gocgoc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gocgoc
m.l In yar oo hoore ah oo weel salkiisa ku haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gocgoc
m. n. residue (of butter, milk, etc.) that has coagulated in the bottom of a container
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocgoc
-a: (magac, lab, keli) caano yar oo ku hadha weel caano laga shubay ama laga cabbay. Gocgoca iyo xoorka hadhuubka ku hadhay isku rux oo ka heenso. Dh: goror, heensi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gocgoc
de: residue (of butter, milk, etc.) that has coagulated in the bottom of a container
lx: gocgoc
pd: (-a)
ps: n-m
key: gocgoc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goco
f.g3 (-cday/-coday, -catay/-cotay) Dhacdo lahan-reeb ah dib u xusuusasho; tebid; garwaaqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goco
f.g3 (-cday/-coday, -catay/-cotay) Dhacdo lahan-reeb ah dib u xusuusasho; tebid; garwaaqsasho. m.f.dh, gocasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goco
v. remember, reminisce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goco
(fal) dib u xasuuso wax hore laguu yeelay. Dh: hibo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goco
de: remember, reminisce
lx: goco
pd: (gocday)
ps: v3b=tr
key: goco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogo
f.g3 (-gtay, -gatay) Hilib iyo wixi lamida qarsoodi wax uga goosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogo
v. cut up and eat something in small bits; do work poorly, not be systematic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogo
(fal) feeno oo gooso; hilib hadba wax yar meel ka gooso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gogo
de: cut up and eat s.t. in small bits; [fig.] do work poorly, not be systematic (e.g., when a bone only has a little bit of meat left)
lx: gogo
pd: (gogtay)
ps: v3b=
key: gogo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gocor
m.l Qof aan waxtar ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocor
-ka: (magac, lab, keli) nin hunguri xun oo soorkuhadal ah bakhaylnimona u dheer tahay. Dh: bakhayl, qorqode. Li: deeqsi.
gocor-ka: (magac, lab, keli) qof aan kasmo badnayn oo dabeecad xun. Dh: caran, nacas, doqon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocos
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geedaha ku soo baxa roobka oo la jaad ah ramaaska kana baxa meelaha digada leh oo laga qodo badhi la yiraahdo goon. Dh: goon.
gocos-ta: (magac, dhedig, keli) kubbadda yar ee taniska iyo ciyaarta gocosta lagu dheelo. Gocos baan ciyaarnaa galab kaste. Dh: gocoso, gucus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gocoy
(Gocoy-ga)
Weel la tolay oo aan weli la xoolayn; gocoyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gocoy
m.l.kh la-mid: gocoyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gocoy
m. n. milk-vessel made of fiber that has not yet been smoked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocoy
-ga: (magac, lab, keli) weel la tolay oo aan weli la xoolayn; gocoyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gocoy
a: gocoyo [n6-f]
de: milk-vessel made of fiber that has not yet been smoked (hence, it could spoil the milk)
lx: gocoy
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: gocoy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gogol
(Gogo-sha)
1. Inta la goglado oo dhan: joodariyaasha, dharka sariiraha, kaddiifadaha, kebdaha, dermooyinka, rarada kd.
2. Hadal gaaban oo laga hormariyo doodda, ama kitaabka la qora hayo lagu furo oo lagu sheego waxa kitaabku ku saabsan yahay, kd.; Arar, afeef; gogoldhig.
3. Shir yar ama fadhi loo dhigo in dad wax kala qabaa ku garramaan oo lagu heshiisiiyo, ama gabdho laysku weyddiisto, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gogol
gogol¹: m.dh (-glo, m.l) 1. Wax kasta oo dhul la dhigto si loogu seexdo ama loogu fariisto. 2. Shir yar oo dad is-rabaa arrin kaga xaajoodaan.
