gobyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobyar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad gaagaaban oo ka mid ah gobka oo midho qadhaadh oo aan la cunin leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GOB-YAR
(Gob-yar) N, C Ziziphus mucronata Willd. Rhamnaceae.
C,N Ziziphus hamur Engl. Rhamnaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabxan
-ka: (magac, lab, keli) geed la bah ah gobyarta oo qodxo yaryar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabar
(Gabar-ta; Gabadha)
(koox; gabdho) qof dumar ah oo da' yar, aan weli la guursan; inan; (ama geber, gabadh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabar
gabar¹: m.l Midab madow oo iduhu dhabarka ku yeeshaan.
gabar²: m.dh (-bdho, m.l) 1. Haweyney aan weli la guursan; inan. 2. Cadrad. la-mid: geber, gabadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąbar
lg1 (-bray, -bartay; -bri) 1. (f.g) Cid wax khayaanid. 2. (f.lg) Wax badan meel isugu keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabar
m.dh (-bdho, m.l) 1. Haweyney aan weli la guursan; inan. 2. Cadrad. la-mid: gabadh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabar
f. n. girl, daughter; maiden, virgin
gabar v. pay in part; defraud
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabar
name-m defraud, pay in part
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabar
-ta: (n) [Pl. gabdho-ha] girl (geerel) inan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gabadh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gabar
فَتَاة، بِئْت
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobay
-ga: (magac, lab, keli) ninka qaansada iyo fallaadha si fiican ugu dagaallama ama ugu ugaadhsada.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gobba
s.f. - tuur, kurus.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gober
gober, v. - wax liqid iyada oo aan la raamsan ama la calalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobor
-ka: (magac, lab, keli) waxa uu qof leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kobar
m. n., (mass n.): copper {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kobar
-ka: (n) copper (kopper); Symbol Cu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kobar
cf: naxaas
de: copper {chemistry}
lx: kobar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: kobar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabyar
m.dh la-mid: danyar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaar
-ta: (magac, dhedig, keli) calaamad Eebbe abuuraha qaarkood u yeelo. Sacani gabaar buu wajiga ku leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbar
f.g1 (-ray, -rtay) Cid gabbaro siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabrar
m.l (-rro, m.dh) Caalir.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GABRAR
[GABRAR] Commiphora horrida 04, C. sp. aff. Gillett et al 2260? 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabyaa
(Gabyaa-ga)
Gabayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabyaa
m.l Nin hal-abuurka maansada yaqaan. la-mid: gabayaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabyaa
m.l Nin hal-abuurka maansada yaqaan. la-mid: gabayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabyaa
m. n. poet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabyaa
-ga: (n) person who composes and sings poems; poet (pooyt) ~ gabayaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabyaa
-ga: (magac, lab, keli) qof gabayga tirintiisa yaqaan oo midho curiya. Dh: gabayaa, gabye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabyaa
bw: gabayaa
de: poet
lx: gabyaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: shaacir
key: gabyaa
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gabyaa
شاعر
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gobaad
name-f noble, aristocracy, high caste, free-born. Syn: Absame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gobaad
ama Gobey, magac loo baxsho gabadh qurux iyo qaayo badan oo gob ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobaad
(tilmaame) gob ahaansho; aad u wanaagsanaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblan
goblan¹: m.l.kh la-mid: gablan¹.
goblan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: gablan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goblan
v. be childless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goblan
(tilmaame) ubad laawe; qofka aan carruur dhalin ama ay ka wada dhinteen.
goblan-ka: (magac, lab, keli) mid ubad aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goblan
de: be childless
lx: goblan
pd: (goblamay)
ps: v1=
see: gablan
key: goblan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hobyaa
Obbia (ville de Somalie).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
looyar
-ka: (n) lawyer (looyar); attorney (a-toorni); counselor (konsular); counsel, barrister, solicitor ~ garyaqaan, qareen, abukaate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looyar
-ka: (magac, lab, keli) abuukaate; qareen; sharciyaqaan; qaanuunyahan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goobo yar
Minor circle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Goobo yar
Small circle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambayar
-ta: (magacwadareed) gabadha ama hablaha da'yarta ah ee aanan weli qaangaadhin. Dh: foodley, dhoorrey, doorasaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganboyar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gamboyar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
globular
/globyalar/ (adj) kubbad oo kale ah, kuusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobaare
(Goobaara-ha)
Nin aan doob ahayn: nin guursadey; nin naag qaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goobaare
m. n. married man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaare
-ha: (magac, lab, keli) nin xaas hore soo furay ama ay ka dhimatay tu dambena aanan guursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goobaare
de: married man
lx: goobaare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: goobaare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobyaal
goobyaal¹: m.l 1. Geed dhuuban oo aan caleen lahayn oo mariid halis ah leh. 2. Qof aan tartammada ku guulaysan. 3. Warwareegidda la warwareego iyada oo wax ka sugayo.
