gobyahandhoorre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobyahandhoorre
m.l la-mid: gebiyahandhoorre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobyahandhoorre
-ha: (magac, lab, keli) shimbir yar oo dhoor leh oo si fiiqan u ciya. Dh: gobyahan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebiyahandhoorre
-ha: (magac, lab, keli) shimbir kuwa midhaha cuna ka tirsan oo midabkiisu boor yahay oo ci' dhuuban oo qurxoon leh. Madaxa dhankiisa danbe ayuu dhoor taagan ku leeyahay. meelaha dhirta badan ee kaymahana wuu ku nool yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambarodhuudhuu
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir dhoor leh oo geedaha ka dul heesta. Dh: gobyahandhoorre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebiyandhoorre
m.l Nooc shimbiraha ka mid ah oo dhoor dhaca madaxa ku leh. la-mid: gobyahandhoorre.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubarnatoore
-ha: (n) governor (gavarnar) ~ guddoomiye gobol