gogol²: f.g1 (-glay, -goshay; -gli) 1. Wax dhul ku fidsasho si loogu seexdo ama loogu fariisto. 2. Sariir firaashid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gogol
gogol¹: m.dh (-glo, m.l) 1. Wax kasta oo dhul la dhigto si loogu seexdo ama loogu fariisto. 2. Shir yar oo dad is-rabaa arrin kaga xaajoodaan.
gogol²: f.g1 (-glay, -goshay; -gli) 1. Wax dhul ku fidsasho si loogu seexdo ama loogu fariisto. 2. Sariir firaashid. m.f.dh, goglid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gogol
v. put down mats, spread (cloth, sheet, etc.)
gogol vl. n. spreading out (of mats, sheets, material)
gogol [feminine] n. meeting, discussion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gogol
-gogosha: (n) a cloth covering for a bed; spread (ispareedh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogol
(fal) agab lagu fadhiisto ama lagu seexdo dhig: gogosha diyaari.
gogol-sha: (magac, dhedig, keli) wax lagu seexdo ama lagu fadhiisto; waxa dhulka la dhigto oo lagu seexdo.
gogol-sha: (magac, dhedig, keli) marooyin laga soo deldelo gidaarrada qolalka gudahooda, gaar ahaanna albaabbada iyo daaqadaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggon
m.l In yar oo hoore ah oo weel salkiisa ku haray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goggon
m.l In yar oo hoore ah oo weel salkiisa ku haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goggon
m. n., [collective] remainder of liquid at the bottom of a container
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goggon
de: remainder of liquid at the bottom of a container
lx: goggon
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
syn: diddin
key: goggon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gongon
m.l Hoor yar oo weel salkiisa ku haray; goror.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gongon
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo dareere ah. Dh: dhif, tiix, dhibic, tifiq.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
googoo
-yey say: (v) cut into small pieces; chop (jap). Ex: hilibka googoo; chop up the meat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googoo
(fal) dhir ama geedo iyo wax meel ku yaal ka tirtir oo ka bannee.
googoo: (fal) jarjar oo cadcad ka dhig ama kolba in ka jar. Googoo surwaalkan oo ii gaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgor
(Gorgor-ka)
Shinbir weyn oo jaadad badan u kala baxa oo wixii baqtiya cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgor
m.l (-rro, m.dh) Nooc haadda hilibkunoolka ah ka mid ah, jaadad badan u kala baxda, xoog badan oo duullimaad dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gorgor
m.l (-rro, m.dh) Nooc haadda hilib-kunoolka ah ka mid ah, jaadad badan u kala baxda, xoog badan oo duullimaad dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorgor
n. vulture
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gorgor
name-m vulture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gorgor
-ka: (n) eagle (iigel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gorgor
magac ama naanays loo baxsho wiil laga dareemay geesinimo oo lagu metaalay jaad haadda ka mid ah oo kuwa ugu xoogga weyn ee hilibka cuna ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorgor
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah haadda hilibka cunta oo raqda yimaada marka bahal dilo ama ay bakhtido oo aad u xoog badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorgor
cf: coomaadi
de: vulture
lx: gorgor
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: gorgor
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gorgor
عقاب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowgow
-da: (magacwadareed) adhiga wixii labajir ka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goggobo
(Goggoba-da)
