godobtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godobtir
m.l Gabar la siiyo reer dad laga dilay si heshiis uga dhex dhasho; godobreeb.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godobni
-da: (magac, dhedig, keli) meel taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn. Dh: galluubni, gelmidhabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godobsi
(Godobsi-ga)
Godobsasho: godobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godobsi
m.l la-mid: godobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godobsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg godobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godob
1. (Godob-ka) Balli aad u weyn oo wareegsan oo in badan biyo ku jiraan: togagga xilliyada roobka biyaha keena baa doojiya.
2. (Godob-ta) Aano; sagan; dakano; asaaye; gashi; utun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godob
godob¹: m.l (-bo, m.l/dh) Meel weyn oo godan oo dhinacyada ay ka xigaan duullayaal iyo taagag oo caws iyo geeda faalala ay ka baxaan oo jiilaalka la daaqo.
godob²: m.dh Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godob
m.dh Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godob
m. n. large pond, natural reservoir
godob [feminine] n. resentment, grudge (over an injury, harm ~ damage)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godob
-ta: (n) a deep-seated feeling of resentment: resentment (rizentment); -rancor (raangker); grudge (garaaj) ~ aano, xinif
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Godob
Rancore
Grudge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godob
-ta: (magac, dhedig, keli) denbi hore cid looga galay oo laga baqo in aargoosi ka yimaaddo. Odaygu godob buu qabaa oo habeenkii ma socdo. Dh: aano, dakane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godor
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah geedgaabka. Godor badan ayay meeshani leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobi
f.g2 (-iyay, -isay) La g.: beer shaqadeeda u duulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobi
v. work together ~ jointly on something; beat someone in groups
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobi
de: work together ~ jointly on s.t.; [ext.] beat s.o. in groups (with preposition la)
lx: goobi
pd: (goobiyey)
ps: v2a=tr
key: goobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coobir
m.l (-rro, m.dh) Nin fil weyn oo xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobir
(Doobir-ta)
Ayaan; nasiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobir
m.dh Ayaan; nasiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobir
f. n., [abstract] luck, fate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobir
-ta: (magac, dhedig, keli) ayaan iyo nasiib. Keyse waa nacas doobir badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doobir
de: luck, fate
lx: doobir
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
syn: ayaan, nasiib
key: doobir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobid
(Goobid-da)
Wax maqan ama lumay raadin, doondoonid, baadiggoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobid
m.f.dh eeg goob³. la-mid: goobis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Goobid
Ricerca
Research
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan baadigoobid. Goobidda hashu bil bay iga qaadatay. Dh: doodoonis, raacdayn, raadin.
goobid -da: (magac, dhedig, keli) dibi, tun buuxin; tunweyni; luqunta muruqyo waaweyn oo naaxay ku yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobin
m.f.dh eeg goobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobis
(Goobis-ta)
Goobid; raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobis
m.dh la-mid: goobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobis
vl. n. act of searching, tracing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobis
-ta: (magac, dhedig, keli) daydayid; raadceyn.
goobis-ta: (magac, dhedig, keli) dibi, tun buuxin; tunweyni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobis
de: act of searching, tracing
lx: goobis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: goobis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goodir
(Goodir-ka)
1. Jaadadka geela mid kamid ah.
2. Ugaarta jaad kamid ah oo sida diirdiirta daliigo ku dhilan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodir
m.l 1. Ugaar weyn oo leh geeso dhaadheer oo marooqsan iyo diillimo dhinacyada kaga yaal. 2. G.ah: midab madow-xigeen ah oo geelu yeesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goodir
m.l 1. Ugaar weyn oo leh geeso dhaadheer oo marooqsan iyo diillimo dhinacyada kaga yaal. 2. G.ah: midab madow-xigeen ah oo geelu yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goodir
m. n., [collective] male kudu (antelope)
goodir m. n., [collective] dark gray color (of camel); camel species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Goodir
nickname-m as strong as male kudu (entalope); one with a dark gray color
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goodir
-ka: (n) kudu also koodoo: male antelope (anta loop) ~ biciid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goodir
-ka: (magac, lab, keli) nooc ugaadha ka mid ah oo cawlan oo dibiga u eg oo leh liidad cadcad iyo laba gees oo aad u dhaadheer; dibi ugaadh ah. Goodir ayaa daaqaya kaynta, calaamadda booliska Soomaaliyeed waa geesaha goodirka.
