goblamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblamid
m.dh la-mid: gablamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goblamid
-da: (magac, dhedig, keli) gablan noqosho; ubad la'aan ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: gablami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gablamid
(Gablamid-da)
Gablan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablamid
m.f.dh eeg gablan². la-mid: goblamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan carruur dhaxasha lahayn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblamin
m.dh la-mid: gablamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglamid
m.f.dh eeg goglan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid gablan ka dhigid. la-mid: goblami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gablami
v. prevent from having sons; kill off all one's sons
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablami
(fal) qof gablan ah ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gablami
de: prevent from having sons; kill off all one's sons
lx: gablami
pd: (gablamiyey)
ps: v2a=tr
key: gablami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablamin
m.f.dh eeg gablami. la-mid: goblamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof, gablan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabramid
m.f.dh eeg gabran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geylamid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad iyo aad ah u dagaallamid. Dh: gayllamid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qablamid
(Qablamid-da)
Qablan samayn, kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qablamid
m.f.dh eeg qablan². la-mid: qablan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qablamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal qaylo ah iyo socod sanqadh dheer oo culus leh. Waxba yuun qablamin oo annaga, qaw na maqashiine. Dh: buugid.
qablamid -da: (magac, dhedig, keli) wax qablamay ahaan; gaajo xoog ah qaabid. Qablamid ayay lo'du la ciyaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyllamid
(Geyllamid-da)
1. Aad u dadaalid.
2. Diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyllamid
m.f.dh eeg geyllan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobaabid
m.f.dh eeg goobaab². la-mid: koobaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobaabid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wareejin; goob maageerid. Goobaabidda ayaa ceelqodista ka horreysa. Dh: meegaarid, xeerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraamid
m.f.dh eeg gooraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loollamid
(Loollamid-da)
Halgamid, dagaallamid; tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loollamid
m.f.dh eeg loollan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loollamid
-da: (magac, dhedig, keli) tartamid ama dagaallamid. Dh: loollamis, baratamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamid
m.dh la-mid: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad jeclayd, ka xiisadhicis oo noqnoqoshadiisa nicid; ka daalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giblid
-da: (magac, dhedig, keli) rar awr saaran saan ku hagoogid; awr raran saanta dusha kaga dedid. Alaabtu giblid bay u baahan tahay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gobaad
name-f noble, aristocracy, high caste, free-born. Syn: Absame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gobaad
ama Gobey, magac loo baxsho gabadh qurux iyo qaayo badan oo gob ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobaad
(tilmaame) gob ahaansho; aad u wanaagsanaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblan
goblan¹: m.l.kh la-mid: gablan¹.
goblan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: gablan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goblan
v. be childless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goblan
(tilmaame) ubad laawe; qofka aan carruur dhalin ama ay ka wada dhinteen.
goblan-ka: (magac, lab, keli) mid ubad aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goblan
de: be childless
lx: goblan
pd: (goblamay)
ps: v1=
see: gablan
key: goblan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goblin
/goblin/ (n) jinni aad u-xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlad
(Godlad-ka)
Godlasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlad
m.l la-mid: godlasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo caano keenid oo godlasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlid
(Godlid-da)
Godol ka doonid; caano ka raadin; godlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlid
m.f.dh eeg godol². la-mid: godlin, godol¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlid
-da: (magac, dhedig, keli) godol ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goglad
(Goglad-ka)
Goglasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglad
m.l la-mid: goglasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goglad
vl. n. carpeting, matting, floor covering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goglad
-ka: (magac, lab, keli) wax, gogol ka dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goglad
a: goglasho (/da) [vn6-f]
de: carpeting, matting, floor covering
lx: goglad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: goglad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goglid
(Goglid-da)
Gogol dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglid
m.f.dh eeg gogol².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goglid
-da: (magac, dhedig, keli) gogol fidin; wax lagu seexdo dhulka ku diyaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmod
-ka: (magac, lab, keli) caanuhu marka ay aadka u dhanaanaan waxay u kala baxaan faar adag iyo biyo dhanaan, biyahaas ayaa golmod la yidhaahdaa. Golmod baa harraad u bi'in og.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golmud
m.l 1. Caano bur iyo biyo u kala miirmay. 2. Cudur idaha ku dhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
golmud
m. n., (mass n.): sour milk that has separated and is almost all whey
golmud m. n. disease of sheep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golmud
(fal) qof ama xoolo gosha wax kaga mud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golyid
m.f.dh eeg goli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golyid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarid oo isla maaweelid. Carruurta golyidda ha ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abyamid
(Abyamid-da)
Yaab iska garasho; yaabid: irkigid; amakaagid; ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyamid
m.f.dh eeg abyan². la-mid: abyan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyamid
-da: (magac, dhedig, keli) irkigid iyo amakaagid; yaab iska garasho. Nimanyahaw abyamid baa i heshiyo amarka yaabkiiye. Dh: yaabid, ashqaraarid, amakaagid, amankaagid, irkigid.
abyamid -da: (magac, dhedig, keli) dhammaystirka wax la alkumayay. Qoladii aqalka dhisanaysay abyamiddiisa ba ma sugine, kolkii la taagay ba way galeen. Dh: dhammaystirmid, gebagaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebyamid
m.f.dh eeg ebyan¹. la-mid: ebyoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falamid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku garramid ama ku dacwiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aami
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin go'aan ka gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
go'aami
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin go'aan ka gaarid. m.f.dh, go'aamin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
go'aami
-yey I say: (v) make or arrive at a logical conclusion .
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aami
(fal) go'aan gaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
go'aami
de: decide, conclude
lx: go'aami
pd: (go'aamiyey)
ps: v2a=tr
key: go'aami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobaadi
(fal) hambalyee sida dad is guursaday oo kale. Dh: bogaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golomis
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar sacab iyo hees la iskugu daro.
golomis: -ka: (magac, lab, keli) buuq iyo xiin weheliya wax la kala boobayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosmid
m.f.dh eeg goosan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulmid
(Guulmid-da)
Sida wax la guuley oo cabsiyi gashay dib u joogsasho, hakasho, leexasho, didid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulmid
m.f.dh eeg guulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof cabsi gashay dib u gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolmid
m.f.dh eeg hoolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoolan noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ortamid
m.f.dh eeg ortan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ortamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ortan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolmid
m.f.dh eeg qoolan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballamid
(Ballamid-da)
Wax isku ogaansho; ballan dhigasho: wacad isu gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballamid
m.f.dh eeg ballan². la-mid: ballan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl, shir ama wax kale, bal u qabsasho. Ballamid baynu isku ogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubtamid
(Cubtamid-da)
Cubtan dadka cayaara haya ku kala doorasho; (ama cugtamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubtamid
m.f.dh eeg cubtan². la-mid: cubtan¹ (2), cugtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xulasho ay dadka cayaarayaa cayaartoyda ku kala doortaan; wax kala doorasho. Dh: cugtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabramid
m.f.dh eeg dabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fillamid
(Fillamid-da)
Dhib ama hawl ama wax la bixina hayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid, dhabiiltamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fillamid
m.f.dh eeg fillan². la-mid: fillan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footamid
-da: (magac, dhedig, keli) caanawadaag ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatamid
(Gaatamid-da)
Socod gaatan ah, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatamid
m.f.dh eeg gaatan². la-mid: gaatan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod gaarrin ah; aayar u socod. Dh: gaatan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dul wareejin oo ku hareeraysnaan. Dh: goobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladid
m.f.dh eeg gallad². la-mid: galladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladid
-da: (magac, dhedig, keli) tageero iyo wanaag u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallimid
m.dh la-mid: gellimid.