1. Geed kulul oo cudurrada qaarkood, siiba cadhada iyo wixii la jaad ah, lagu daweeyo.
2. Weesada lagu weesaysto ciidda habaaska leh; booraysi; (ama gaggabood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggobo
m.dh 1. Geed-nagaar leh caleemo yaryar iyo xididdo lagu daweeyo cudurro badan waxna lagu dhayo. 2. Ciidda oo lagu weyseysto. la-mid: gąggabo, geggebo, goggobbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goggobo
m.dh 1. Geed-nagaar leh caleemo yaryar iyo xididdo lagu daweeyo cudurro badan waxna lagu dhayo. 2. Ciidda oo lagu weyseysto. la-mid: gąggabo, geggebo, goggobbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goggobo
f. n., [collective] plant species, used as medicine for animals
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goggobo
de: plant sp., used as medicine for animals
lx: goggobo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: goggobo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggomi
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore yar weel ka shubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goggomi
v. pour out (the remaining liquid from a container)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goggomi
(fal) hoore yar weel ka shub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goggomi
de: pour out (the remaining liquid from a container)
lx: goggomi
pd: (goggomiyey)
ps: v2a=tr
key: goggomi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gongome
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah noocyada dugaagga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gongomi
f.g2 (-iyay, -isay) Hoor yar oo weel salki ku haray shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goocaac
f.mg1 (-cay, -cday) Meel dan la'aan u yuururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goocaac
(fal) dul fadhi ama kulaal. Gabdhahoo ciyaar tuman raggoo, yare dul goocaaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Googgo'
(Googgo'-a)
1. Wax la jarjaray oo la yaryareeyey.
2. (cunno) hilib si gaar ah loo sameeyo.
3. Googgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgo'
googgo'¹: m.l.u 1. Wax cad-cad aan is haysan noqday. 2. Lacag sarrif ah oo yar.
googgo'²: f.mg1 (-'ay, -'day) Cad cad noqosho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgo'
googgo'¹: m.l.u 1. Wax cad-cad aan is haysan noqday. 2. Lacag sarrif ah oo yar.
googgo'²: f.mg1 (-'ay, -'day) Cad cad noqosho (wax). m.f.dh, googgo'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googgo'
m. n. broken pieces, bits; small change
googgo' v. cut in pieces, break in pieces
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
googgo'
-a: (n) [plural of go] portions or parts that have been separated from a whole; pieces (piisis)-googgo' -ay / day: (v) become separated;coins
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgo'
-a: (magac, lab, keli) wax la jarjaray oo la yaryareeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoo
f.g/mg2 (-gooyay, -goysay) 1. (f.g) Wax cad-cad ka dhigid. 2. (f.mg) Wax ka dhuumasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgoo
f.g/mg2 (-gooyay, -goysay) 1. (f.g) Wax cad-cad ka dhigid. 2. (f.mg) Wax ka dhuumasho. m.f.dh, googgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googoos
-ka: (magac, lab, keli) barnaamij ama warar aan xidhiidh ahayn oo kolba in la soo tebiyo. Warar googoos oo xiiso badan baan ka dhegaystaa idaacadda.
googoos -ka: (magac, lab, keli) harrar qurux loo yeelay oo midabbo kala duwan lagu xardhay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googooy
v. cut ~ chop (up), tear apart; break a date ~ appointment
googooy v. swerve, veer off suddenly
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GOR-GOR
? (Gor-gor) NFD, May, S Caesalpinia trothae Harms. Caesalpinaceae.
May Acacia brevispica Harms. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgori
f.g2 (-iyay, -isay) Shay beec ah qiimihiisa cid weyddiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gorgori
f.g2 (-iyay, -isay) Shay beec ah qiimihiisa cid weyddiin. m.f.dh, gorgorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorgori
v. bargain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gorgori
-yey / say: (v) discuss the terms of an agreement, as to sell, buy or exchange; bargain (baargen) ~ baayac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorgori
(fal) shey qiimihiisa ogow oo baayac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorgori
de: bargain
lx: gorgori
pd: (gorgoriyey)
ps: v2a=
key: gorgori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgoro
(Gorgora-da)
Waxa ganacsiga ah, sicirka ay joogaan oo layska waraysto; alaabada ganacsiga ah qiimeheeda oo lays weyddiiyo; baayac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgoro
m.dh Weyddiinta shay beec ah cid qiimihiisa la weyddiiyo. la-mid: gorgorin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gorgoro
m.dh Weyddiinta shay beec ah cid qiimihiisa la weyddiiyo. la-mid: gorgorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorgoro
f. n. bargain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorgoro
-da: (magac, dhedig, keli) waxa ganacsiga ah, qiimaha ay joogaan oo la iska weydiiyo. Dh: baayac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorgoro
de: bargain
lx: gorgoro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gorgoro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socsoco
(fal) dhaqdhaqaaq.