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg goggobeysad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gogoldhigad

DHAFANDHAAF

m.l 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho. la-mid: gogoldhigasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gogoldhigad

DHAFANDHAAF

m.l 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogoldhigad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax la doonaayo in la sameeyo ama loo gol leeyahay, waddada u sii bannaysasho. Dh: gogoldhigasho, araarasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogoldhigid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gogol diyaarin; u saldhigid. Goggoldhigidda arrinta waxa qabanqaabiyay masuuliyiinta shirkadda. Dh: gogolfidin, gogolfidis, abaabulid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogolmadoon

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dhul ciid nadiif ah leh ama daaq ka baxay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gogolxaarid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg gogolxaar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogolxaarid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gogoldhigad; ararasho; gogoldhigasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gogoldhigasho

DHAFANDHAAF
1

(Gogoldhigasha-da)

2

Ararasho; goobxaarasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gogoldhigasho

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: gogoldhigad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gogoldhigasho

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dad eedi kala gaadhay oo arrintoodii isu soo hor fadhiisanaya si ay u garnaqsadaan; eed sheegasho.

waa la naqliyay ✓