goblet
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goblet
/goblit/ (n) koob cabbitaan oo sal leh, badanaa khamriga lugu cabbo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gobelet
gobelet, n.m. - koob wax lagu cabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goble
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar ay wada ciyaaraan ragga iyo haweenku iyaga oo lab saf oo rag iyo hablo kala ah oo iska soo horjeeda ka dibna si qaabaysan ayey isku dhaafaan. Gobleha ayey ciyaaraan gabadhii guudka loo fidhaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeed
m.dh (cilmiga naflayda) Walax isjiidanayso oo ay ku dhiijiyaan unugyada “goblet” xuub xabeedka korkiisa si uu u ilaaliyo una subko, iyo si uu u soo dabo bakteeriyada, saxarrada boodhka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabeed
m.dh (cilmiga naflayda) Walax isjiidanayso oo ay ku dhiijiyaan unugyada 'goblet' xuub xabeedka korkiisa si uu u ilaaliyo una subko, iyo si uu u soo dabo bakteeriyada, saxarrada boodhka iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubxabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
giblets
/jiblits/ (n) xubnaha shimbirta ee ay ka mid yihiin beerka iyo wadnaha oo laga saaro intaan la karin ka-hor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gole
(Gola-ha)
1. Meel bannaan ama dhis ku wareegsan yahay oo korka ka bannaan oo laysugu yimaado; ardaa.
2. Meel lagu shiro oo arrimaha waaweyn oo tolka lagu galo oo lagu maamulo; aqalka mudanayaasha; Barlamaan.
3. Goob fagaare; (ama gale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Meel dad si joogto ah isugu yimaaddaan oo ay danahooda ugaga wada hadlaan. 2. Goob, fagaaro. 3. Mudanayaal si dastuuri ah dad u soo doortay. la-mid: gale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Meel dad si joogto ah isugu yimaaddaan oo ay danahooda ugaga wada hadlaan. 2. Goob, fagaaro. 3. Mudanayaal si dastuuri ah dad u soo doortay. la-mid: gale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gole
m. n. enclosure, chamber, verandah; meeting place; council, committee, national assembly; contest, match {sports}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gole
-ha: (n) 1. an enclosed space for meetings or social gatherings; hall (hool); chamber (jeeymber); 2. council (kawnsel); cabinet (kaaba net)
golaha ammaanka -amniga; (n) security council
golaha shacbiga: (n) people's congress
golaha wasiirrada: (n) cabinet of ministers
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gole
Sala
Hall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gole
-ha: (magac, lab, keli) meel dhinac laga soo dayro oo dugsi laga dhigo dabna lagu shito oo ragga loogu talagalo kuwooda doobabka ahna. hoyba u ah. Dadka gobal ayaa jira, hasha geela ka irmaan, looga waracaayoo, gole loo dugsiiyaa. Dh: ardaa.
gole -ha: (magac, lab, keli) dad loo doortay talo dal; gobol ama degmo ama urur. Waxaa dhawaan la qabanayaa doorashaddii golayaasha deegaannada.
gole -ha: (magac, lab, keli) meesha ardayda ama xertu wax ku barato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gole
de: enclosure, chamber, verandah; meeting place; council, committee, national assembly; contest, match {sports}
lx: gole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gole
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gole
مجلس
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gable
/geybal/ (n) derbiga qaabka saddex-xagalka u dhisan oo fiintiisa saqafka ama tarniiga laga kala-rido.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
galet
galet, n.m. - dhagax kuukuusan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gilet
gilet, n.m. - jubad aan gacmo lahayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gober
gober, v. - wax liqid iyada oo aan la raamsan ama la calalin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gobey
name-f high caste. Cf: Gobaad, Samaale, Shuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gofle
-ha: (magac, lab, keli) xanuun ku dhaca cirridka; ilkaha iyo hunguriga oo lagu daaweeyo geedka la yidhaahdo geedbey. Gofle ayaa wiilka ku dhacay ee geedbey ii keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Cudurka gosha xoolo ku ridid. 2. Gole ka dhigid; gole u dhigid. 3. Gool ka dhelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golee
v. put at the side; arrange a contest (wrestling, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golee
(fal) «u ~» ciyaar ama dagaal, isku meeri oo dad u ururi.
golee: (fal) cid kale, meel u bannee; meel bannaan u diyaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
golee
de: put at the side; arrange a contest (wrestling, etc.)
lx: golee
pd: (goleeyey)
ps: v2b=
key: golee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gonle
m.l Gammuunka aan loogu tala gelin in fallaar la geliyo. Waa lagu toogasho bartaa; kab-genka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gonle
-ha: (magac, lab, keli) gammuunka aan loogu tala gelin in fallaadh la geliyo ee lagu toogasho barto oo keliya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
goret
goret, n.m. - doofaar yar; wiil aan nadiif ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowle
m.l (-layaal, m.l/dh) Ciyaar jaan iyo or leh oo badanaa haweenku ciyaaraan. 2. Guuxa libaaxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowle
m.l (-layaal, m.l/dh) Ciyaar jaan iyo or leh oo badanaa haweenku ciyaaraan. 2. Guuxa libaaxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowle
m. n. small drum; drum dance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar jaan iyo or leh oo badanaa haweenku ciyaaraan.