goodir -ta: (magac, dhedig, keli) midab geelu leeyahay oo madow. Goodirtii dhashay markay ilmada gabax ka siinayse.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobir
m.l (-rro, m.dh) Minxiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobir
-ka: (magac, lab, keli) qofka kalkaaliya arooska. Dh: minxiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noobir
-ka: (magac, lab, keli) dhul carro adayg ah oo biyo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oontir
f.g1 (-ray, -rtay) Nafley biyo ay oonka uga baxdo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oontir
f.g1 (-ray, -rtay) Nafley biyo ay oonka uga baxdo siin. m.f.dh, oontirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oontir
v. quench thirst; give a thirsty person something to drink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oontir
(fal) biyo sii oo harraadka ka bi'i. Martida oontir inta aad u loogin. Dh: harraadtir.
oontir -ka: (magac, lab, keli) waxa u horreeya biyo amma baad ee la siiyo qof safar dheer ka yimid oo diifi ku taal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oontir
de: quench thirst; give a thirsty person s.t. to drink
lx: oontir
pd: (oontiray)
ps: v1=tr
key: oontir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soobir
m. n. large male antelope; young man {poetic}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soobir
-ka: (magac, lab, keli) qof qaawan oo farammadhan; caydh; mahaysato.
soobir-ka: (magac, lab, keli) tulud geel oo tebaadda, gool aad u naaxa oo baruur xidhma. Geel kala samcane waanigii soobir gawracay e. Dh: gool, tebaadi. Li: caato, soobil.
soobir-ka: (magac, lab, keli) wiil soorays ah oo geela lagu aammino welise qaangaadh ahayn. Dh: qoofil, kuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soobir
de: large male antelope; young man {poetic}
initial: s
lx: soobir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: soobir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tootir
m.dh 1. Xiddig aan saadaal wanaagsanayn. 2. Hilib jilicsan ee ka laallaada shaqfasha dadka da'da ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tootir
-ta: (magac, dhedig, keli) hilibka weyn ee ka soo hoos baxa ragga kilkilladooda. Dh: tootiro.
tootir-ta: (magac, dhedig, keli) kurtin iyo maroor meel ay leedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godob_1
cf: balli
de: large pond, natural reservoir
hm: 1
lx: godob
pd: (-ka)
ps: n-m
key: godob_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godob_2
cf: aano, asaaye, dakano, hiijo, sagan, timil, utun
de: resentment, grudge (over an injury, harm ~ damage)
hm: 2
lx: godob
pd: (-ta)
ps: n-f
key: godob_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godoble
-ha: (magac, lab, keli) qof godob gabe ah: denbiile ah; eedaysane ah. Ninku waa godoble oo marba meel buu u baxsadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godobso
f.g3 (-saday, -satay) Cid godob ka gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godobso
f.g3 (-saday, -satay) Cid godob ka gelid. m.f.dh, godobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godobso
(fal) ka aargooso; godobtii ka jaro; ciddii godobta kaa qabtay ha ka hadhin ee ka aargudo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goortii
(conjection) during the time that: while (waayl) ~ intii, kolkii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godobsad
m.l la-mid: godobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godobsad
-ka: (magac, lab, keli) godob ama aano ka gal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godootan
godootan¹: m.l Ciyaaridda la ciyaaro, ciyaarta godadowga.
godootan²: f.g1 (-amay, -antay; -ami) Ciyaarta godadowga ciyaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godshiir
f. n., [compound] den, lair
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godshiir
de: den, lair
lx: godshiir
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: godshiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godootamid
m.f.dh eeg godootan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhibtir
(fal) dabargoo; baabi'i; dabarjar.
cidhibtir -ka: (magac, lab, keli) wax hore u jiray, baabi'in; wax jiray, dabargoyn. Cidhibtirka cudurka dabaysha, ayay hay'addayadu ka haqaysaa. Dh: dabargoyn, baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'doomid
m.f.dh eeg go'doon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'doomin
m.f.dh eeg go'doomi. la-mid: go'doomayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'doomin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cunaqabatayn saarid; gooni dunida uga jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godobreeb
-ka: (magac, lab, keli) gabadh la isa siiyo marka laba reerood dagaallamaan ee ay dib u heshiiyaan si denbiyaashii la kala galay loogu illoobo oo loogu reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godobreed
m.l la-mid: godobtir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goldooxid
m.f.dh eeg goldoox². la-mid: goldoox¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goldooxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinaca ka jeexid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qodobjare
Qalab leh labo lugood oo gacanqabsi loogu isticmaalo iyo labo qal ee lagu jaro qodobbada iyo birta duuban oo qaradoodu ku siman tahay illaa mm. 16.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
condottiéro
s.m. - hoggaamiye.