gobanimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobanimo
-da: (magac, dhedig, keli) madaxbannaani la helo; dawladnimo la gaadho. Dh: xorriyad. Li: gunnimo.
gobanimo -da: (magac, dhedig, keli) wanaag loo dhasho iyo dhaqan suubban. Li: gunnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gobannimo
(Gobannima-da)
1. Gob ahaan.
2. Xorriyad; xornimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobannimo
m.dh 1. Gob ahaansho. 2. Xurriyad, madaxbannaan. 3. la-mid: gobnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gobannimo
f. n., [abstract] freedom, independence; nobility of character
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gobannimo
-gobannimada: (n) independence (indipend-si) ~ xornimo, madaxbanaani
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gobannimo
de: freedom, independence; nobility of character
lx: gobannimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: gobannimo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gobannimo
اسْتِقْلالِيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobnimo
m.dh Gob ahaansho. la-mid: gobannimo (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblannimo
m.dh la-mid: gablannimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calan
-ka: (magac, lab, keli) maro midabyo iyo calaamado kale leh oo astaan u ah cid gaar ah; astaan gobanimo oo wadan xor ah ama urur gaar u leeyahay. Bir dheer baa la sudhaa oo uu ka babbada. Dh: baraq, bandiirad.
calan -ka: (magac, lab, keli) baraha midabyada ah ee idaha dushooda ku yaal sida barta madow oo idaha qaarkood ku yeeshaan badhida ilaa candhada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqdhaqaaq
(fal) xarako samee oo socsoco; wax taagan ha ahaan. Bal dhaqdhaqaaq si caafimaadkaaga loo tijaabiyo.
dhaqdhaqaaq -a: (magac, lab, keli) xarako ama socsocod iyo taagnaansho la'aan.
dhaqdhaqaaq-a: (magac, lab, keli) koox siyaasadeed ama gobanimodoon oo cid mucaarid ku ah. Dh: urur, koox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaad
(fal) «ku~» si tiigaalo ah wax u tuur.
halgaad -da: (magac, dhedig, keli) nabar tuuryo gacmeed ah. Dh: wajaaf.
halgaad -da: (magac, dhedig, keli) tuuryo gacameed oo meel lala beegsado. In kastoo halgaad lagu dhuftoo heeryo laga jeexo. Gobanimo nin heerinahayaa soo hadhgali waaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxbanaani
-da: (magac, dhedig, keli) is xukumid aan meel ku xidhnayn oon cidna laga amar qaadan. Jabuuti 1977 ayay madaxbannaanida qaadatay. Dh: xorriyad, gobanimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaad
-ka: (magac, lab, keli) xishood gobanimo. Marka hore marwaadka, iyo mawaaadka faraxa leh, muxubada riyaaqa leh waa mid lagu yaqaanee. Dh: xishood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaadso
(fal) xishood gobanimo yeelo. Nayaa sida hablaha filkaaya mawaadso. Dh: xishoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasri
-ga: (magac, lab, keli) guul iyo gobanimo. Dh: faraj.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xornimo
-da: (magac, dhedig, keli) gobannimo; madaxbannaani aan cidna addoon loo ahayn. Dh: xorriyad, gobanimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxaryabyab
-ka: (magac, lab, keli) fal cammays ah oon si gobanimo ah loo samaynin. Arrinta yaxaryabyabka ka daa oo daacad u noqo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
liberté
liberté, n.f. - xorriyad; gobanimo; madax banaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabarnimo
(Gabarnima-da)
Gabar ahaan; inannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabarnimo
m.dh Gabar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabarnimo
f. n., [abstract] girlhood, maidenhood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabarnimo
gabarnimada (n) girlhood (geerel huudh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay aan la guursan ahaan. Dh: inannimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabarnimo
de: girlhood, maidenhood
lx: gabarnimo
pd: (/ha)
ps: n6-f-abs
key: gabarnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabadhnimo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay aanan la guursan ahaansho. Dh: inannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gablannimo
(Gablannima-da)
Gablan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablannimo
m.dh Gablan ahaansho. la-mid: goblannimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gablannimo
f. n., [abstract] childlessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gablannimo
gablannimada: (n) childlessness (jaayldh·les nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablannimo
-da: (magac, dhedig, keli) gablan ahaansho; ubad la'aan ku dhimasho; da' weyni iyo ubad la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gablannimo
de: childlessness
lx: gablannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gablannimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aabbanimo
-aabbanimada: (n) fatherhood (fader-huudh); the state of being a father.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbanimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha labada waalid kooga lab. Aabbanimo carruurtu ha kaa dareento. Li: hooyanimo.