gowle -ha: (magac, lab, keli) guuxa iyo reenka libaaxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowle
de: small drum; [ext.] drum dance
lx: gowle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gowle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOBLE
(Hoble) May, S Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KOBLE
(Koble) S Launaea nigricola Jeffery. Compositae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
noble
/nowbal/nobleman, noble-woman; (adj) 1. darajo sare (sharaf weyn mudan) 2. nasab fiican (shariif ah, dad sare ka dhashay) dad sare oo nasab fiican ka dhashay (laan-dheere ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
noble
noble, adj. - haybad; darajo sare.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
objet
objet, n.m. - shay; wax; maado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoble
m.l Roob muddo dheer da'a oo aan biyo dhigin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
collet
collet, n.m. - Suryo; Dabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Socod cagajiid ah oo aan qasad lahayn samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablee
(fal) si aan miisaaneyn u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabley
m.dh Nooc shimbiraha ka mid ah; habas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabley
f. n. bird species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabley
-da: (magac, dhedig, keli) jaad shimbiraha ka mid ah oo inta badan kooxkoox u daaqa oo dhulka u midab eg. Dh: habas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabley
de: bird sp.
lx: gabley
pd: (-da)
ps: n-f
key: gabley
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gimlet
n., (awl) kaba tola or tole, -ihi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gobble
/gobal/ (v) boobid, cunto-boobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblan
goblan¹: m.l.kh la-mid: gablan¹.
goblan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: gablan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goblan
v. be childless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goblan
(tilmaame) ubad laawe; qofka aan carruur dhalin ama ay ka wada dhinteen.
goblan-ka: (magac, lab, keli) mid ubad aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goblan
de: be childless
lx: goblan
pd: (goblamay)
ps: v1=
see: gablan
key: goblan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goblin
/goblin/ (n) jinni aad u-xun.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gorget
gorget, n.m. - qaybta hoos ee koofiyada madaxa iyo qoorta la gashado.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gullet
Hunguri, Jidiin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gullet
/galit/ (n) hunguri, jidiin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gullet
n., (the food pipe) hunguri madow, -gi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mollet
mollet, n.m. - kub.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
poulet
poulet, n.m. - digaagga yaryar; carruurta doorada
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sublet
/sablet/ (v) kasii ijaarid (guri qof ijaartay, oo qof kale kasii kiraysto).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tablet
/taablat/ (n) 1. kiniini (n) 2. dhagax ama bir fidsan oo qoraal leh.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Tablet
Kiniini
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
toilet
/tooylit/ (n) musqul (suuli).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
goal-net
shabaqa goolka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobo'lee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Hoore, dhibic-dhibic u dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gobo'lee
v. drip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gobo'lee
-yey / gobo'leysay: (v) fall in drops; drip (diriip). Ex: biyaa ka gobo'lahaa tuubaddii dilaacsanayd; water was dripping from that leaky faucet
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gobo'lee
de: drip
lx: gobo'lee
pd: (gobo'leeyey)
ps: v2b=intr
key: gobo'lee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goboleed
n. phr., genetive: regional
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goboleed
(adj) regional. Ex: dawlad goboleed; regional government
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goboleed
de: regional
lx: goboleed
ps: np-gen
xe: regional conference
xv: shir goboleed
key: goboleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goloblee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Dan la'aan u warwareegid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
booklet
/buuklet/ (n) buug yer.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cobbler
/koblar/ (n) kabatole (qofka kabaha sameeya ama hagaajiya).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
collect
/kolekt/ (v) ururin (isku ururin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
collect
v.tr., isu gee, isu keen, uruuri, kusoo gur.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
complet
complet, adj. - Dhan; Kaamil ah.
complet, n.m. - Isku joog; Suud.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
doubler
doubler, v. - dhaafid; ka dheerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gableyn
m.f.dh eeg gablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gableyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof u socda si aan miisaanayn ahaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gambler
/gaambalar/ (n) khamarji (khamaare)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
garbled
/gaarbaldh/ (adj) hadal tashwiish ku jiro, ama xaqiiqda ka weecsan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
globale
agg. - guud ahaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
globule
/globyul/ (n) dhibic-yar oo dareere ah, siiba dareere dhalaalsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
globule
globule, n.m. - wareegsan sida ukunta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: gablami.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
godless
/gadh-les/ (adj) aan ilaah-aqoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godoble
-ha: (magac, lab, keli) qof godob gabe ah: denbiile ah; eedaysane ah. Ninku waa godoble oo marba meel buu u baxsadaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goggles
/gagels/ (n) ookiyaale-qafilan, indha-gashi geesaha ka qafilan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gonfler
gonfler, v. - buuxin; afuufin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gourmet
/guurme/ (n) qofka cunto-yaqaanka ah, kuna raaxaysta cunidda iyo cabidda heerka sare ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ignoble
ignoble, adj. - saqajaan; waxba iska dhawrin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
job lot
/jab lot/ (n) alaab kala nooc ah oo laysku gado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jobless
/jables/ (adj) aan shaqo lahayn (aan shagayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogogleh
f.mg4 (-lahaa, -lahayd) Ku o.: wax, meel kale u dhow ahaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Problem
Mas'alo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
problem
/problem/ (n) 1. dhibaato (mashaakil) 2. mas❜alo (masalo ama shiddo iyo hawl badan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoobley
m.dh.u Naasley qoobab leh oo had iyo jeer qabitimay orodka dhulka bannaanada ah. Waa daaqcune u nool kooxo.