gobo'gobo'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobo'gobo'
-da: (magac, dhedig, keli) tifiqtifiqda dareeraha; dhibicdhibic biyaha; dhibco si is daba joog ah isaga daba yimaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goggobo
(Goggoba-da)
1. Geed kulul oo cudurrada qaarkood, siiba cadhada iyo wixii la jaad ah, lagu daweeyo.
2. Weesada lagu weesaysto ciidda habaaska leh; booraysi; (ama gaggabood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggobo
m.dh 1. Geed-nagaar leh caleemo yaryar iyo xididdo lagu daweeyo cudurro badan waxna lagu dhayo. 2. Ciidda oo lagu weyseysto. la-mid: gąggabo, geggebo, goggobbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goggobo
f. n., [collective] plant species, used as medicine for animals
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goggobo
de: plant sp., used as medicine for animals
lx: goggobo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: goggobo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Googgo'
(Googgo'-a)
1. Wax la jarjaray oo la yaryareeyey.
2. (cunno) hilib si gaar ah loo sameeyo.
3. Googgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgo'
googgo'¹: m.l.u 1. Wax cad-cad aan is haysan noqday. 2. Lacag sarrif ah oo yar.
googgo'²: f.mg1 (-'ay, -'day) Cad cad noqosho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgo'
googgo'¹: m.l.u 1. Wax cad-cad aan is haysan noqday. 2. Lacag sarrif ah oo yar.
googgo'²: f.mg1 (-'ay, -'day) Cad cad noqosho (wax). m.f.dh, googgo'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googgo'
m. n. broken pieces, bits; small change
googgo' v. cut in pieces, break in pieces
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
googgo'
-a: (n) [plural of go] portions or parts that have been separated from a whole; pieces (piisis)-googgo' -ay / day: (v) become separated;coins
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgo'
-a: (magac, lab, keli) wax la jarjaray oo la yaryareeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoo
f.g/mg2 (-gooyay, -goysay) 1. (f.g) Wax cad-cad ka dhigid. 2. (f.mg) Wax ka dhuumasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgoo
f.g/mg2 (-gooyay, -goysay) 1. (f.g) Wax cad-cad ka dhigid. 2. (f.mg) Wax ka dhuumasho. m.f.dh, googgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googoos
-ka: (magac, lab, keli) barnaamij ama warar aan xidhiidh ahayn oo kolba in la soo tebiyo. Warar googoos oo xiiso badan baan ka dhegaystaa idaacadda.
googoos -ka: (magac, lab, keli) harrar qurux loo yeelay oo midabbo kala duwan lagu xardhay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googooy
v. cut ~ chop (up), tear apart; break a date ~ appointment
googooy v. swerve, veer off suddenly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabogabo
-da: (magac, dhedig, keli) hawl socotay inta ugu danbaysa; meesha hawl lagaga faraxasho. Dh: gabagabo, dhammaad, dabayaaqo. Li: billaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoos
m.l G. ah: harag lagu naqshadeeyay midibbo kala soocan. la-mid: goosgoos (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
googgoos
m. n. brief comic act ~ performance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
googgoos
-ka: (n) a short, comic play; skit (iskit); sketch; concert (kon-seert); performance (peer-for-mensi) goosgoos
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
googgoos
de: brief comic act ~ performance
lx: googgoos
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: goosgoos
key: googgoos
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosgoos
m.l 1. Ereyo ama dood laba qof isdhafsato. 2. (riw.) Maadeys gaaban oo aan duluc keliya ka hadleyn ee arrima dhawr ah midba la soo bandhigo. 3. la-mid: googgoos.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
goosgoos
m.l 1. Ereyo ama dood laba qof isdhafsato. 2. (riw.) Maadeys gaaban oo aan duluc keliya ka hadleyn ee arrima dhawr ah midba la soo bandhigo. 3. la-mid: googgoos.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosgoos
m. n. brief comic performance about various subjects (with songs poems, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goosgoos
-ka: (n) a short, comic play; skit (iskit)-, concert (kon-seert); performance (peer-for mensi) ~ googoos
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosgoos
a: googgoos
de: brief comic performance about various subjects (with songs, poems, etc.)
lx: goosgoos
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: goosgoos
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorodgoo
f.g2 (-gooyay, -goysay) Wax madax ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorodgoo
(fal) madaxa ka jar oo ka goo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorogoro
-da: (magac, dhedig, keli) xooluhu marka ay jiilaalka ka soo doogaan ee roobna da'o dhulkuna aanu lahay waxay cunaan ee ay gaajada iyo qoyaanka la yaacyaacaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gorodgooy
v. decapitate, cut off (an animal's) head
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gorodgooy
a: gorodgoo
de: decapitate, cut off (an animal's) head
lx: gorodgooy
pd: (gorodgooyey)
ps: v2a=tr
key: gorodgooy