aabbanimo -da: (magac, dhedig, keli) lahaanshaha tilmaamaha xilkasnimo ee aabbaha. Ugaasku waa nin ay aabbanimadu ka muugato. Dh: xilkasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agoonnimo
(Agoonnima-da)
Agoon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoonnimo
m.dh Agoon ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agoonnimo
f. n., [abstract] orphanhood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agoonnimo
-agoonnimada: (n) orphanage (oorfeneeyj); the condition of being a child without father; orphanhood ~ yatiinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonnimo
-da: (magac, dhedig, keli) agoon ahaan; agoon noqosho; waayista labada waalid midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agoonnimo
de: orphanhood
lx: agoonnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: agoonnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoornimo
m.dh Agoor ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahbalnimo
m.dh Ahbal ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahbalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) doqon ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabownimo
f. n., [abstract] agedness, old age
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabownimo
de: agedness, old age
lx: gabownimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gabownimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacalnimo
(Gacalnima-da)
Gacal ahaan; gacalo isu qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalnimo
m.dh Gacal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacalnimo
f. n., [abstract] kinship, state of being a relative
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gacalnimo
- gacalnimada: (n) 1. kindness (kaayndh nes); kind act, act of goodwill. 2. kinship (kin-shiip) ~ qaraabanimo, gacaltooyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) gacal isku ahaansho; dad xidhiidh guur ka dhaxeeyo ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacalnimo
de: kinship, state of being a relative
lx: gacalnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: gacalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabnimo
m.dh.fk Waqti galab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabnimo
f. n. in the afternoon, p.m.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Galabnimo
le soir, l'après-midi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) casarliiq ahaansho; milay galabeen ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabnimo
de: in the afternoon, p.m.
lx: galabnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-time
key: galabnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garacnimo
-da: (magac, dhedig, keli) farakhnimo ku soo dhalasho; garac ahaansho; wecelnimo ku soo dhalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gocornimo
-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad xumo aan furfurnaan lahayn. Dh: bakhaylnimo, nacasnimo, doqonniimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gooninimo
-gooninimada: (a) aloneness (a loon-nes); lone someness (loon-sam-nes)~kalinim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) duq weynaatay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodannimo
m.dh Hodan ahaansho. la-mid: hodantinnimo, hodantooyo, hodontinnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hodannimo
-hodannimada: (n) wealthiness (weel-thi-nes); richness (riij-nes) ~hodonnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodannimo
-da: (magac, dhedig, keli) hodan ahaan; qof hodan ah noqosho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooyanimo
-da: (n) motherhood (maatharhudh) ~ hooyonnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbaxnimo
(Ilbaxnima-da)
Ilbax ahaan; galtibbaxnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaxnimo
m.dh 1. Ilbax ahaansho. 2. Heer, horumar xagga dhaqaalaha, dhaqanka iyo wixi lamida laga gaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilbaxnimo
m.dh 1. Ilbax ahaansho. 2. Heer, horumar xagga dhaqaalaha, dhaqanka iyo wixi lamida laga gaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbaxnimo
f. n., [abstract] civilization; civility
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbaxnimo
-da: (n) civilization (sivala-zeey-shen) ~ xaddaarad, xadaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbaxnimo
-da: (magac, dhedig, keli) sidii hore si ka wanaagsan oo la gaadho; horumar gaadhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbaxnimo
de: civilization; civility
lx: ilbaxnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: ilbaxnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabadnimo
m.dh Qabad ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qolannimo
f. n., [abstract] tribalism, ethnic awareness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qolannimo
de: tribalism, ethnic awareness rw: qolo
lx: qolannimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: qolannimo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subaxnimo
f. n. in the morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subaxnimo
-subaxnimada: (n) mornings (moorningis)-, early part of the day ~ subixii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subaxnimo
-da: (magac, dhedig, keli) subax ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subaxnimo
de: in the morning
initial: s
lx: subaxnimo
pd: (/da)
ps: n-f-time
key: subaxnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaannimo
m.dh Gabbaan ahaansho. la-mid: gibbaannimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) neef gudhiddiisu dhowdahay oo caanayareeyey ahaan; gibbaan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibbaannimo
(Gibbaannima-da)
Gibbaan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibbaannimo
m.dh la-mid: gabbaannimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibbaannimo
f. n., [abstract] condition of giving little milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibbaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) neef soo gudhaya ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gibbaannimo
de: condition of giving little milk
lx: gibbaannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gibbaannimo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ànimo
s.m. - niyad, qalbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dad aabbo keli ah ka soo jeeda; isku ahaanshaha isir keliya. Abnimaan tixgeliyee, abidakay ma daayeen. Dh: tolnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godano
-da: (magac, dhedig, keli) deegaannada inta dadku ku noolaan karo ee la dego. Dh: galin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godimo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab geedaha lagu jaro ama lagu qoro oo bir daab la geliyay ka samaysan. Dh: qodin, gudin, gudun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) marka labo qof ay isugu yimaadaan wax isku ahaansho. Cumar iyo Cabdi waxa ka dhexeeya ibnimo. Dh: aanaysi, qaraabanimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahnimo
m.dh Bah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qaaraabo ahaan, tol iyo ehel ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colnimo
-da: (magac, dhedig, keli) col ahaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
granito
s.m. - xabuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunnimo
(Gunnima-da)
Dhalanka iyo baxaalliga gunta oo la yeesho; gun ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunnimo
m.dh Gun ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunnimo
f. n., [abstract] state of being of inferior rank; vulgarity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gunnimo
-gunnimada: (n) a person lower in status or rank than another; inferiority (infir yooriti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunnimo
-da: (magac, dhedig, keli) nasabxumo ama qof ama dad la gumaysto ahaansho. Li: xornimo.