goobyaal²: f.mg1 (-yiil, -tiil; -aalli) Warwareegid iyado wax la sugayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobyaal
-ka: (magac, lab, keli) socsocod aad wax ku raadinaysid. Dh: warwareeg, meeraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goombaar
m.dh Naag aan karti ay aqalkeeda ku maamusho lahayn; basari; baali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goombaar
m.dh Naag aan karti ay aqalkeeda ku maamusho lahayn; basari; baali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goombaar
f. n. careless ~ slovenly woman; bad housekeeper; slut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goombaar
-ta: (n) slattern (islaatarn) untidy or dirty woman ~ goonbaar, baali, areebo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goombaar
de: careless ~ slovenly woman; bad housekeeper; slut
lx: goombaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
xe: goonbaar {S}
xv: basari, baali
key: goombaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goonbaar
(Goonbaar-ta)
Naag aan hawlaha gurigeeda si wanaagsan u maamulan aqoon; naag xun oo rasan; sunbo: baali; basari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goonbaar
f. n. bad housekeeper, slut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goonbaar
-ta: (n) slattern (islaatarn) untidy or dirty woman ~ goombaar baali, areebo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goonbaar
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh weynaatay oo aan la guursan qurux iyo dabeecadna aan lahayn. Goonbaar raggii diiday baan gaadhi ma lahayne.
goonbaar -ta: (magac, dhedig, keli) haweenayda maamulkeeda iyo wax habaynteedu fiicneyn ee dabeecadda xun. Guri bila ninkii doonayee, nacaya goonbaarta, ee guur u jeedow i maqal, waan ku garansiine. Dh: basari, baali, goombaar, basari. Li: dhabeel, gaari, marwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goonbaar
de: bad housekeeper, slut
lx: goonbaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: goombaar {S}
key: goonbaar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sgobbare
v.intr. - qabasho shaqo aad u badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agabbar
(Agabbar-ka)
Layli; tababbar; jarayn; jebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agabbar
agabbar¹: m.l la-mid: agabbarid.
agabbar²: f.g1 (-ray, -rtay) Nafley leyliyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agabbar
f.g1 (-ray, -rtay) Nafley leyliyid. m.f.dh, agabbarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agabbar
v., [compound] train, tame, break in, domesticate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabbar
(fal) dad ama xayawaan wax aanay hore u aqoon bar. Dh: tababbar, layli, gedabar.
agabbar-ka: (magac, lab, keli) tababbarka la siiyo aadame ama xayawaan ee ku saabsan aqoon hore uga maqnayd. Agabbarka awrtu waa hawl adag. Dh: laylis, tababbar, gedabar, jarayn, jebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agabbar
de: train, tame, break in, domesticate
lx: agabbar
pd: (agabbaray)
ps: v1=cmp
key: agabbar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cowbaar
-ta: (n) palm tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabyare
-ha: (magac, lab, keli) marka qofku cidda uu ku tiirsanyahay ama qolodiisu aanay tiro badneyn. Dabyareha aan ahay waa waxa la igu duudsiyey. Dh: bahyare, laangaab. Li: laandheere.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
forbear
/foorbiir/forbore/ (v) 1. ka-dayn, ka-cafiyid (v) 2. u dulqaadasho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
forbear
v.i., (abstain) iska daa; forbear to swear, iska daa dhaarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: gabro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabawar
-ka: (magac, lab, keli) u garaabid la'aan; garowshiiyo la'aan. Ma dhab ayay sidani ka tahay mise waa gabawar. Dh: carigsi. Li: garowshiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabayaa
(Gabayaa-ga)
Qofka gabayga tirintiisa yaqaan; gabye (ama gabyaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabayaa
m.l la-mid: gabyaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabayaa
m. n. poet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabayaa
-ga: (n) a person who composes and sings poems; poet (pooyt) ~ gabyaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabayaa
-ga: (magac, lab, keli) qofka gabayga curiya ee sameeya. Timacadde wuxuu ahaa gabayaa weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabayaa
a: gabyaa
de: poet
lx: gabayaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gabayaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbare
-ha: (magac, lab, keli) lacag ay dawladdu dadka ka qaaddo. Dh: gabbaro, canshuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaro
(Gabbara-da)
Lacag ama wax kale oo tolku qof qof u bixiyo oo qaranka la siiyo; ammaan; sedo; canshuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaro
m.dh (-ooyin, m.l) Lacag ama hanti kale oo beelo meel wada daggani bixiyaan oo la siiyo dowlad ama boqortooyo; sedo, ammaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaro
f. n. tax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaro
-ha: (magac, lab, keli) eeg gabbare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbaro
de: tax
lx: gabbaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gabbaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabraar
(Gabraar-ka)
Eryidda, dabin u dhigidda iyo qabashada ama laynta ugaarta; garwaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabraar
gabraar¹: m.l (-ro, m.dh) Nin ugaarsada.
gabraar²: m.l/dh Dabidda, qabashada iyo laynta ugaarta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabraar
m. n. hunter
gabraar: v. hunt, go hunting, trap
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GABRAAR
(Gobrar) N, C Commiphora chiovendana Gillett. Burseraceae.
C Commiphora horrida Chiov. Burseraceae.
S, C Commiphora rostrata Engl. Burseraceae.
S Commiphora habessinica (0.Berg.)Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabraar
-tay: (v) hunt wild animals: hunt (hunt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraar
-ta: (magac, dhedig, keli) ugaadh caydhsi iyo qabashadeed. Dh: ugaadhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasayar
(Gasayar-ta)
Shacbaan; Soondheere; Waabberiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasayar
m.dh Bilaha dayaxa tooda siddeedaad oo soonqaadka ka horraysa; shacbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Gasayar
f. n. eighth month of the Somali lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasayar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad bariiska ka mid ah. Gasayar ayuu iibiyaa bakhaarkaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Gasayar
de: eighth month of the Somali lunar calendar
lx: Gasayar
pd: (-ta)
ps: n-f-time
syn: Shacbaan, Soondheere, Waabberiis
key: Gasayar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
go'yaal
-go'yaasha: (n) [ plural of go'] sheets of clothing